24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Biden iyo Harris oo tagay goobihiibay garaacday…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa arbacadii shalay tagay deegaannada koonfur bari ee Maraykanka, si ay u soo indha indheeyaan burburka ay ka tagtay duufaanta Helene.

Biden ayaa cagta soo mariyay gobollada North Carolina iyo South Carolina, halka Harris ay tagtay magaalada Augusta ee gobolka Georgia.

Hadal uu ka jeediyay gobolka North Carolina oo ka mid ah meelaha ay sida daran u burburiysay fuufaanta Helene, ayuu madaxweyne Biden ku sheegay in balaayiin dollar ay ku bixi doonto eesha iyo burburka ay ka tagtay duufaantan.

Madaxweyne ku xigeenka Maryekanka haweneyda lagu magacaabo Kamala Harris, ayaa iyaduna hadal ay ka jeedisay xaafadda Meadowbrook ee magaalada Augusta ku sheegtay, in uu jiro xanuun iyo walaac ka dhashay duufaanta, arrintaas oo ay ku tilmaantay in ay tahay sababta ay halkaasi u gaartay si ay shakhsiyan u qiimeyso baaxadda dhibaatada.

Gobolka North Carolina, malaayiin qof ayaanan wali heysan biyo nadiif ah oo ay cabbaarn. Guud ahaan tirada dadka ay ku dishay duufaanta Hellene gobollada Koofurbari ee Mareykanka ayaa hadda gaaray 166 ruux.

Kheyre oo arrin xasaasi uga digay Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal ka soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku soo aadayo iyadoo dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna.

“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

Xasan ayaa sheegay in sharciyaddu ay tahay ‘ruuxda dowladnimada’ isla markaana uu xusayo dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka rasmiga ah.

“Khibrad nagu filan ayaan u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharci darro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka,” ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan uu yahay in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.

“Si loo samatabixiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, waa in xal waara loo helaa tabashooyinka Puntland, lagana qeybgeliyo geeddi-socodka dowladnimada iyo doorashooyinka qaranka, si looga fogaado wax waliba oo sii kordhin kara khilaaf, kala-shaki, iyo hubanti la’aan siyaasadeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

 

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo ajendaha miiska saaran + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboledyada fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Shirka ayaa waxa kale oo looga wada-hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Qabsoomidda shirkan oo waqti badan qaatay kadib markii madax goboleedyada qaarkood ka cago jiideen kasoo qeyb-galkiisa ayaa waxaa laga sugaya in go’aan looga gaaro doorashooyinka maamullada oo intooda badan ay yihiin muddo dhaaf.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeysanaya qabsoomida doorasho qof iyo cod, islamarkaan diidan in lagu laabto doorasho dadban ayaa la ogeyn sida uu madaxda ugu qancin doono qorshihiisa, xilli madax goboleedyada qaarkood ay rabaan in loo fasaxo inay doorasho qabsadaan.

Xog: Sidee AL-SHABAAB ku hesha baabuurta ay qaraxyada u adeegsato?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan gawaarida u adeegsata qaraxyada, waana mid kamid ah qaraxyada ugu saameynta badan kuwa loo adeegsado gawaarida.

Gawaarida ay kooxda u adeegsato qaraxyada ayaa u badan kuwa raaxada, waxaana baaris aan sameynay ku ogaanay in gaadiidka ay qaraxyada u adeegsato kooxda inta badan ay yihiin kuwa lasoo dhacay.

Qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nuuca Feilder loo yaqaan, waxa uuna ahaa gaari lagu dhacay gudaha degmada Afgooye sanadkii hore.

Gaarigan oo uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in la dilay ayaa waxay kooxda u adeegsatay gaarigiisa inay qarax uga fuliso gudaha caasimadda.

Gaarigan ayaa caadi ahaan ay xogta taargadu ahayd mid saxan, balse sida muuqata aan xogtiisa la baafin markii la dhacay ama aan laga taxadarin, islamarkaana aan la keydin xogta taargada gaarigan maadaama la dhacay.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in baabuur badan oo la dhacay ay jiraan dhanka kooxda Al-Shabaab, si ay ugu isticmaalaan qaraxyada.

Khubarada amniga ayaa qaba in hay’adaha amniga ay helaan dhammaan xogta gaadiidka la dhacay ee ka baxay gacanta muwaadiniinta, lana baafiyo, xogtoodana la dhigaa baraha ciidanka.

Dadka aad u taxliiliya ama ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xilligaan ku adag tahay inay baabuur cusub soo iibsadaan ama la soo degaan sababo la xariira cuna-qabteyna dhinacayada badan laga saaray, sidaas darteedna ay bilaabeen in ay dhacaan baabuurta  ka dibna ay ku fuliyaan qaraxyada.

Sidoo kale dadka muwaadiniinta ayaa iyagna waxaa la gudboon in markii laga dhaco baabuurtooda ay soo wargaliyaan laamaha ammaanka, si loo diiwaan-galiyo, ayna iyaga hadhoow wax dhibaato ah uga imaanin, islamarkaana looga hortago.

Toogasho iyo qaraxyo xoogan oo ka dhacay safaaradaha Israel ee Denmark iyo Sweden

Stockholm (Caasimada Online) – Booliska dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho iyo qaraxyo xalay laga maqlay meelo u dhow safaaradaha Israel ay ku leedahay Stockholm iyo Copenhagen.

Dalka Denmark, laba qarax ayaa xalay laga soo sheegay “meel u dhow” safaaradda Israel ee Copenhagen, sida uu saaka saxaafadda u sheegay afhayeenka booliska Denmark Jakob Hansen.

Dalka Sweden, booliska ayaa xaqiijiyey in safaaradda Israel ee Stockholm lala beegsaday toogasho habeenkii Talaadadii, ka hor 6:00 maqribnimo. Lama soo sheegin cid wax ku noqotay labada dhacdo.

“Weli ma sheegi karno haddii uu jiro xiriir” ka dhexeeya qaraxyada iyo safaaradda Israel,” Hansen ayaa sidaas ka yiri dhacdada Copenhagen. Subaxnimadii hore, aagga safaaradda ee Copenhagen ayaa la xiray, waxaana goobta ka shaqaynayay saraakiil boolis ah, sida uu soo sheegay weriye ka tirsan AFP.

Hay’adda sirdoonka Denmark ee PET, ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna ka caawinayaan booliska baaritaankooda.

“Waxaan sidoo kale wadahadal kula jirnaa safaaradda Israel oo ku saabsan amniga, waxaana si joogto ah u qiimeyneynaa baaxadda tallaabooyinka amniga ee horay loo fuliyay ee la xiriira dhowr goobood oo Yuhuudda ah,” PET ayaa sidaas ku tiri bayaan ay siisay AFP.

Danjiraha Israel ee Denmark David Akov ayaa barta X ku soo qoray “inuu aad uga naxay falkan xun ee ka dhacay meel u dhow safaaradda.”

Booliska Copenhagen ayaa goor dambe shaaciyey in ay xireen saddex qof oo lala xiriirinayo labada qarax ee caasimadda Denmark.

“Laba nin ayaa tareen laga soo qabtay, xarunta dhexe ee tareenada Copenhagen, waxaa intaa dheer in subaxnimadii hore aan nin ka soo qabanay meel kale oo ka tirsan Copenhagen,” ayuu booliska ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X.

Dhinaca kale, booliska Sweden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xogta ay muujinayso in dhismaha safaaradda Israel ay rasaas ku dhacday.

“Waxaan sameynay baaritaanno muujinaya toogasho ka dhacday safaaradda Israel, balse ma doonayno inaan si dhab ah u shaacino waxa lagu ogaaday baaritaanka maadaama weli uu socdo,” Waxaa sidaas AFP u sheegtay Rebecca Landberg, oo warbaahinta u qaabilsan booliska Stockholm.

Landberg ayaa intaa ku dartay in aysan jirin cid wax ku noqotay, waxaana la furay baaritaan ku saabsan fal dambiyeedka culus ee hubka, halis gelinta dad kale iyo hanjabaado sharci darro ah.

Booliska ma aysan xirin cidna, laakiin Landberg ayaa sheegtay in aagga ay si aad ah isha ugu hayeen kaamirooyinka, islamarkaana booliska ay si firfircoon u ururinayeen oo ay u falanqeynayeen agabyo.

Toogashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay cirka isku sii shareerayso, kadib markii Iran ay xalay gantaalo badan ku garaacday Israel, halka Israel na ay wacad ku martay in Iran “ay mari doonto cawaaqibka” weerarka.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israel iyo Xamas bishii October 2023, dhowr dhacdo oo sida muuqata lagu bartilmaameedsanayo danaha Israel ee Sweden ayaa la soo weriyey.

Bishii Febraayo, booliska ayaa bam gacmeed ka helay barxadda dhismaha safaaradda Israel, kaasi oo uu safiirku sheegay inuu ahaa isku day weerar.

Bartamihii May, rasaas ayaa laga maqlay bannaanka safaaradda Israel, taasi oo keentay in dalka uu sare u qaado tallaabooyinka ammaan ee danaha Israel iyo hay’adaha bulshada Yuhuudda.

Hay’adda sirdoonka dalkan Scandinavian-ka ah ee Sapo ayaa sheegtay dabayaaqadii May in Iran ay shaqaaleysiisay xubno ka tirsan burcadda Sweden si ay u geystaan “falal xun” oo ka dhan ah Israel iyo danaha kale ee Sweden – sheegashadaas oo Iran ay beenisay.

Dalkan Waqooyiga Yurub ku yaalla ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Yuhuudda tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday.

Horraantii Juun, booliiska ayaa sheegay in ay “aalad la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa” ka heleen bannaanka xafiisyada shirkadda teknoolojiyadda milatariga Israel ee Elbit Systems, oo caan ku ah in ay soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay ku leedahay magaalada labaad ee ugu weyn Sweden ee Gothenburg.

VOA

Itoobiya oo hub hor leh soo gelisay gudaha Soomaaliya iyo halka la geeyay – Xog

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta hub horleh gobolkaasi ay gaysay Itoobiya, kaas oo lagu keenay gaadiidka nooca xamuulka qaada oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen illaa 4 gaari oo kasoo tallaabay dhanka xadka labada dal, isla markaana gaaray deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in hubka la geeyay xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka deegaankaas, halkaas oo illaa iyo hadda ku sugan yihiin baabuurta.

Afarta gaari ee hubka lagu geeyay Bakool ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Godey, waxaana ugu dambeyn maanta lasoo geliyay gudaha Soomaaliya, iyada oo ay galbinayeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah.

Lama oga ujeedka hubkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya iyo saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Horay Itoobiya ayaa hub usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Galmudug iyo Puntland oo gaadiid lagu geeyay saanad ka timid dhanka Addis Ababa, hayeeshee hubkii tegay Galmudug ayaa waxaa lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa sii kordhineyso xiisadda haatan u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska baddda ee Abiy Axmed uu la galay maamulka Somaliland.

Xiisadda ayaa dhowaan waji cusub yeelatay, kadib markii Soomaaliya ay heshiis difaac la gashay Masar oo ay is hayaan Itoobiya, waxayna taasi keentay in maamulka Abiy uu qaado tallaabooyin kale oo dheeraad ah oo kamid ah in ciidamadiisa ay la wareegeen garoomada gobolka Gedo, sidoo kalena ay dhaq-dhaqaaq milatari ka sameeyaan gudaha Soomaaliya.

Lafta-gareen oo ciidamo la yimid MUQDISHO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Laftagareen ayaa garoonka Aadan Cadde kasoo dagay, isaga oo wata askar ka tirsan ciidamadiisa ilaalada gaarka ah oo uu kasoo watay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxayna arrintan bannaanka keeneysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.

Ujeedka madaxweynahaa Koonfur Galbeed ayaa ah ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga shaqeeyay sidii uu ku imaan lahaa caasimada, iyada oo loo diray ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka Asluubta, si ay ugu kala dabqaadaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo maamulka Laftagareen diiradda lagu saari doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda taagan, gaar ahaan soo afjarida khilaafka labada dhinac oo ay uga sii dartay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa iyagana imaanaya Muqdisho, marka laga reebo hoggaamiyaha Puntland, waxayna ka qayb-galayaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha oo ku soo aaday xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo shaki kala dhex dhigtay dhinacyadan.

Waxaa qorshuhu yahay in shirkan lagu soo qaado arrimaha doorashooyinka oo uu muran xoogan ka taagan yahay, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada oo illaa iyo hadda la’isku fahmin hanaanka loo wajahayo, xilli uu dhamaaday muddo xileedka madax goboleedyada.

Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada, waxaa soo baxa is qabqabsiyo u dhexeeyo madaxda Soomaaliyeed, kaas oo dhaliyo kala tag siyaasadeed, inkastoo inta badan ay kusoo baxdo beesha caalamka, kadibna xal waara laga gaaro.

Goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho oo xalay qaraxyo lagu burburiyay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo si gaar ah loola beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray dukaan iyo kaalin shidaal oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in goobaha la qarxiyay dhowaan lagu xiray Kaamirooyinka CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya si loola socda dhaq-dhaqaaqooda.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare nafeed aysan gaysan qaraxyada, laakiin waxaa jira burbur soo gaaray dhismaha goobaha ganacsiga iyo hatida tiilay.

Mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaris ku aadan ciddii ka dambeysay qaraxyadaas oo loo badinayo Al-Shabaab.

Kooxda ayaa horay u beegsatay goobo ganacsi oo ku yaalla gudaha Muqdisho, gaar ahaan suuqyada waa weyn, kadib markii lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii duleedka Muqdisho laga fuliyay laba weerar oo lagu qarxiyay suuqa Ceelasha Biyaha iyo kan Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo kaamirooyin lagu xiray.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya xilli dhankeeda dowladda Soomaaliya ay kordhisay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda magaalada Muqdisho.

Somalia oo garab istaagtay Imaaraadka Carabta kadib weerarkii lagu qaaday…

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar todobaadkan lagu qaaday guriga safiirka Imaaraadka Carabta ee dalka Sudan, kaas oo lagu eedeeyay ciidamada dowladda Sudan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo garab istaag loogu muujiyay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka kasoo horjeedo xadgudubkaas oo kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerarkii lagula kacay xarunta Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Khartoum, iyadoo xaqiijisay diidmada adag ee ku xadgudubka noocan ah ee shuruucda iyo dhaqanka caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah falalkan, kuwaas oo ah jebinta cad ee shuruucda caalamiga ah iyo anshaxa diblomaasiyadda”

Imaaraadka Carabta ayaa horay si caro leh uga falceliyay  kadib markii la weeraray, oo si xun loo waxyeeleeyey guriga safiirka u fadhiya dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Sudan..

“Imaaraadka Carabta wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii foosha xumaa ee lagu beegsaday hoyga uu magaalada Khartoum ka degan yahay madaxa howlgalka Imaaraadka Carabta, oo ay geysatay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, kaasi oo burbur xooggan uu ka soo gaaray dhismaha,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay wakaaladda wararka rasmiga ah ee WAM.

Dhankooda ciidamada Sudan ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay, waxayna ku jawaabee “inay cambaareynayaan oo ay beeninayaan eedeynta” Imaaraatka Carabta, waxaynta intaas ku dareen in aysan “bartilmaameedsan xarumaha diblomaasiyadeed, hay’adaha Qaramada Midoobay ama hay’adaha mutadawiciinta ah, oo aysan u rogin saldhigyo ciidan, islamarkaana bililiqaysan hantidooda.”

“Cidda fulinaysa falalkan foosha xun ee fulaynimada ah waa argagixisada, Jabhadda (Dacmu Sariic)… oo in ay waxaas oo dhan ku kacaan ay ku taageeraan dalal laga yaqaan caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

DENI oo gaaray BOOSAASO xilli ay weli taagan tahay xiisadda kala dhexeyso PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni diyaarad gaar ah uu ku tegay halkaasi, isaga oo kasoo ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana Boosaaso ku soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo culus iyo kulamo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira magaaladaasi, isaga oo la shiri doono mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qorshaha ugu wayn ee uu Deni u tegay Boosaaso ay tahay dardar-gelinta dagaalka ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, isaga oo la kulmo saraakiisha Mareykanka.

Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu hoggaamin doono abaabul culus oo kooxda lagu qaadi doono, si looga saaro dhulka Puntland gaar ahaan buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad oo ay ku dhuumeystaan.

Dhowaan ayaa Puntland ay sheegtay in ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo ay ku jiraan rag ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama, halisna ku ah amniga Puntland iyo guud ahaan dalka.

Dhinaca kale safarka Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Boosaaso ay ka jirto xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada PSF iyo Puntland, taas oo ka dhalatay isku haysiga garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhowaan ay digniino kasoo sareen ciidamada PSF.

Xiisadda ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladan oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo ay horay labada dhinac ugu dagaalameen kadib khilaaf soo kala dhex galay.

SSC-Khaatumo oo dagaal nooc cusub ah ka bilowday Buuhoodle + Ujeedka

0

Buuhoodle (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa dagaal nooc cusub ka bilaabay deegaano hoostaga magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanku.

SSC ayaa sheegtay in halkaas ay ka fulisay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya, waxayna ciidamadu bartilmaameedsadeen xarumo ku yaalla halkaasi.

Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah ugu qaabilsan la dagaalanka ‘anshax xumada iyo maandooriyaha’ ayaa warbaahinta u sheegay inay cagta mariyeen goobo gaar ah oo lagu iibiyo waxyaabaha maanka-dooriya,  kadib xog ay ka heleen shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo xirxireen shaqsiyaad ku eedeysan inay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha, kuwaas oo uu tilmaamay in la horgeyn doono sharciga.

Waxaa kale oo uu taliyuhu intaasi kusii daray in dagaalkooda uu sii socon doonno ilaa inta laga soo afjarayo guud ahaan kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ayaa howlgallo ka waday deegaanada maamulkaasi si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago wax kasta oo halis ku ah.

Si kastaba, Khaatumo ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo lagu hormarinayo deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas oo horay dagaal culus ula galay Somaliland.

Daawo: Taliye Aasad oo xilka la wareegay, kadibna sameeyay ballan qaadyo waa wayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) aya maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wasiirka amniga gudaha, xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale.

Taliyaha cusub oo goobta ka hadlay ayaa markii uu xilka wareegay sameeyay ballan qaadyo waa wayn, isaga oo xusay inuu wax ka qaban doono amniga iyo horumarinta Booliska.

“Waxaan u taaganahay sugidda nabadda, ilaalinta xuquuqda aadanaha dhowrista sharafta Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ka shaqeyn doonaan sare u qaadida tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sare u qaadida wada shaqeynta ka dhexeys Booliska iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho oo xudunta dalka.

“Waxaan curin doonaa qorshayaal amni oo saldhig u tahay cilmi iyo aqoon oo lagu sugayo amniga caasimada, iyo sidii aan u gaarsiin lahaa adeegga bulshada gobolka kasta oo Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay.

Asad Diyaano ayaa sidoo kale shaaciyay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan.

“Waxaan xoogga saari doonaa in Booliiska shacabku ku kalsoonaado Min Raas Kambooni illaa Raas Caseer” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

IRAN oo xog ka bixisay weerarka ay ku qaaday Israel

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iiraan Massoud Pezeshkian, ayaa difaacay weerarka Iiraan ee xalay, waxaana uu uga digay Israa’iil fariin uu ku soo qoray barta X.

Pezeshkian ayaa sheegay in, iyadoo lagu saleynayo ‘xuquuqda sharciga ah’ ee Iiraan iyo ujeedka ah ‘nabad iyo amni u ah Iiraan iyo gobolka, ay tani tahay ‘ jawaab ‘go’aan adag’ ah oo la siiyay Israa’iil ‘laguna difaacayo danaha iyo muwaadiniinta Iiraan’

Wuxuu uga digay Israa’iil in weerarka xalay uu ahaa kaliya ‘aragti yar’ oo ka mid ah awoodaha Iiraan isla markaana aysan ku ‘lug yeelan dagaal’ Iiraan

Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in weerarradu ay jawaab u ahaayeen dilka Israa’iil ee taliye sare oo ka tirsan IRGC iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan maleeshiyaadka taageerada ka hela Iiraan ee gobolka.

Waxay xuseen dilka hoggaamiyaha Xisbullah Hassan Nasrallah iyo taliyaha IRGC Abbas Nilforoshan ee Beyruut lagu dilay usbuucii hore.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh oo bishii Luulyo lagu dilay Tehran. Inkasta oo Israa’iil aysan qiran inay ka dambeysay dilka Haniyeh, haddana waxaa si ballaaran loo rumeysan yahay in ay masuul ka tahay.

Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyaha sare ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, uu si shaqsi ah amarka weerarka u bixiyay.

Xog: Deni oo ku wajahan Boosaaso + Qorshihiisa

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Saciid Deni ayaa magaalada Boosaaso ka bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo culus iyo kulamo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira magaaladaasi.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qorshaha ugu wayn ee Deni iyo tagistiisa Boosaaso ay la xiriirta dardar-gelinta dagaalka ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu hoggaamin doono abaabul culus oo kooxda lagu qaadi doono, si looga saaro dhulka Puntland gaar ahaan buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad oo ay ku dhuumeystaan.

Dhowaan ayaa Puntland ay sheegtay in ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo ay ku jiraan rag ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama, halisna ku ah amniga Puntland iyo guud ahaan dalka.

Dhinaca kale safarka Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Boosaaso ay ka jirto xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada PSF iyo Puntland, taas oo ka dhalatay isku haysiga garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhowaan ay digniino kasoo sareen ciidamada PSF.

Xiisadda ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladan oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo ay horay labada dhinac ugu dagaalameen kadib khilaaf soo kala dhex galay.

Iran oo weerar culus caawa ku qaaday Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Iran ayaa weerar culus oo gantaallo ku qaaday Israel caawa, sida ay sheegeen militariga Israel iyo warbaahinta dowladda Iran, ayada oo xiisadda Bariga Dhexe ay ka sii dartay.
“Waqti yar ka hor, gantaallo laga soo riday Iran ayaa lagu soo weeraray Israel,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen militariga Israel. Waxaa la maqlayey dhawaqa digniinta, ayada oo weriyeyaal ka tirsan AFP ay soo weriyeen qaraxyo laga maqlay magaalada Jerusalem.Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay inay weerar gantaallo ah ku qaadeen magaalada Tel Aviv, oo ah xarunta ganacsiga Israel.Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa dilkii Israel ee hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah ee todobaadkii hore iyo sidoo kale geeridii hoggaamiyihii Xamas Ismail Haniyeh, oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Tehran, oo Iran ay ku eedeysay Israel.

Hawada Israel ayaa la xiray iyadoo dhammaan duullimaadyadii la weeciyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka garoomada.

Ciraaq iyo Urdun, oo dhaca Iran iyo Israel dhexdooda ayaa ayagana xiray hawadooda.

Wasiirka gaashaandhigga Israel Yoav Gallant ayaa mar sii horeysay halista Iran kala hadlay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin, sida lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku amray milatariga Maraykanka inay “caawiyaan difaaca Israel” oo ay soo ridaan gantaalada Iran ee lagu bartilmaameedsanayo Israel, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Biden iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa Kamala Harris, oo ah musharraxa xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha soo socota, ayaa labaduba isha ku haya weerarka Iran ay ku qaaday Israel, ayaga oo ku sugan qolka xaaladda ee Aqalka Cad, ayaa lagu yiri bayaanka.

Militariga Israel ayaa goor dhow sheegay in gantaallada ay istaageen, islamarkaana dadka ay hadda ka soo bixi karaan gabbaadyada.

Illaa hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay gantaallada Iran.

Inkasta oo kooxo Iran ay taageero ay qeyb ka ahaayeen dagaalka Bariga Dhexe ee billowday 7-dii October markii Xamas ay weerartay Israel, haddana Tehran ayaa inta badan iska ilaalineysay in ay weerar toos ah ku qaado cadowgeeda koowaad.

Iran ayaa sheegtay in dilka Nasrallah uu keeni doono “burburka” Israel, inkasta oo wasaaradda arrimaha dibadda ay Isniintii sheegtay in Tehran aysan wax ciidan ah gayn doonin.

AFP + VOA

Sawirro: Turkiga oo Muqdisho u soo diray Markab sida…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida shixnad Gargaar ah,  kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar.

Markabkaan gargaarka sida ayaa Muqdisho ku yimid dalabka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo ka codsatay dowladda Turkiga.

Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda weyn ee dalka Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah Bisha Cas Turkiga (Kızılay) iyo Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).

Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.

Gargaarkaan waxaa loogu talagalay dadka danyarta ah ee Soomaaliya ku nool, waxaana gargaarkaan dalbatay Soomaaliya, maadaama ay dalka ku soo wajahan tahay abaar laga sii digay.

Turkigu waa saaxiibka ugu dhow ee Soomaalida, wuxuuna ka caawiyaa gargaar, shaqo abuurka, dhismaha ciidamada, dowlad-dhiska, kabka miisaaniyadda iyo dhinacyo kale oo badan.

Sanadba sanadka ka dambeeya waxaa sii xoogeysanaya xiriirka labada dal oo dhowaan kala saxiixday heshiis difaac oo Itoobiya qalqal ku abuuray.

Maxaa ka cusub yaboohii ay Jabuuti u sameysay Itoobiya si xiisadda loo xaliyo?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa weli jawaab la xiriirta dekedda ay u bandhigtay Itoobiya ka sugeyso maamulka Abiy Axmed, si ay u wada-hadlaan, kadibna xal loogu helo xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeeyo Addis Ababa iyo Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in Itoobiya ay ka filayaan in ay aqbasho soo jeedintooda ku aaddan adeegsiga dekedda Tojorah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedada ugu weyn oo ay adeegsiga dekedda Tojorah ugu bandhigeen Itoobiya ay tahay, si loo xalliyo xiisaddii ka dhalatay MOU-gii badda ee sababay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Arrintaasi wali miiska ayay saaran tahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Jabuuti.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay haddii Itoobiya ay aqbasho codsiga Jabuuti in ay labada dhinac isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan ee la xiriira isticmaalka dekedda ay u bandhigeen.

Arrintan ayaa muunineyso in Jabuuti ay si wayn u daneyneyso arrinta dekedda iyo kala macaamilkeeda Itoobiya, laakiin aamusnaanta Addis Ababa ayaa muujineyso in Abiy uu si adag ugu dhagan tahay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la galay Somaliland.

Sidoo lale waxaa muuqata in Itoobiyaanka ay ku baraarugsanayeen qorshaha qarsoon ee Jabuuti ka leedahay tallaabadan,  kaas oo ugu dambeyn ay banaanka keentay, kadib markii ay usoo bandhigtay adeegsiga dekedda Tojorah.

Si kastaba, Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal.

Taliye ASAD oo tallaabadii ugu horreysay qaaday kadib magacaabistiisa (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii u horeysay, kadib magacaabisitii Khamiistii lasoo dhaafay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Taliyaha cusub iyo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka kasii dagaya ee Booliska General Sulub Axmed Firin.

Diyaano iyo Fartaag ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee hoggaannada iyo fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka Booliiska, wuxuuna wasiirku halkaas ugu kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey xafiiska taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha cusub S/guuto Asad  Cusmaan Cabdulaahi.

Sidoo kale taliye Asad Diyaano ayaa faray saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka  Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha ciidamada ayaa laga sugayaa isbeddal iyo inuu horay usii wado wajibaadka laga rabo Booliska Soomaaliyeed.

Arrimaha ugu muhiimsan ee horyaallo ayaa waxaa kamid ah wax ka qabashada amniga caasimada oo inta badan weeraro ka fuliso Shabaab iyo horumarinta ciidanka Booliska.

Xasan iyo madaxda gobolada oo laga dalbaday ka go’aan gaarista arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa laga dalbaday inay si dhab ah u wajahaan xaqiiqda taagan, kana go’aan gaaran arrimaha xasaasiga ah ee horyaalla.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa wuxuu madaxda Golaha Wadatashiga u jeediyay in aysan ka meer-meerin muddo xileedka dhamaaday ee madaxda maamullada, islamarkaana ay ka go’aan gaaran, si doorashadooda loogu qabto inta sanadkaan ka dhiman.

“Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo.”

Sidoo kale wuxuu madaxda labada heer dowladeed usoo jeediyay in kulanka looga arrinsado sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daah-furan.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan.

Sidii inta sanadka ka harsan loo qaban lahaa doorashooyinka dawlad goboleedyada muddo xiloodkoodu dhammaaday, sababtoo ah sharciyad la’aanta madaxda dawlad goboleedyada waxay wiiqaysaa awooddooda sharci, waxayna u nuglaynaysa rabitaanka Madaxweynaha iyo meelmarinta danihiisa shakhsiga ah oo uu muddo kororsiga ku doonayo, waxyna hubanti la’aan gelinaysaa doorashada federaalka ee 2026, taasoo halis ku ah amniga, sharciyadda dowladda iyo xasilloonida dalka.

Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo.

Waa in kulanka looga arrinsadaa sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daahfuran.

In meel looga soo wada jeesto la dagallaanka kooxaha argagexisada iyo ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya.

Ma jirto cid kaga waaya-aragsan Madaxweyne Xasan Sheekh dhibka iyo shiddada ay leedahay muddo kororsi iyo xukun aan sharciyad lahayn.

Waxaa horyaalla hadalladii uu jeedin jiray, doodihii iyo dagaalkii hubaysnaa ee uu ka galay arrinkaas, waxaan rajaynayaa in da’da, PhD iyo doorashada labada jeer ay waaya aragnimo ku kordhin doonaan.

Ninka Turkiga u sameeya diyaaradaha dagaalka muxuu ka yiri safarkiisi Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa shirkadda Baykar, Haluk Bayraktar ayaa qoraal kasoo saaray safar uu Sabtiddii booqashu ugu tegay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ninkan oo diyaaradaha dagaalka u sameeya Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya si diiran ugu soo dhoweeyay wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wuxuuna la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkasta oo aan la shaacin arrimaha gaarka ah ee Haluk iyo madaxweynaha ay ka wada-hadleen, balse Haluk ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ku shaaciyay in xiriirka labada dal uu gaaray heer cusub kadib heshiiskii difaac ee dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Haluk ayaa qoraalkiisa ku xusay in safaaradda ugu weyn ee Turkiga ay ku taallo Soomaaliya. Sidoo kalana uu Turkigu u caawiyay Soomaaliya xilli ay xaalad adag ku jirtay.

“Iyadoo dunidu ay iska indho tirtay xasaradda gaajo ee Soomaaliya sanadkii 2011, Madaxweynaheenna Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqday Soomaaliya wuxuuna beddelay xaaladda dalka. Maanta, waa suurtogal in la arko in maalgashiga Turkiga iyo deeqdiisa oo taalla meel walba oo Soomaaliya ah.”

Baykar oo ah shirkadda difaaca ee ugu horreysa Turkiga waxaa lagu yaqaannaa sameynta diyaaradaha adduunka laga aqoonsan yahay ee Bayraktar TB2.

Si kastaba, booqashada Haluk Bayraktar ee Muqdisho ayaa waxay dadka fallan-qeeya arrimahan ku tilmaameen inay muhiim u tahay labada dal oo dhawaan gaaray heshiis difaac, uuna xiriirkooda aad u sarreeyo.