24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sawirro: NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad argagixiso, hub iyo qaraxyo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnayd Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu qabtay 5 xubnood oo ku howlanaaa falal amni darro ah.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.

Sidoo kale waxaa hay’addu ay sheegtay in sidoo kale ciidamada ay soo qabteen hub uyo qaraxyo ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneysay inay ka gaysato gudaha caasimada.

“Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana shacabka loogu baaqay inay qaataan doorkooda, si looga hortego amni darrada.

Maalmihii u dambeeyay laamaha ammanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan caasimada, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis malaayin dollar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda USAID ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya 68.5 milyan oo dollar.

Dhaqaalahan uu Mareykanka ku deeqay ayaa loogu tala-galay in wax looga qabto arrimaha horumarinta deegaanada dhawaan laga saaray Al-Shabaab, waxaana maanta si wada-jir ay qalinka ugu duugay wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga Maxamuud Beene-Beene iyo wasiirka maaliyadda Biixi Imaan Cige.

Munaasabad kooban oo saxiix ah kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirada maaliyadda iyo qorshaynta iyo madaxa USAID ee Soomaaliya, iyada oo wasiir Beene-Beene uu hoosta ka xariiqay in lacagtaan deeqda ah inteeda badan dowladdu ay u adeegsan doonto horumarinta arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo maaamul-Wanaagga deegaanada dowladdu ka xoreysay argagixisada ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda hubin doonto in dhaqaalahaan uu ku baxay halkii ugu saxnayd iyo ciddii mudnayd, si looga faa’iideysto sidii ugu habooneyd.

Sidoo kale wasiirka maaliyada ayaa isna dhankiisa u mahadceliyay hay’adda USAID ayaa sheegay in deeqdani ay tahay cashuurta ay bixiyaan shacabka Mareykanka, si taa lamid ah ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta si looga maarmo kaalmada dibada ka timaado.

Catie Lott oo ah madaxa xafiiska USAID ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaan uu ka turjumayo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay “in ay jeclaan laheyd arkidda natiijada wanaagsan ee ka dhalaya deeqda ay bixiyeen deegaanada lagu maalgaliyo.”

Heshiiskaan ay maanta wada saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa abuuraya xasilooni iyo horumar ka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka magaalooyinka iyo miyiga oo la hormarinayo adeegyadooda aas-aasiga ah.

Mooshin xil ka-qaadis oo laga keenay madaxweyne ku-xigeenka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Kenya ayaa qorsheynaya in ay billaabaan mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka dalka Rigathi Gachagua, iyaga oo ku eedeeynaya in uu arbushayo dowladda, sida uu sheegay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka.

Tallaabadan ayaa muujineysa khilaaf sii ballaaranaya oo u dhaxeeya madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisa.

Waxay ku sii dari karta caqabadaha haysta dowladda kadib mudaaharaadyo bilo socday, oo ay dad badan ku dhinteen, kuwaas oo ka dhashay sharciga maaliyadda ee lagu murmay, kuna qasbeen Ruto in uu meesha ka saaro sharciga bishii June, islamarkaana eryo inta badan golihiisa wasiirrada.

“Waa run in uu jiro mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka, islamarkaana aniga oo ah xildhibaanka baarlamaanka ee Kikuyu, horey ayaan saxiixayga ugu daray,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Kimani Ichung’wah Axaddii.

“Waan taageerayaa mooshinka xil ka qaadista ah ee lagu joojinayo hannaanka lagu wiiqayo xukuumadda iyo sadbursiga dowladda dhexdeeda ah,” ayuu yiri.

Taleefono loo diray afhayeenada Gachagua, si falcelin looga helo, ayaan laga jawaabin.

Waxa uu maalmihii la soo dhaafay ka hadlay in dhinac loo riixay, wuxuuna beeniyey eedeymaha la xiriirinaya deganaansho la’aanta, kuwaas oo uu ugu yeeray “isku day aan miro-dhal ahayn oo lagu doonayo in magacayga lagu xumeeyo, lana doonayo in ay sabab looga dhigo mooshinka xil ka qaadista ee iga soo horjeeda”.

Gachagua ayaa Axaddii weriyayaasha u sheegay in mooshinka xil ka qaadista uu u baahnaan doono ogolaanshaha Ruto.

“Madaxweynaha oo aan ogolaansho siin, mooshinku ma gaari karo baarlamaanka, haddii uu baarlamaanka gaaro madaxweynaha ayaa aqbalay.”

Gachagua wuxuu taageero ka haystaa gobolka bartamaha Kenya ee dadka badan, waxaana dadaallada lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo laga yaabaa in ay caro ka abuuraan halkaas, taasi oo sii kordhinaysa madax xanuunka Ruto.

In ka badan 50 qof ayaa lagu dilay qalalaasaha looga soo horjeedo sharciga maalgelinta, kuwaas oo abuuray xasaradihii ugu weynaa ee Ruto uu la kulmo tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2022.

Dibad-baxayaashu waxay ka soo horjeesteen canshuur kordhinta ku jirta sharciga, waxayna sidoo kale dalbadeen in tallaabo laga qaado maamul-xumada iyo musuq-maasuqa.

Iyada oo qayb ka ah isku shaandhayn ballaaran, Ruto ayaa bishii Luulyo u magacaabay afar xubnood oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka inay ka mid noqdaan gole wasiirro oo sal-ballaaran.

Hase yeeshee kooxaha u dhaq-dhaqaaqa waxa ay sheegeen in dowladda cusub ay sii wadi doonto un dhaqanka hoggaamiyeyaasha ee ah in ay kaashaadaan mucaaradka, halkii ay ka fulin lahaayeen isbedellada ballaaran oo ay dalbadaan muwaadiniinta.

VOA + Reuters

Mooshinka Wasiir AXMED FIQI ma shaqeyn doonaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Ku dhowaad 50 mudane oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka geysay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Xildhibaannada golaha shacabka iyaga ayaa golaha wasiirada siiya ogolaanshaha ay ku shaqeeyaan, xaq ayeyna sharciyan u leeyihiin inay dib u eegaan howsha wasiiradda.

Qaar kamid ah xildhibaannada eedda ka keenay wasiir Fiqi, waxaana halkan kusoo koobeyna nuxurka eedooda, xilliga iyo halka ay ku dhamaan karto.

Eedda xildhibaannadan waxaa kamid ah;

1. Arrinta fiisaha iyo warqadda fasaxa

Dadka ku safraya baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin fasaxa wasaaradda arrimaha dibadda.

Warqadda fasaxa iyo midda safaaradaha loo diro ee lagu siiyo fiisaha dadka wata baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya waxaa bixisa wasaaradda arrimaha dibadda.

Xildhibaannada iyo hay’addaha dowladda qaar ayaa ku eedeynaya wasiir Fiqi inuu bixintii ku saleeyay saaxiibtinimo, xisbi iyo dano isaga u gaar ah oo aan lagu saleynin dan guud.

Xildhibaannada oo aan weydiinay inay dhibsadeen in la adkeeyay hanaanka safarada dibadda waxay ku doodeen in aan bixintii la joojin, lana adkeyn, balse wasiir Fiqi siiyo ciddii uu doono oo uusan jirin habraac dowladeed oo uu ku saleeyay.

Xildhibaannada mooshinka qoray waxa kale oo ay ka cabanayaan xurmo la’aan ay kala kulmeen wasiirka arrimaha dibadda.

2. Gudaha wasaaradda

Xildhibaannada saxiixay mooshinka qaar waxay sheegeen inuu jiro khilaaf ragaadiyay gudaha wasaaradda arrimaha dibadda, gaar ahaan wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru-dowlaha iyo xoghayaha joogtada, taasina qasab tahay in daawo loo raadiyo, si aanay wasaaradda u lumin shaqadii qaranka.

Eedda khilaafka waxay saarayaan xildhibaannada wasiir Fiqi, sidoo kale xildhibaannada qaar waxay sheegayaan inuu wasiirku kala soocid deegaameysan ku sameeyay shaqaalaha wasaaradda.

3. Jahwareerinta siyaasadda arrimaha dibadda

Xildhibaannada waxay wasiirka ku eedeynayaan inuu jahwareer, farriimo isdhaawacaya iyo kuwo aan la tashi qaran kusoo bixin inuu lugaha u geliyay wasaaraddii iyo siyaasaddii arrimaha dibadda ee dalka.

4. Isbeddelka shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta

Qaabka loo wajahayo isbeddelada shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta ee ka socda safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay caalamka, oo ay xildhibaannada qaar sheegayaan in aan lagu saleynin aqoon iyo in lagu sameeyay sad-bursi deegaameysan.

Eedahaas ayay qabaan xildhibaannada aan la hadlany, laakiin laba arrimood ayaa xildhibaannada culeys ku noqon doonta.

Mid waa waqtiga, iyada oo Soomaaliya wajaheyso Itoobiya in la bixiyo wasiirka arrimaha dibadda waa dhaawac culus oo aan la qaadi karin.

Midda kale waa wasaaradaha guud ee dowladda. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inta badan wasaaradaheeda waxaa ka dhex jira musuq, ku tagri-fal awoodeed iyo kiisas foolxun oo la qaadi karin.

Haddii ay xildhibaannadu rabaan inay wax hagaajiyaan waxay aheyd inay wasaaradda kale kusoo daraan dacwadan.

Dadka waxay isweydiinayaan ma shaqeyn doonaa mooshinkan, waxay u badan tahay in uusan shaqeyn oo uu madaxweynaha soo fara-geliyo oo guddoonka la hadlo, halkaasna lagu soo xiro.

Sidee BF xilka uga qaadi karaa wasiirada xukuumada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka keenay mooshin dib u eegis loogu sameeynayo xilka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaliya, Axmed Macalin Fiqi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. 

Xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka oo sida ay noo sheegeen qaarkood gaaraya in ka badan 40 xildhibaan ayaa ku doodaya qodobo ay ku eedeynayaan oo ay ku jiraan “in wasiirka uu shaqadii wasaaradda curyaamiyay”. 

Waxaa ka mid ah sida uu sheegay xildhibaan Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee mooshinkaan gudbiyay waxyaabaha ay ku eedeyeen wasiirka, arrimo la xiriira muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay “in wasiirku uu ka gaabay difaaca madaxbanaanida dalka”. 

Qodobada kale ay xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka ku eedeeyeen waxaa ka mid ah “in ay jiraan xildhibaano badan ay walaac ka muujiyeen shirkad Soomaaliyeed iyo mid nin Talyaani ah uu leeyahay oo tartamay in tan Soomaaliga laga reebay in ay ka qeybgasho bandhigga ganacsiga ee lagu qabanayo Japan 2025-ka”.

Xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka oo aan la xiriirnay ayaa shaki geliyay qaabka ay wax u socdaan iyagoo sheegay in aysan meesha ka marneyn siyaasad, oo ay dano kala leeyihiin saaxiibadooda mooshinka wada.

Balse Jeesoow ayaa ku adkeysanaya in mooshinkooda uusan siyaasad ku lug lahayn, oo ay ku egyihiin uuna arimaha quseeya dalka. 

Wasiir Fiqi oo aan la sameynay xiriir si aan wax uga waydiino mooshinkaan ay wadaan qaar ka mid ah xubanaha Golaha Shacabka ayaysan noo suuragalin inaan helno. 

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu hormuud ka ahaa wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya. Si adag ayuuna uga hadlay mowqifka dowladda mar wax laga weydiiyay go’aankooda. 

Sidee Wasiirada Soomaaliya baarlamaanku xilka uga qaadi karaan? 

Wasiir in lala xisaabtamo ayaan ahayn wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya, sida horay u dhacday marar badan waxaa la horgeeyay golaha oo su’aalo ka waydiiyay msauuliyadiisa.

Sida uu qabo qodobka 69-aad ee dastuurka Soomaaliya in baarlamaanku u yeeri karo Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirada, Gudoomiyayaasha Gudiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxbannaan, taas ayaana siineysa baarlamaanka awood ah in ay u yeeraan cidda ay doonayaan in ay la xisaabtamaan.

Balse hadii ay u arkaan in ku fashilmay xilka, ayaa waxaa ay ka qaadi karaan masuuliyadiisa, inkasta oo la baahanayo in la maro sharciyo dhowr ah. 

“Marka ugu horeysaa waa laga doodayaa mooshinka waana in uu isdifaaca wasiiraka hadii uu is isdifaaci waayo waxaa loo qaadayaa codka kalsoonida.”

Marka loo qaadayo codka kalsooni kala noqoshada ayay tahay in baarlamaanka ay joogaan ugu yaraan 139 mudane, kadib ayaa waxaa furmi kara doodda kalsooni kala noqoshadiisa, intaa kadib ayaa cod ah 50% +1 ay ka qaadi karaan xilka mid ka mid ah wasiirada dowladda.

Haatan sida uu sheegay xildhibaan Jeesoow xubnaha ku mideysan mooshinkaan ayaa gaaraya ilaa 46 mudane, sida u sheegay isagu. 

Sida uu qabo xeerkla baarlmaanka Soomaaliya wasiirka ayay tahay in lala xisaabtamo saddexdii bilood, waxaana dalban kara hor imaanshihiisa barlamaanka 10 ka mid ah xubnaha golaha.

Isha: BBC

Asad Diyaano oo la kulmay safiirkii 2-aad – Muxuu kala hadlay Danjiraha Talyaaniga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee labada dal, iyada oo ay qeyb ka tahay la dagaalanka argagixisada iyo kordhinta tababarada.

Taliyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ay siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay doorka Dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta howlaha booliska iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye-guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya mudane Amb. Joachim Waern.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga dhanka amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kordhinta tababarada iyo taageeradda ay dowladda Sweden u fidiso ciidanka booliska Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii u horeysay, kadib magacaabisitii Khamiistii lasoo dhaafay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Taliyaha cusub iyo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka kasii dagaya ee Booliska General Sulub Axmed Firin.

Al-Shabaab oo jab culus la gaarsiiyay maanta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan aya kasoo baxaya howlgal khasaare culus maanta lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Sidoo kale waxaa howlgalka ka qayb qaatay cutubto kamid ah Duufaan oo ka tirsan ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee (NISA), ayada oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu faahfaahiyay howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaano ku teedsan dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalkan lagu burburiyay xarumo ay kooxda ku lahayd halkaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay la shaqeynayeen Al-Shabaab.

“Geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Howlgal lagu baacsanayo firxadka koox ka tirsan khawarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deeganada deexda ah ee Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, iyadoo lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijta gabalkoodu sii dhacayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay dowladdu sheegtay in saldhigyada la burburiyay ay muddo ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay halkaasi ky dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

“Khawaarijta ku dhuumaalaysta qaybo kamida gobolka shabeellada hoose ayaa dhibaateeya shacabka beeralayda u badan ee gobolka iyo rayidka safarayda ah ee ku safra gaadiidka dadwaynaha , balse geesiyaasha haramcad oo ka hortegaya dhibaatada shacabka ay u gaysanayaan khawaarijta ayaa howlgalo sifayna si joogta ah uga sameeya dedgaanada lagu tuhmo maleeshiyaadka firxadka ah ee khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab

 

Asad Diyaano oo kulankii u horreeyay la qaatay safiirka Sweden ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye-guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya mudane Amb. Joachim Waern.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga dhanka amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kordhinta tababarada iyo taageeradda ay dowladda Sweden u fidiso ciidanka booliska Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado.

Kulankan ayaa noqon kii ugu horreeyay ee labada masuul yeesheen, kadib markii Khamiista toddobaadkii hore ay golaha wasiirada ansixiyeen magacaabista taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Asad Cusmaan Diyaano.

Asad Diyaano oo muddo dheer naawilayay in la magacaabo xilkan ayaa ugu dambeyntii helay fursadda gaarka ah ee uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalay taliyihii hore ee ciidanka booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya.

Israel oo weerar dhulka ku qaaday gudaha Lubnaan

0

Beirut (Caasimada Online) – Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal “xaddidan oo dhulka ah” oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, kaddib duqeymo culus oo aanan kala go laheyn oo labadi todobaad ee lasoo dhaafay ay ku garaaceysay caasimadda Lubanan ee Beurut iyo magaalooyin kale.

Ka hor inta uusan billaaban weerarka dhulka ah ee ay Isra’il xalay ku qaadday koofurta Lubnan, ayaa bayaan goor sii horreysay kasoo baxay millatariga Isra’il lagu sheegay, in ciidamadu ay billaabayaan howlgal ay ugu magac-dareen Fallaaraha Waqooyiga.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku uu yahay tuulooyinka u dhaw xadka oo khatar ku ah bay yiraahdeen bulshooyinka ku nool waqooyiga Isra’il.

Goor sii horreysay oo xalay aheyd, qaraxyo ayaa laga maqlay koofurta magaalada Beyrut. Lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi cirka ahaa.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Rueters ayaa ku warrantay, in ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen, in ciidamada Isra’il ay madaafiic ku garaaceen xalay xero ay ku nool yihiin qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taalla magaalada Sidon ee koofurta Lubnan.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa Mounir Maqdah oo ah abaanduulaha dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Fatax u qaabilsan laanta Lubnan. Lama oga in la dilay iyo in uu weerarka ka badbaaday.

Dhinaca Suuriya, warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay, in saddex qof oo rayid ah alagu dilay, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen caasimadda Suuriya ee Dimishiq saakay aroorti.

Telefeshinka dowladda Suuriya ayaa goor sii horreysay sheegay in mid ka mid ah wariyeyaashiisa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Dimishiq. Ma cadda in wariyaha uu ka mid yahay saddexda qof ee rayidka ah ee ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Japan oo is-casilay – Yaa beddelaya?

0

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa aroornimadi hore ee Talaadada maanta ah is casilay.

Fumio ayaa sidoo kalena kala diray golahiisi wasiirrada, tallabadaas oo waddada u xaareya in kursiga uu banneeyay uu ku fariisan doonto Shigeru Ishiba.

Xoghayaha Golaha Wasiirrada Yoshimasa Hayashi ayaa warbaahinta u sheegay, in is casilaadda Kishida iyo dhammaan wasiirada ay kasoo baxday kulan uu saaka la yeeshay golaha wasiirrada.

Ninka la filayo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan Shigeru Ishiba ayaa Jimcihi loo doortay guddoomiyaha Xisbiga Liberal Democrat-ka.

Sida caadada ah, qofka noqdo hoggaamiyaha xisbul xaakimka Japan ayaa soo dhisa xukumadda soo socota ee dalkaasi.

Goor danbe oo Talaadada maanta ah ayaa lagu wadaa in xilka cusub ee Ishiba lagu xaqiijiyo cod uu u qaadi doono baarlamaanka.

Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa aqlabiyaddiisa heysta xisbiga uu madaxda u yahay. Isla Talaadada maanta ayaa lagu wadaa in Ishiba uu ku dhawaaqo golahiisa cusub ee wasiirrada.

Xasan Sheekh oo bixiyey wareysi uu kaga hadlay gardarada Itoobiya iyo qorshaha Masar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi dheer siiyey Telefishinka Aljazeera, isagoo si qota dheer uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, damaca Itoobiyaanka uga jira badda Soomaaliya iyo mowqifka Soomaalida, hubka ay Itoobiya soo gelineyso gudaha Soomaaliya iyo heshiiska difaaca ee Masar, waxaana soo tartumnay khudbadda qeybtii uu Madaxweynuhu kaga hadlay xiisadda iyo qalaalaasaha ay Itoobiya ka abuureyso Gobolka.

Hoos ka akhriso:-

Mawqifkeenu aad buu u cad yahay, Waxaan door bidnaa in xal nabadeed lagu gaaro wadahadal, waxa la isku dayay kaliya saddex jeer wadahadalada ilaa iyo hadda, Mid ka mid ah wuxuu ku dhacay Nairobi, Kenya, laba jeerna waxaa lagu kulmay Turkiga.

Mawqifkeenu mar kasta waa cadyahay, wuxuu ahaa mid had iyo jeer joogto ah. Waxaan u sheegnay Itoobiya inay soo maraan jidka saxda ah, iyadoo la raacaysa xeerar iyo qawaaniin caalamiga ah oo la isku raacsan yahay ee jira.

Abiy Axmed waxaan rabay in aan ku idhaahdo waxaa jira 16 wadan oo Afrikaan ah oo aan bad lahayn, dhamaantoodna waxay haystaan dekado ay isticmaalaan.

Laakiin Dhibaatada Itoobiya ma aha marinka badda oo ay isticmaasho, Itoobiya waxay rabtay inay dhul Soomaaliyeed qabsato, dhulkeedana ku darsato, sababtoo ah Itoobiya waxay isticmaali kartaa badda Jabuuti, Waxay isticmaali kartaa Kenya, marka ujeedadeedu maaha inay bad isticmaalaan ee ujeedkoodu waa in ay dhul goostaan oo ay ka qaataan Soomaaliya.

Waxa kale oo ay ku riyoonayaan in ay Saldhig Ciidan ka samaystaan ​​Badda Cas, Gacanka Cadmeed, si ay awood ugu yeeshaan Badda Cas, taas oo aan dhici Karin oo marna aan dhici doonin, marka intaas farqiga inoo dhaxeeya.

Maya, Maya, arrintu sidaas maaha, nuxurka iyo MOU-ga ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland, wuxuu ku salaysan yahay laba arrin, mid waxay ku andacoonayaan inay rabaan bad ay isticmaalaan, midna waxay doonayaan inay ka samaysaytaan saldhig ciidan oo Itoobiya ku xiran, taasna ma dhici doonto.

MOU-gaan wuxuu xadgud ku yahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidoo kale tani waxay xad gudub ku tahay sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika, Axdiga IGAD, iyo Axdiga Jaamacadda Carabta.

Sidaas darteed, Itoobiya waxay u dhaqmeen si ka baxsan sharciga caalamiga ah, hadana waxay ku adkaysanayaan in xalku noqdo sida ay rabaan, iyagoo aan u jeedin sharciga caalamiga ah.

Itoobiya ma siin karto ictiraaf dhulka Soomaaliyeed, sababtoo ah aqoonsiga caalamiga ah wuxuu ku yimaadaa hay’ado iyo sharciyo.

Dhibaatada Somaliland, waa dhibaato Soomaaliyeed, hadaan is raacno, hadaan is khilaafno iyo hadaan kala tagno, waxaas oo dhami waa go’aankeena, waa u madax-bannaanahay, waa go’aan Soomaaliyeed, ma go’aamin karto Itoobiya.

Arrintan gooni isutaaga waxay soo socotay 30-kii sano ee u danbeeyay, Midowga Afrika waligiis ma aqoonsan, IGAD waligeed ma aqoonsan, iska daa Qaramada Midoobay, Itoobiya ma laha saldhig sharci ah oo ay ku aqoonsan karto qayb ka mid ah waddankeena.

Talaabada Itoobiya kaliya waxay furi doontaa bog kale oo ah colaadaha gobalka, Itoobiya waxay khatar ku tahay xasiloonida iyo nabadda gobolkan, waxay ku andacoodeen inay ilaalinayeen xasiloonida gobolka, laakiin taasi run maaha, waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka maanta.

Dhibaatada Itoobiya kaliya ma ahan, MOU-ga been abuurka ah ee sharci darada ah oo Somaliland ay la gashay, laakiin Itoobiya waxay faragelin badan ku haysaa Soomaaliya.

Itoobiya waxay hub badan soo galisay gudaha Soomaaliya, waxayna hubaysay kooxaha, hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo maleeshiyada ee ku sugan xuduudka Soomaaliya, taasina waa mid cad oo meel walba waa laga heli karaa, imisa hub ah oo Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya, si sharci darro ah.

Dhanka Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada gobolka Gedo, Itoobiya waxay ku soo xad gudubtay deegaannada qaar, iyadoo ku andacoonaysa Masar ayaa imanaysa.

Ma jiro Saldhig sharci ama sharci caalami ah uu u oglaanayo Itoobiya waxay samaynayso, Itoobiya waxay jebisay dhammaan xeerarka u yaalla Soomaaliya iyo kuwa adduunka, waxay dalkan ku joogaan laba hab, mid waa waajibaadka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay iyo aqbalaada dowladda Soomaaliya, midka kale wuxuu ahaa heshiis laba geesood ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cadaawadda Soomaaliya iyo Itoobiya waa boqolaal jir, laakiin taasi waa la soo afjaray dhawaanahaan, waxaan bilownay inaan albaabada u furno walaaltinimo cusub iyo deris wanaag cusub oo dhex mara labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Nasiib darro, Itoobiya waxay ku xad gudubtay kalsoonida heerkaas ee labadeena dal. Hadda waxay dib ugu celiyeen dhibaatadeennii qarniyadii hore, waxayna xoqeen boogihii hore, waxay dhiigeeyeen nabarradii hore ee colaadda labadeena dal, kuwaas oo qarniyo soo jiray.

Waxaan rajaynaynaa in ay maskaxdooda soo laaban doonto oo aan dhibaatadan ku xallin doono qaab nabadeed.

Maya, maya, maya, taasi run maaha, Soomaaliya waa dal madax-bannaan, haddii ay Masar ka qayb qaadanayso ciidamada nabad ilaalinta, taasi waa go’aan u yaala Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Haddii Masar ay rabto inay qayb ka noqoto howlgalka, haddii Soomaaliya iyo Masar ay ku heshiiyaan laba geesood in Masaaridu ay yimaadaan Soomaaliya, taasi waa go’aan madax-banaan oo u gaar ah Soomaaliya.

Masaarida iyo Soomaalida, waa laba dowladood oo madax-banaan, iyaga ayaana go’aan ka gaari kara waxa ay samaynayaan.

Laakiin waxa aan rabno oo ujeedka ah waa in Soomaaliya aysan rabin dhibaato. Itoobiya ayaa dhibka abuureysa, ha xalliyaan dhibaatada qaybtooda, maaha in ay ka hadlaan in ay ka taliyaan waxa ay Soomaaliya go’aan ka gaari karto.

Xalku waa in ay fahmaan in aanay samayn karin waxa ay doonayaan, mana yeeli doonaan, Adduunka maanta ma aha duni qarniyo ka hor, Waxaan joognaa adduun casri ah, Soomaaliya waxay haysataa fursado badan oo ay wax kaga qaban karto caqabadaha jira, sidaas oo ay tahay, waxaan aad ugu rajo weynahay geeddi-socodka Turkiga in uu xal keeno.

Haddii aan xal loo keenin arrintaan, dhammaan fursadaha ayaa miiska u saaran Soomaaliya, haddii ay Masar tahay iyo hadday tahay dal kaleba, Soomaaliya waxay raadinaysaa hab kasta oo ay kaga hortagi karto oo ay dib ugu dhigi karto halista Itoobiya ee qaranimadeenna.

Masar waxay taageertaa Soomaaliya, Waxay tababarayaan ciidamadeenna amniga, Waxay na siinayaan oo ay nagu taageerayaan agabka, qalabka iyo qayabaha amniga.

Heshiis difaac ah ayaanu Masar la galnay, laakiin waxaanu leenahay heshiis difaac oo la mid ah oo aanu la galnay Itoobiya 10-kii sannadood ee u dambeeyay, heshiisyada difaaca mar walba waa hab-maamuus difaaca waa qaab-dhismeed, laakiin waxaa jira hab-maamuusyo gaar ah oo ay tahay in la raaco.

Masar iyo Soomaaliya waxay xaq u leeyihiin inay ku heshiiyaan hab-maamuus gaar ah oo ku saabsan xiriirkayaga iyo axdigeena fulinta heshiiskii difaaca ee aan la galnay.

Masar taageero ayaan ka dalbanay, Itoobiya laba sano ka hor sidoo kale taageero ayaan ka dalbanay, waxaan taageero ka codsanay Kenya, Jabuuti, Mareykanka, Sacuudiga, Midowga Yurub, dhinac walbana waa uu taageerayaa Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Waddan kasta oo adduunka ka mid ah, waxaanu waydiisanay taageero, sahaydeena Masarna waa ka mid, ma jirto arrin u gaar ah Masar.

Jabuuti waxay na siinaysaa, Kenya ayaa na siinaysaa, Maraykanka sidoo kale, Midowga Yurub ayaa na taageeraya, waxayna Masar ka mid tahay dalal badan oo Soomaaliya ka taageera.

 

 

Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho iyo xogta shirka golaha wadatashiga qaran + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid Dhuusamareeb, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeybgalo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta inta uusan ka soo bixin Dhuusamareeb kormeeray halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay khubarrada iyo maamulka shirkadda dhismaha garoonka Dhuusamnareeb gacanta ku haysa.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu qadaa inay soo gaaraan Muqdisho, sida Qoor Qoor, si shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga qeyb galaan.

Shirkaas ayaa lagu qadaa in wixii ka dambeeya labada bisha uu ka furmo Muqdisho, sida xubno xog ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, waxaana madaxda lagu qanciyey inay ka soo qeyb galaan.

Ajendaha ugu weyn ee shirka waa doorashada dowlad goboleedyada, afarta dowlad goboleed ee la qorsheynayo inay madaxdooda shirka kala soo qeyb galaan madaxda dowladda federaalka ayaa bilaha soo socda geli doona doorashooyin isdabayaalla.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, waxaa madaxda dowlad goboleedyada lagu wada qanciyey inay shirka yimaadaan, maadaama ay qaarkood ka cagajiidayeen.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka mid ah madaxda ka cagajiideysay kasoo qeybgalka shirkaan oo muddo wajahayey dib u dhac, inkastoo aysan weli imaan Muqdisho, hadana waxaa lagu wadaa inay yimaadaan oo shirka ka soo qeyb galaan.

Daawo: Qaasim Dhuxul oo maanta u soo gacan galay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 28-aad ee qaybta 21-aad.

Qaasim Geesey oo magaciisa afgarashada loogu yeero Suulal-ceyn ayaa kooxda Al-Shabaab uga biiray Masaajid Cali Gaduud oo ku dhashay, sida uu sheegay.

Qaasim ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 sano ah, ugu dambeyna maanta ayuu kasoo baxay kadib markii uu adkeysan waayay dhibaatada keymaha dhexdooda ku heysata.

Ninkan ayaa sheegay in kooxda ay wajaheyso xaalad adag, uuna u adkeysan waayey, isagoo tilmaamay sida ay dhalinyarada u maran-habaabiso kooxda, oo hadda wajaheysa guluf ka dhan ah oo ay iska kaashnaayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo usoo gacan galay, kuwaas oo sheega in ay u adkeysan waayeen xaaladda ay kooxda wajaheyso.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ka dhan Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka..

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Hoos ka daawo

Musuqa dalka ka taagan oo xargaha goostay iyo arrin culus oo laga cabsi qabo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq-maasuqa dalka ka jira ayaa xarka goostay, taas oo sabab u tahay isku milanka siyaasadda, ganacsiga iyo qoyska, sida uu shaaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in musuqa dalka ka taagan uu horseedi karo arrin khatar ah, oo ah in wax walba looga tanaasulo dhaqaale darteed.

Hoos ka aqriso qoraalka

Musuq-maasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf. Siyaasad, ganacsi iyo qoysk ayaa isku milmay. Musuqu waa seddax nooc:-

1- Musuqa maamulka: Waa mid awood maamul ku siman oo adeegga dadwaynaha lagu silciyo, ka dibna laaluush looga qaato in loo fududeeyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen.

2- Musuqa siyaasadeed: Waa mi awood siyaasadeed lagu fuliyo sida qandaraas, adeeg (service) lacag laga tabco, iyo ganacsi shakhsiyaad loo xiro oo kale.

Tani waxay inta badan ku timaadaa in qofka awoodda siyaasadeed leh uu shirka ku yahay faa’iidada ama lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qoyskiisa ah, ama ay isku qabiil yihiin ama koox iyo saaxib ah.

3- Musuq Istaraatiiji: Waa mid ay dhici karto in qayb ka mid ah geyiga jamhuuriyadda ama madaxbannaanida qaranka looga tanaasulo, ama codka dawladda ay kula safanayso dawlado loollamaya la iibiyo.

Tusaale, Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururro goboleedyo kala duwan, Qaramada Midoobay, waxay sanadka soo socda ka mid noqon doontaa Golaha Amaanka.

Musuqa istiraatiijiga ah weli ma dhicin, laakiin haddii labada kale ee haatan xarga goosadka ah laga hortagin, siyaasiyiinta iyo awoodaha kale ee bulshada rayadka ah, iyo warbaahinta iska xil saarin, wax diidaya ma laha in musuq Istiraatiiji ah lugaha lala galo.

Cabdulfataax Al-siisi oo war culus kasoo saaray iskaashiga Masar iyo Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo Axaddii shalay ka hadlayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo dhammeysay akadeemiyada Booliska ayaa soo hadal qaaday iskaaashiga cusub ee kala dhexeeya Soomaaliya,

Cabdulfataax Al-siisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u taageerayaan sidii ay uga bixi lahayd xasilooni darrada haysata muddada 30 sano ah.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in qorshaha Masar uu yahay in Soomaaliya kula loolanto Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile.

“Soomaaliya kuma taageereyno Itoobiya darteed, waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yiri madaxweyne Al-siisi.

Masar ayaa hadda sii xoojineysa saameynteeda gudaha Soomaaliya, waxaana dhowaan ay dowladda federaalka la gashay heshiis difaac, xiilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland, kaas oo ay ka hortimid Soomaaliya.

Sidoo kale todobaadkii hore ayay ahayd markii uu magaalada Muqdisho kusoo xirtay markab siday hub, kaas oo ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Masar ay soo dirto ciidan kamid noqonaya howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, waxayna geli doonaan booska ay hadda ku jirto Itoobiya.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayay + Go’aanka uu ku soo baxay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa goordhoweyd laga sii daayay xabsiga Mandheera, oo uu ku xirnaa toddobaadyadii u dambeeyay.

Sii deynta xildhibaan Abiib ayaa timid saacado kadib markii maxkamadda sare ee Somaliland ay amartay in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa shaeci darro ku tilmaamtay xabsi ku haynta xildhibaan Maxamed Abiib, maadaama golaha wakiilada ay dhawaan cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa.

“Maxkamadda waxay xoriyaddiisa u celisay Mudane Maxamed Abiib Yuusuf, waxaana la farayaa taliyaha ciidanka asluubta inuu xabsiga kasii daayo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee lagu sii daayey goordhoweyd xildhibaanka.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale waxay fartay hay’adaha kala duwan ee Somaliland inay dastuurka u hoggaansamaan oo ay ixtiraamaan, si aysan u dhicin ku tumasho sharci.

Abiib oo muddo ku siman bil u xirnaa xukuumadda Somaliland ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu-tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo kadib xabsiga u taxaabay.

Xildhibaan ayaa waxay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo markaas ay xeer-ilaalinta Somaliland ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo loo soo jeediyay, balse waxaa taas diiday golaha wakiilada Somaliland.

Daawo sawirrada: Saraakiil cusub oo lagu dhaariyay xerada TURKSOM maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kuliyadda tababarrada ciidamada Soomaaliya ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhaariyay saraakiil cusub oo qeyb ka noqonaya hoggaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan oo qaatay leyli-sarkaal ayaa waxaa xaflada lagu dhaariyay ka qeyb-gelay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha taliska ciidanka xoogga dalka.

Xafladdan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd furitaanka sanad dugsiyeedka 2024–2025, ayada oo halkaasi saraakiisha maanta la dhaariyay kula hadleen saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha ciidan awood leh oo difaaca dalka ku filan.

“Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca diinta, dadka iyo dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dhowr billood kahor ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kuliyadda TURKSOM tababar heer sare ah ugu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xooga saareysay dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, oo kaalin muhiim ah ugu jira xaqiijinta ammaanka iyo difaaca dalka.

Xiisad hor leh oo kasoo cusboonaatay PUNTLAND kadib markii dil loo gaystay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in haatan xiisad culus ay kasoo cusboonaatay magaalada Burtinle ee gobolkaasi, taas oo ka dhalatay dil ay ciidanka Booliska u gaysteen nin baxsad ah oo gaari soo dhacay.

Ninka oo gaariga kala soo baxsaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa tegtay degmada Burtinle, waxaana kadib isku dayay inay qabtaan ciidamada ammaanka, balse uu iska rasaaseeyay, taas oo keentay in isagiina la dilo, askari kalena uu dhaawacmay.

Dilka kadib ayaa waxaa gadood sameeyay maleeshiyaad is uruursaday oo ku hayb ah ninka la dilay, waxayna ku sugan yihiin qaybo kamid ah degmada Burtinle ee Puntland.

Xaalad kacsan iyo dhaq-dhaqaaqyo ayaa haatan laga dareemayaa halkaasi, maadaama ay ku wada sugan yihiin ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka ka careysan dilka marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in aan weli la aasin maydka ninka ay dileen ciidanka ammaanka, waxaana maleeshiyaadka ay dalbanayaan in lagu soo wareejiyo.

Waxaa sidoo kale Burtinle gaaray saraakiil ay kamid yihiin taliyeyaasha booliska ee gobollada Nugaal iyo Mudug ee Puntland, kuwaas oo ku baxay xallinta xiisaddaasi.

Puntland ayaa waxaa ku badan isku dhacda hubeysan ee dhex-mara maleeshiyaadka iyo ciidanka ammaanka, waxaana horay deegaano ka tirsan maamulkaasi ugu dagaalamay Booliska iyo maleeshiyaad kale oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Wasiir MAAREEYE oo waji gabax kala kulmay BF kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta waji gabax kala kulmay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu maanta hortegay.

Kulanka oo la filayay in wasiirka uu ka hadlo, isla markaana uu xildhibaannada kula wadaago shuruuc muhiim ah iyo howlaha wasaaradda ayaa lasoo xiray natiijo la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in arrintan ay ceeb ku tahay baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Maareeye iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda ay shaqo usoo diyaar garoobeen, balse kulankii uu kooram la’aan u baaqday, taasina ay niyad jab ku tahay.

“Xubnaha wasaaradda beeraha waa joogaan niyad jab ayay ku noqotay wasiir Maareeye ayaa ugu horreeyo, maxaa yeelay shaqo ayaa u taallay” ayuu yiri Cabdullaahi Abshirow.

Sidoo kale wuxuu digniin adag u diray xildhibaannada maqan, isaga oo sheegay in hadda kadib la’isla aadi doono ku dhaqanka xeer hoosaadka,i sla markaana xildhibaankii ka maqnaado kulamada baarlamaanka laga goyn doono lacago ganaax ah.

“Wixii hadda ka dambeeyo jeebkiina ayaa loo dhaadhacaa, xildhibaannada way wada ogol yihiin xeer hoosaadka ayay ku qoran tahay lacagta jareynaa” ayuu mar kale yiri Abshirow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay xldhibaannada maqan inay kulanka soo socda ee Arbacda soo xaadiraan, si uu baarlamaanka usii wato howlaha shaqo ee horyaallo.

“Xildhibaannada maanta maqan waxaan ka codsaneynaa inay Arbcada soo buuxiyaan golaha, shirkeenna maantana waa noo xiran yahah” ayuu sii raaciyay.

Baaqashada kulankan ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo guuxa mooshin culus oo qaar kamid ah xildhibaannada ay ka gudbiyeen wasiirka arrimaha dibada, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay ku eedeeyee inuu cuuryaamiyay howlahi shaqo ee wasaaradda.

SOOMAALIYA oo heshay kab miisaaniyadeed cusub iyo cidda ku deeqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshay lacag kab miisaaniyadeed ah, taasi oo uu bixinayo Midowga Yurub, oo si dhow u taageera Soomaaliya.

Lacagtan oo dhan 9 milyan oo Yuuro ayey ku dhowaaqday Ms. Karin Johansson, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya kadib kulan ay maanta la qaadatay wasiirka maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo.

Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay warbixinta wasiirka maaliyadda ee horumarka dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka maamulka maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha dalka.

Wasiir Biixi ayaa dhankiisa mahad-celin kadib, isagoo sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii.