24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Mareykanka, Turkiga iyo 3 dal oo kale oo isku raacay arrin culus oo xiisadda badda ah

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera dhinaca ammaanka ayaa mar kale ku celiyeen inay lama taabtaan tahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhuleed.

Wadamadaan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay isku raaceen inay ka soo horjeedaan wax kasta oo qal-qal iyo xasilooni daro ka abuuri kara Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay dowladda Turkiga ku bogaadiyay dadaalada ay ku doonayso inay ku dajiso xaalada xilli Turkiga uu marti galiyay labo shir oo loo qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirarkaas ayey sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku cadaysay mowqifkeeda ah “in aysan ka gor gortamayn in Itoobiya ay ka laabato damaceeda xad-gudubka ah.”

Kulaan ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan diyaarinta iyo isku dabaridada ciidan Qaranka oo lagula xisaabtami karo xasiloonida wadanka.

Dhanka kale, kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay baahida deg-dega ah ee loo qabo in la dhamaystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo soo afjaro howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, wadamadaan Soomaaliya ka caawiya dhinaca amniga ayaa isku raacay shirka xiga oo ah shireka 8-aad in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan oo maamullada usoo bandhigay qorshe doorasho iyo hoggaamiye diiday – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo weli ka socda Villa Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay doodo adag oo ku saabsan jihada saxda ah ee uu dalku aadaayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo marxaladaha soo socdo, isagoo soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha ayaa dowlad-goboleedyada usoo bandhigay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka qof iyo codka, isagoo miiska soo saaray in afar bilood gudahood lagu ansixiyo sharciyada doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada.

Sidoo kale wuxuu qorshah Xasan soo bandhigay qeyb ka ah in afar bil gudahood lagu qabto diiwaan-gelinta dadweynaha, halka afarta bil ee u dambeysa lagu qabto doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaannada.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe oo arrinkaas si adag uga biya diiday ayaa miiska soo saaray su’aallo adag oo la xiriira maqnaashaha maamulka Puntland iyo maqaamka Khaatumo.

Axmed Madoobe ayaa qaba in heshiis siyaasadeed uu xilligaan sharciyad siin karo dowlad-goboleedyada.

Lama oga in Axmad Madoobe uu mowqifkaas ka tanaasuli doono iyo in kale, laakiin madaxda saddexda dowlad-goboleed ee kale ayaa ku ra’yi ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo kusoo aaday waqti xasaasi ah ayaa isha lagu haya go’aannada kasoo bixi doona, ayada oo mucaaradka ka digeen in lagu meel-marsado muddo kororsi cusub oo sharci darro ah.

Boris Johnson oo kashifay dhagar yaab leh oo Benjamin Netanyahu uu kala kulmay

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa daaha ka qaaday xogta dhacdo xasaasi ah oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu kula kacay, arrintaan ayaa aad looga hadal hayaa dunida.

Waxay aheyd sannadkii 2017-kii, intii Boris Johnson uu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka UK ayuu xafiiskiisa ku qaabbilay Netanyahu, halkaas oo kulan ay isaga warsadeen arrimo badan uu ka dhacay.

Markii kulankaasi soo dhamaaday ayuu sheegay in Netanyahu ka codsaday inuu musqushiisa adeegsado, balse qorshihiisa wuxuu ahaa in qalabka wax basaasa uu ku xiro.

Kooxdii qaabilsaneed amniga xafiiska Boris Johnson ayaa ogaatay in markii uu Netanyahu musqusha galay uu ku soo dhajiyay qalab awood u leh in wax walba oo lagu wadahadlo uu ka dhageysan karo xafiiska iyo koonihiisa.

Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee UK oo xogtaan hadda kashifay ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isla sannadkaas uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ku xiray qalabkaas oo kale.

Boris Johnson ayaa intaas ku sii daray in dhaqanka uu ku arkay Netanyahu uu suurtagal ka dhigayo in meel kasta oo uu tago ama xafiis kasta oo uu booqdo uu ku soo xiro qalab uu kala soconayo kulamada ka dhacaya xafiisyada muhiim ka ah ee dalalka kale.

Netanyahu oo muddo dheer ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, waxaa lagu tilmaamaa nin dhagar badan oo isku daya inuu ogaado wax kasta oo dunidaan ka socda ama hoggaamiyaasha caalamka ay ku fekerayaan.

Hoggaamiyaasha ogaada in la basaasay inta badan ma sheegaan, balse Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa hadda kashifay xogtaan, iyadoo aan la garaneyn sababta ku kaliftay.

Wax ka ogow gantaalada guuxooda ka dheereeya ee Iran ku weerartay Israel

Tehran (Caasimada Online) – Talaadadii, Iran ayaa boqolaal gantaallo ku ridday Israa’iil, qayb ka mid ah gantaalladaasna waxay ahaayeen kuwa guuxooda ka dheereeya ee hypersonic ga loo yaqaano kuwaas oo ka gudbay nidaamka difaaca ee Iron Dome iyadoo ay Iran sheegtay inay ku dhaceen bartilmaameedyadoodii.

Haddaba, waa maxay gantaallada hypersonic loo yaqaano ee guuxooda ka dheereeya?

Yaa haysta? Maxay tahay awoodda nooca Iran ay riday, maxayse uga dhigan tahay gobolka bariga dhexe?

Gantaallada guuxooda ka dheereeya waa hub awood u leh inuu ku socdo xawaare gaadha ugu yaraan Mach 5, taasoo ka dhigan shan jibaar xawaaraha codka. Wuxuu ilbiriqsigii jari karaa 1.7km, ama 6,174km saacaddii.

Gantaallada qaar ee ballistic ah durba ayay gaaraan xawaare noocan ah, laakiin hubkan cusub wuxuu kaga duwan yahay in uu qaadi karo waddo aan la saadaalin karin ama aan toosneyn marka la rido.

Taas oo ka dhigaysa mid ay adagtahay in lagu ogaado nidaamyada radar-ka iyo in lagu burburiyo hanaanka difaacyada.

Dalal badan ayaa wada horumarinta hubkan iyaga oo rajaynaya inay ku helaan awood millatari, laakiin caqabado ayaa ka haysta weli.

Mid ka mid ah caqabadahaas waa kala duwanaanshaha heerkul ee ku yimaada marka gantaal la rido oo uu ka baxo oogada sare ee deedna kusoo laabanayo taasoo dhalisa heer kul aad u sarreeya, taas oo dhalinaysa in qaybo gantaalka ah inay aad u kululaadaan kadibna ay adkaato in ay gaaraan fariimaha hagitaanka.

Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga, iyadoo Moscow la rumeysanaa inay dagaalka Ukraine horey ugu tijaabisay, iminkana waxaa soo raacday Iiraan oo 1-dii October ku riday Tel Aviv.

Mareykanka sidoo kale wuxuu tijaabiyay gantaalladan xawaaraha sare leh laakiin wuu ka gaabiyay heerka ay ka gaareen dalalkan kale.

Gantaalka Iran muxuu kaga duwan yahay kuwa kale?

Bishii November ee 2023 ayay ahayd markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ahaa ee Iran ku dhawaaqeen inuu haysto gantaal hypersonic ah oo ay u bixiyeen magaca Faatix oo micnahiisu yahay furasho.

Iran waxay sheegtay in gantaalkan uu wax ka beegsan karo ilaa masaafo gaadha 1,400 kiilomitir sidoo kale uu ku socon karo xawaare sare oo gaadha ilaa Mach 15 oo 5 km ilbiriqsigii kahor inta uusan ku dhicin bartilmaameedkiisa.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu leeyahay dhuun labaad oo loo dhaqaajin karo in loo adeegsado sidii kiciye kale oo u ogolaanaya inuu sii kordhiyo xawaarihiisa, taasoo saraakiisha sare ee Iran ay ku doodayaan in aysan jirin nidaam difaac oo dunida ilaa hadda la jaanqaadi kara.

Mas’uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faarix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

Waxay iska beeniyeen shakigii reer Galbeedka ee ku aaddanaa in aysan Iran sameysan karin gantaallada xawaaraha sare leh ee guuxooda ka dheereeya, Mareykanka waxaa welwelka usii dheer tiknoolojiyadda gantaalkan cususb ay burburinayso suuqiisa bariga dhexe ee hubka maadaama gobolku sameysano hub casri ah.

Xisbiga Sheekh Shariif oo war culus kasoo saaray shirka ka socda Vill Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah xubnaha xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa laga soo saaray qodobo xasaasi ah.

Shirkan oo lagu falan-qeeyay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan shirka magaalada Muqdisho uga socda qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa waxaa madasha looga digay inay soo saarto go’aanno uga sii dari kara xaaladda taagan.

“Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah,” ayaa lagu yiri qodobada kasoo baxay xisbiga Sheekh Shariif.

Hoos ka aqriso qodobada oo dhameystiran;

1. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

2. Xisbigu wuxuu adkeynayaa, una soo jeedinayaa GWQ in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalka, kaas oo dowlad goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan.

3. Xisbigu wuxuu Madaxweynaha JFS ugu baaqayaa in uu ka daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu ku haayo dowlad goboleedyada.

4. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda ku shirsan madaxtooyada Qaranka in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

5. Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah.

6. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heer walba.

7. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha JFS in uu wax ka qabto xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dagaalada sokeeye ee ka ka socda meelo badan oo dalka ka mid ah, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa difaaca Qaranka.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo midoobo cadawga ummadda Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba, kana hor yimaadaan wax walba oo kala geynaya midnimadooda iyo wadajirkooda.

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo gilgilay LUBNAAN

0

Beirut (Caasimada Online) – Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil fulisay ayaa sababay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay meel u dhow garoonka caalamiga ah ee magaalada Beyruut.

Waxay ahayd habeen kale oo ay dhaceen weeraro cirka ah oo lagu beegsanaayay sida la sheegay kooxda Xisbullah oo ku sugan magaalada Bayruud.

Beegsigu ma cadda, balse garoonka wuxuu u dhow yahay Daahiya oo ah xarunta Xisbullah ee caasimadda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Israa’iil ay si gaar ah u bartilmameedsaneyso Hashem Safieddine oo la wareegi doono xilka hogaamiyaha kooxda, kaas oo ay ilma adeer yihiin hogaamiyihii Xisbullah ee dhawaan la dilay, Xassan Nasrallah.

Qiiq weyn ayaana ka muuqda magaalada Beyruud subaxnimadan Jimcaha markii waagu beryay.

Duqeymahan ayaa soo bilowday saacado kaddib markii ay ciidamada Israa’iil galeen Koofurta Lubnan ay la kulmeen khasaarihii ugu cuslaa ilaa iyo hadda, kaddib markii uu millatariga Israa’iil sheegay in dagaalka Lubnaan looga dilay 8 askari oo uu ku jiray sarkaal sare.

Israa’iil waxay markaas sheegtay in saqdii dhexe kadib duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla Beyrut, iyadoo si weyn loo maqlayay daryanka madaafiic culus.

Qodobada miiska u saaran Golaha Wadatashiga iyo waxa laga filan karo shirkaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo Puntland aysan ku jirin ayaa maalinkii labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana miiska saaran qodobo xasaasi ah oo ku saabsan masiirka dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi oo shirkan faahfaahin kooban ka siiyey warbaahinta ayaa sheegay in maanta madaxdu ka doodeen qodobada hortabinta u leh dowlad-dhiska, la-dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyeynta iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

”Maanta waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixino la xiriira xaaladaha nabadgelyo, iyo horumarka ee guud ahaan dalka,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi.

Madaxda ka soo qayb gashay kulanka ayaa aragtiyo kala duwan ka leh arrinta doorashooyinka oo ah tan ugu xiisaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay sugayaan go’aanka ay ka gaari doonaan xubnaha ku mideysan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Laba qodob oo midba kan kale ay dhici karto inuu ku xiran yahay ayaa laga yaabaa in shirka ay ka soo baxaan, waana muddo kororsi ama jadwal doorasho oo dhow.

Ugu yaraan seddex ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa ayaa bisha soo soocota ee November waxaa lagu wadaa in ay ka dhamaato mudada xil-haynta, waxaana adkaanaysa in wakhti kale loogu daro, maadaama ay horay u sameysteen muddo kororsi, siyaabo kala duwan loo farsameystay.

Arrintaas waxaa aad uga qayliyey qaar ka mid ah mucaaradka oo haddiiba ay dhacdo u arka in lagu tumanayo nidaamka dimuqaraadiyadda, sidoo kale mucaaradka ayaa qaba tuhun badan, iyagoo ka shakisan in xitaa madaxda dowladda federaalka ay damacsan yihiin muddo kororsi.

Caasimada Online waxay heysa xogta in madaxda dowlad goboleedyada qaar ay doonayaan inay doorasho qabsadaan, balse dowladda federaalka ayaa kula dhegan, maadaama ay qorsheysatay inay hoggaamiso doorashooyinka dalka iyo nooca ay noqonayaan ama u dhacayaan, taasi oo hadda ka mid ah qodobada laga tashanayo.

Mucaaradka ayaa ka sii digay in lagu fekero muddo kororsi, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa xalay golaha ugu baaqay in aysan qaadin wadada halista badan ee muddo kororsiga, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in dhamaan dowlad goboleedyada laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha 11-aad 2025, taas oo hadii ay dhacdo ka dhigan muddo kororsi kale oo hal sano ah.

Mareykanka iyo dalal kale oo garab istaagay go’aan ay Soomaaliya ka gaartay ciidamada Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online) – Magaalada Washington waxaa todobaadkan ku sugnaa wafdi ka socday dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qeyb galayay shir ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya, waxaana ajendaha ku jirtay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay kooxda la isku yirahdo QUINT ee Soomaaliya ka caawinaya dhinaca amaanka oo ka kooban Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Soomaaliya ku taageeray go’aanka ay howlgalka ATMIS bedelaya uga reebeyso ciidamada Itoobiya.

Wafdiga Soomaaliya shirka uga qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xuseen Macalin Maxamud, oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna shirkaas uga waramay VOA.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shirkaan uu yahay kii 7-aad, “waxaa na marti qaaday dowladda Mareykanka, shirarkii ka horeeyey waxaa marti geliyey Qatar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxaana diiradda lagu saaray shirkaan amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Dib u habeynta ciidamada qaranka Soomaaliya, qalabeyntooda iyo taageerada ay u baahan yihiin ayuu sheegay in si weyn la isaga warsaday, “Sidoo kale waxaa la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

La-taliye Xuseen Macalin ayaa sheegay in ajendaha ay ku jirtay sida laga yeelayo Soomaaliya markii uu dhamaado howlgalka ATMIS, “shirka waxaan ka sheegnay in Soomaaliya aysan ogoleyn in howlgalka bedelaya ATMIS ay ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan,” ayuu yiri.

“Dalalka naga taageera dhanka amaanka waa nagu garab istaageen doodeena, waxayna noo sheegeen inay tahay dood xaq ah, waxaana hoosta laga wada xariiqay in xoogga la saaro sidii looga adkaan lahaa Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey qorshaha Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in labada dalka ay galeen heshiis difaac oo xaq ay u leeyihiin, isagoo baqdinta ay Itoobiya muujisay ku tilmaamay boor isku qarin iyo calaacal aysan Soomaaliya dheg jalaq u sii doonin.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Puntland oo beenisay arrin loo aaneynayo inuu ka bilowday khilaafka Xasan iyo Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay meesha ka saaray in khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya uu salka ku hayo magacaabista ra’iisul wasaare Xamza ama metelaada kursiga uu ku fadhiyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa beeniyay arrintaas, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay uga soo horjeedan in ay tahay siyaasadda iyo aragtida ay ku shaqeynayso dowladda dhexe.

“Qof kasta oo yimaada kursiga ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha Soomaaliya, haddii uu ku shaqeynayo aragti ka hor imanaysa danaha Puntland, waanu ka hor iman doonaa, xitaa haddii uu kasoo jeedo Puntland,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas  Lugatoor.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in maamulka uu diyaar u yahay la shaqeynta dowladda federaalka haddii ay kusoo laabato “ku shaqeynta dasturkii lagu heshiiyay” sida uu hadalka u dhigay madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

“Khilaafka waxa uu ka yimid waa ku shaqeynta dastuurka lagu heshiiyay, mar walbana waxay Puntland diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda federaalka haddii lagu laabto dastuurka,” ayuu yiri Lugatoor, oo xoojiyay diidmada Puntland ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu magaalada Muqdisho maalintii labaad ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran oo markii shanaad ay dibad joog ka tahay Puntland.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh qaadacay ka qeyb-galka shirka golaha wadatashiga, oo maamulka uu sheegay in aysan ku mateli karin masiirka arrimaha Soomaaliya .

Sawirro: Taliye Asad oo iskugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska kadibna faray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta guddoomiyey shirkii u horreeyay ee taliska booliska.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaasha hoggaanada, fadhiyada madax-banaan iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-galinta shaqada ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardar-galiyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taliye Asad Diyaano ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Asad ayaa markaas ballan-qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegga bulshada gobolka kasta oo Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ayaa sidoo kale markaasi sheegay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka booliska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan.

Amiirka Qatar oo weerar ku qaaday Israel, meel adagna iska taagay xiisadda gobolka

0

Doha (Caasimada Online) – Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa meel adag iska taagay xasaradda Bariga Dhexe, taas oo uu ku tilmaamay “xasuuq wadareed”.

Amiirka ayaa sheegay in dalkiisu uu mar walba ka digay “la-xisaabtan la’aanta Israel”, oo ayadu hormuud u ah in xiisadda ay kusii fido gobolka.

“Si waadax ah ayey u caddahay in waxa dhacaya ay yihiin xasuuq, marka laga soo tago in Marinka Gaza laga dhigay meel aan ku habboonayn in bani’aadamku ku noolaado iyo in loo diyaariyey barakac,” ayuu yiri intii lagu guda jiray Shir Madaxeedka Iskaashiga Wada-hadallada Aasiya ee Doha.

Amiirka Qatar ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeymaha cirka ah ee Israel iyo howlgallada militari ee “ka dhanka ah Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Lubnaan”.

Israel ayaa si adag u diida eedaymaha ah in ay xasuuq ka gaysaneyso Gaza, halkaas oo ay weerar ku qaaday sanad kahor kadib markii dagaal-yahannada Xamaas ay weerareen magaalooyinka koonfurta Israel, kuna dileen 1,200 oo qof, islamarkaana ku qafaasheen in ka badan 250 la-hayste.

In ka badan 41,500 oo reer Gaza ah ayaa lagu dilay weerarka Israel, sida laga soo xigtay maamulka caafimaadka Gaza.

Toddobaadkan, Israel waxay gudaha Lubnaan ka bilowday duullaan dhanka dhulka ah oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee ay Iran taageerto, kuwaas oo muddo gantaallo ku ridayey Israel, ayaga oo ku tilmaamay inay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.

Xog: Abiy Axmed oo ku wajahan Jabuuti + Qorshaha

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu bishaan October uu booqasho ku tago dalka Jabuuti.

Booqashada Abiy ee Jabuuti ayaa qorshaheeda yahay sidii ay labada dal uga wada-hadli lahaayeen yaboohi dhawaan ay Jabuuti u jeedisa ee adeegsiga dekedda Tadjoura.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay telefishanka Al-Jazeera ayaa sheegay in Itoobiya aysan diidaneyn qorshaha ay Jabuuti usoo bandhigtay Itoobiya, isagoo shaaciyay in wafuud ka socota Itoobiya ay booqdeen dalkaasi.

Wafdiga Itoobiyaanka ayuu sheegay inay daneynayay wax ka ogaanshaha arimaha dekedda, isaga oo xusay inay ku howlan yihiin sidii loo gaari lahaa heshiis dhamaystiran oo dan u ah labada dal.

Tan ayaa imaneysa xilli ay shalay gelinkii dambe labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Jabuuti ay khadka taleefanka ku wada-hadleen, iyagoo isla soo qaaday xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa kale isla soo hadal qaadeen arrimo la xiriira ganacsiga iyo dhaqaalaha, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Jabuuti.

Si kastaba, ujeedada ay Jabuuti ugu yaboohday Itoobiya dekedda Tadjoura ayey xukuumadda Geelle ku sheegtay sidii xal loogu heli lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

TURKIGA oo si rasmi ah u billaabaya baarista shidaalka Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Markab qaabilsan sahminta dhulka oo laga leeyahay Turkey ayaa la qorsheynayaa inuu xeebaha Soomaaliya soo gaaro dhammaadka October, si uu u billaabo raadinta saliid iyo gaaska dabiiciga, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqday wasaaradda tamarta Turkey.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar.

Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda, ayada oo intaas ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu Turkiga uga qeyb-gali doono Sabtida munaasabad lagu sagootinayo markabka.

“Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal,” ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray.

Oruc Reis ayaa waxaa wehlin doona laba markab oo kuwa dagaalka ah, kana caawin doona inuu gaaro xeebaha Soomaaliya, isaga oo sii mari doono badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.

Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah. Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood.

Reuters

Golaha ammaanka oo shir xasaasi ah ka yeelanaya xaaladda SOOMAALIYA

0

New York (Caasimada Online)  – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay kulan ka yeeshaan xaaladda guud ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacaya xarunta guud ee golaha oo ku taalla magaalada New York.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono wakiilka KMG ah Xoghayaha Guud, James Swan, ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef oo sidoo kale ah madaxa ATMIS, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horreyaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha siyaasadda ee ka taagan gudaha dalka.

Sidoo kale waxaa golaha lala wadaagi doonaan warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isbeddalada dhacay iyo arrimaha kale ee soo kordhay, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu horraantii sanadkan Abiy Axmed uu la galay Somaliland.

Golaha ayaa la filayaa in uu soo saaro warbixintiisa ku aaddan xaaladda dalka iyo sidoo kale xiisadda Geeska oo ay ku jirto khilaafka kasii daraya ee  Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli uu haatan sii dhamaanayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) bisha Oktoobar 31, iyada oo James Swan uu kulanka kaga hadlayo xaaladda dalka ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada, howlgalka cusub ee UNCT oo muddo labo sano ah sii socon doona, dib-u-eegista dastuurka iyo habraacyada doorashada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana taagan xiiad siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblumaasiyadeed oo marba marka ka dambeysa kasii dareysa.

Puntland oo mowqif adag ka qaadatay shirka Villa Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran ee haatan ka socda gudaha magaalada Muqisho, kaas oo uu ka maqan yahay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriri oo la hadlay Shabelle TV ayaa si weyn uga horyimid shirka shalay ka furmay Villa Soomaaliya ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo sidoo kale maamulka gobolka Banaadir.

“Qol mugdi ah ayay ku wada jiraan shanta maamul goboleed iyo Villa Soomaaliya, mana ah meel lagu wada-hadali karo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland.

Dirir ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid uu wato madaxweyne Xasan, isla markaana laga soo saari doono qodobo uu isaga soo qortay, sida uu hadalka u dhigay.

“Madasha wax waa tari waysay go’aamada kasoo baxayaa waa wax Xasan uu horay usii qortay, mana loo baahno hadeer Madasha” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo lale wuxuuu dhaliilay xubnaha ka qayn-galaya madasha wadatashiga qaran, isaga oo tilmaamay in aanay xallin karin khilaafaadka taagan, sida arrinta Koonfur Galbeed iyo midda Puntand.

“Arrin Soomaaliyeed ma xallin karaan, tan Baydhabaa aanay xallin karin, tan Puntland iyo Villa Soomaaliya ayeysan xallin karin” ayuu sii raaciyay.

Shirka oo galay maalintii labaad ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan.

Ajendayaasha shirkaan ee aan la sheegin, balse Madaxtooyadu wadato waxaa ka mid ah in la ansixiyo dhismaha guddi qaran oo qaban doona doorashooyinka dalka, iyadoo la kala dirayo guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la qorsheeyey in shirkaan lagu taageero dib u eegista dastuurka dalka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo in la ansixiyo qodobadii horay loogu heshiiyey ee sheegayey in la qabto doorashooyin dadweyne.

Si kastaba, lama oga sida ay suurtagal ku noqon doonto, dadka iyo siyaasiyiinta xil-doonka ahna loogu qanci doono inay xukunka sii joogaan madaxda dowlad goboleedyada mudada dheer kursiga joogay oo horay u sameystay dhowr jeer muddo kororsi.

Xog: Maxa ka jira in muddo kororsi kale loo sameynayo madax goboleedyada dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ajendihiisa laga helayaa xogo hordhac ah oo ku saabsan qodobada miiska saaran ee la filayo in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka wadahadlaan.

Wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu damacsan yahay in muddo kordhintaas kadib ay dowlad goboleedyada ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo doorashada uu qaba doono guddi doorasho oo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabi doonto.

Ajendayaasha shirkaan ee aan la sheegin, balse Madaxtooyadu wadato waxaa ka mid ah in la ansixiyo dhismaha guddi qaran oo qaban doona doorashooyinka dalka, iyadoo la kala dirayo guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la qorsheeyey in shirkaan lagu taageero dib u eegista dastuurka dalka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo in la ansixiyo qodobadii horay loogu heshiiyey ee sheegayey in la qabto doorashooyin dadweyne.

Lama oga sida ay suurtagal ku noqon doonto, dadka iyo siyaasiyiinta xil-doonka ahna loogu qanci doono inay xukunka sii joogaan madaxda dowlad goboleedyada mudada dheer kursiga joogay oo horay u sameystay dhowr jeer muddo kororsi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal ka soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa yiri “Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.”

Xasan Kheyre ayaa sheegay in sharciyaddu ay tahay ‘ruuxda dowladnimada’ isla markaana uu xusayo dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka rasmiga ah.

“Khibrad nagu filan ayaan u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharci darro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka,” ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan uu yahay in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.

Ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda oo gacanta ku dhigay degaan muhiim ah

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay qaadeen howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolkaas.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Ceeldheer, iyada oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in la wareegeen deegaanka Cali yabaal oo qiyaastii 18 KM u jira degmada Ceeldheer, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in bariga gobolka Galgaduud ay ka xoreeyaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo sifeyn ah ka waday gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno badan oo hoostaga maamulka Galmudug.

Shabaab dhuumaleysi ku galay Baydhaba oo la qabtay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda Koonfur Galbeed oo howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhaba ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inuu gudaha u galo magaaladaasi.

Ciidanka ayaa ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ku qabtay bar koontarool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan oo wareysi laga qaaday ayaa qirtay inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inuu tababar kusoo qaatay gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la qabanayay mooto lagu keenay duleedka Baydhaba, isla markaana uu doonayay inuu gudaha usii galo magaaladaasi.

“Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ee ku Sugan barta kontroolka Dugaandug Ee Ciidanka ay ka ilaaliyaan Amniga Magaalada Baydhabo ayaa Gacanta kusoo dhigey Dhaqar-qabe Abdirahman Maxamed Xuseen oo khawaarijta katirsan isagoona rabay in uu si dhuumaalaysi ah kusoo galo Magaalada Baydhabo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sgidda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in weli ay baaris ku hayaan eedeysanaha, ayna ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

Ammaanka Baydhaba ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aad loo xoojiyay, waxaana ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Nabad-Sugidda ay ka wadeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Baydhabo ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

DF Somalia oo soo saartay warbixin 19 qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta toddobaadle ah oo ka kooban 28 qodob oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan, qoraalkaan waxaa soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, wuxuuna soo baxaa toddobaadkiiba hal mar.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.

Hoos ka aqriso qodobada warbixinta oo dhameystiran:-

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dimoqraadiyadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha Soomaaliya.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo diiradda lagu saaray maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo la wadaagay xaaladda dalka, guulaha dowlad dhiska, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlay horurmarka geediga dowlad dhiska Soomaaliya iyo xad gudubka xukuumadda Itoobiya ee madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxaana wadahadalkooda diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Istanbul ku soo xiray Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaana uu ammaaney doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay madal looga hadlayay horumarka dhaqaalaha iyo maalgelinta mustaqbalka Afrika oo ay soo qaban qaabisay hay’adda horumarinta Caalamiga ah ( IDA).

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi oo ka dhacdey magaalada Muqdisho.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirka Midowga Bangiyada Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah socday.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala’a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.

16- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yusuf Ahmed ayaa magaaladda Kampala uga qeybgalaya shirka Madaxda Garsoorka dalalka Bartamaha, Bariga iyo Koofurta Afrika.

17- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo dalka Azerbaijan uga qayb galay sanad guuradii 5-aad ee Bandhigga Difaaca “ADEX”, oo ka dhacay magaalada Baku, Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray horumarka tiknolojiyada difaaca ee dalalka caalamka.

18- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir, ayaa daah-furay imtixaanka gelitaanka Jaamacadda Ummadda oo ay u fadhiisteen arday ku dhow 4000 oo arday.

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis gaaraya $68.5 milyan oo dollar kula saxiixatay Dowladda Mareykanka.

20-Wasiirka Arimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Hakan Fidan, waxayna ka wadahadleen ka miradhalinta wada-hadallada Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson, iyagoo ka wadahadley hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

22-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al Makhzoumi, ayaa ka qeybgashay shir looga hadlayey yoolka cusub ee Miisaaniyadda Cimilada oo ka dhacay magaalada New York.

23-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Cumar ayaa ka qeybgalay shirka wasiiradda isbaheysiga caalamiga ee la dagaalanka ISIS oo ka dhacay magaalada Washington.

24-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeybgaley xaflad lagu dhaarinaayeey saraakiil Leyli-Sarkaal iyo Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2024/2025 oo ka dhacdey Kuliyadda Tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho.

25-Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray tartan Qur’aanka Kariimka ah oo loo qabtay qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka dhacaya Muqdisho.

26-Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Siciid Maxamed Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyeynta ee Masar Injineer Sherif El-Sherbiny iyagoo ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

27-Taliyaha Cuusb ee Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb. Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta.

28-Mid ka mid ah xubnaha Khawaarijta, Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

==============DHAMMAAD=============

Wararki ugu danbeeyay ee dagaalka Bariga Dhaxe

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah duqeysay batamaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnaan, duqeymahaas oo la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan lix qof.

Duqeynta ayaa timid saacado kaddib marki ay ciidamada Isra’il ee galay Koofurta Lubnan ay la kulmeen khasaarihi ugu cuslaa ilaa iyo hadda, kaddib marki uu millatariga Isra’il Arbacadi shalay sheegay in dagaalka Lubnan looga dilay 8 askari oo uu ku jiray sarkaal sare.

Isra’il waxay sheegtay in ay xalay saqdi dhexe kaddib duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla Beyrut. Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay maqleen daryanka madaafiic culus.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa iyaguna xaqiijiyay in meelaha la garaacay uu ku jiro dhisme ku yaalla xaafadda Bachoura oo aad ugu dhaw aqalka baarlamaanka, waana marki ugu horreysay ee ay duqeymaha cirka ah ee Isra’il u soo gaaraan agagaarka xarumaha dowladda Lubnan.

Dhinaca Gaza, Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51 qof lagu dilay 82 kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay Isra’il Arbacadi ku qaadday magaalada Khan Younis.

Isbitaallada Gaza ayaa sheegay in meydadka la keenay ay ku jireen 7 dumar ah iyo 12 carruur ah oo kan ugu yar uu jiray 22 bilood. Ciidanka Isra’il wali kama aysan hadlin duqeymahaasi uu dhiigga badan ku daatay.