25.1 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo hal sabab uga baaqday safarro uu ku tegi lahaa Burundi iyo Uganda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday safarro muhiim ah oo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu qorsheynayey inuu ku tago.

Dalalka Uganda iyo Burundi ayuu qorshuhuu ahaa in Xasan Sheekh uu ku tago safar muhiim ah, si looga tashado howlgalka gabagabada ah ee ATMIS iyo mar xaladda kala guurka ah ee amniga Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa u baaqday shirka golaha wadatashiga qaran ee weli Muqdisho ka socda, kaas oo natiijo rasmi ah aan laga gaarin ilaa hadda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarada uu ka baaqday Xasan Sheekh waa kuwo muhiim u ah amniga qaranka iyo marxaladda kala guurka ah ee howlgalka ATMIS iyo kan bedelaya.

Howlgalka ATMIS ayaa ku eg dhamaadka sanadkaan, waxaana muhiim ah waqtigaas inta aan la gaarin in la dedejiyo diyaarinta howlgalkii bedeli lahaa ATMIS, kaas oo talo iyo tusaaleyn buuxda ay ku leeyihiin wadamada ka qeyb geleya.

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay shir aan loo kala kicin ayaa madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho, kaas oo ilaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah, sidoo kale shirkaan wuxuu saameeyey safaradii qorsheysnaa ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi lahaa dalalka Uganda iyo Burundi.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in qodobada qaar ee miiska lasoo saaray uu diiday, sida in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ku doodayaa in doorasho dadban la aado, maadaama uusan harin waqti lagu diyaariyo doorasho dadweyne.

Cali Guudlaawe oo baxay iyo wararkii ugu dambeeyay shirka golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan xarunta madaxtooyada qaranka waxaa weli ka socda shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka oo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, siiba arrimaha doorashooyinka ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, iyada oo madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in kulamadii maanta dhacay ay ahaayeen kulamo doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey guddiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka golaha.

Villa Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in wada-hadalladu ay u socdaan sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay madaxdu soo saari doonaan qodobo muhiim ah oo heshiis lagu wada yahay.

“Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ah afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale  Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaatay fasax ku aadan ka qeyb-galka xafladda sanadguurada HirShabelle, wuxuuna u baxay magaalada Jowhar, inkastoo uu ku soo biiri doono kulamada berri loo balansan yahay ee golaha wadatashiga qaranka.

Waxaa kale jira caqabado uu wajahayo shirka sida diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka horyimid in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase weli soconayo dadaallo lagu qancinayo, maadaama keligiis uu ku yahay go’aanka diidmada ah.

Sida uu qorshuhu yahay shirka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maalinta berri ah, ayada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiinayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Daawo: Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan ciidamadeeda qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub AUSSOM, haddii aysan ka noqon heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka cusub uu dhawaan bilaaban doono, isla markaana uu beddali doono howlgalka ATMIS oo muddo dheer ka socday Soomaaliya.

 

“Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhowaan ayuu billaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS,  Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay Maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo inay dalka ka baxaan ciidamadaas oo ay ka horyimaadaan go’aanka Soomaaliya uu noqon doono ciidan gumysi ku qabsaday gudaha dalka, kadibna ay furan tahay in lala dagaalo.

“Itoobiya subaxa dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay dhaqaajiso way dhaqaajineesa wixii intaa ka badan waa ciidan cumeysi oo dalka qabsaday oo in lala dagaalamo u baahan” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhawaan ka dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay xoog ku qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaalitya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horay u diyaarsatay beddalka Itoobiya, waxayna dhawaan heshiis  la gashay Masar oo sidoo kale 10 kun oo askari usoo diri doonta Soomaaliya.

Sawirro: Markabka sahminaya shidaalka Soomaaliya oo ka soo dhaqaaqay Turkiga

0

Istanbul (Caasimada Online) – Maanta oo Sabti ah waxaa dalka Turkiga kasoo dhaqaaqay markabka Oruç Reis, kaas oo ku soo jeeda gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka.

Oruç Reis ayaa kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, sida ay sheegtay dowladda Turkiga.

Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Markabkan ayaa marka uu yimaado Soomaaliya wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howlgalkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Mucaaradka dowladda oo ka digaya arrin xasaasi ah ka hor go’aanada shirka V/Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah isha ugu hayo shirka xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran haatan uga socda Villa Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qayb ka ah mucaraadka Muqdisho oo qoraal soo saaray ayaa marka hore ka hadlay doorka madaxweynaha iyo jiheynta dalka, wuxuuna sheegay in kaalintiisa ugu wayn ay tahay ilaalinta dastuurtka iyo isku haynta dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada iyo baarlamaanka looga baahan yahay dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynuhu wuxuu leeyahay aragtida (vison)-ka iyo jihaynta siyaasadda guud ee dalka, kaalintiisuna waa ilaalinta dastuurka, isku haynta dalka iyo ka shaqaynta midnimada iyo wadajirka umadda, halka laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda in ay aragtida u daadejiyaan waaqaca, taasoo kaga baahan dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka sida Maamullada Gobollada, Baarlamaanka, siyaasiyiinta kale ee saamaynta leh iyo xubnaha beesha caalamka, waxaase muuqata in labadii hawl uu Madaxweynaha isku darsaday” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa dalab culus soo saaray kahor go’aammada la filayo inay soo saaraan xubnaa Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna sheegay haddii ay sameynaa isbeddallo cusub lagama maarmaan ay tahay in wada-tashiga laga qayb-geliyo saamileyda siyaasadda oo dhan.

“Waxaa gar ah doodda oranaysa haddii hawshu sidii heshiiska lagu ahaa lagu wedayo noo wada, haddiise isbeddel cusub uu jiro, waa in saamilayda siyaasadeed si dheelitiran wadahadalka looga qaybgeliyaa” ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah ee Warsame.

Horay sidaan oo kale xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh ayaa uga digay in golaha uu ku dhawaaqo muddo kororsi horleh oo aan heshiis lagu ahayn.

“Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay xisbiga Sheekh Shariif.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasa Cali Cali Khayre ayaa isna ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo dib u dhigi kara dowladnimada, gaar ahaan muddo kororsi.

“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu yiri Mudane Xasa Cali Khayre.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si aad ah la’isugu hayaa doorashooyinka dalka ee heer dowlad goboleed iyo heer federaal ee dalka.

Dadaallo lagu qancinayo Axmed Madoobe oo socda iyo shirka oo hakad galay – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah iyo dadaallo la doonayo in lagu qanciyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), si uu taageero go’aannada la xiriira doorashada oo ay soo saarayaan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Axmed Madoobe ayaa si shaqsi ah u diiday in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qayb-galeysa shirka, taasi beddalkeedana wuxuu ku dooday inuu qabsanayo doorasho dadbadan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland, waxaana hakad galay shirkii u socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Dadaallada waxaa haatan kusoo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta isaga iyo ra’iisul wasaaraha kulan gaar ah la qaateen Axmed Madoobe, kaas oo ujeedkiisu ahaa inuu kasoo dabco mowqifkiisa diidmada ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax natiijo ah oo la fahamsan yahay oo laga gaaray dadaallada socda, si loo dhammeeyo doodda taagan, una fashilmin Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkan waxaa ka horeeyay mid kale oo xalay Villa Soomaaliya ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe, laakiin wuxuu isna kusoo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii uu go’aankiisa ku adkeystay Axmed Madoobe.

Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay in nadaxweynaha Jubbaland uu qaato go’aanka uu kaligiis ku yahay iyada oo dhammaan madaxdii kale ay isku aragti ka noqdeen dooda  doorashada ee miiska saaran.

Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe

Al-Shabaab oo billowday in ay beegsato ganacsatada Muqdisho iyo mid la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay mid kamid ah ganacsatada deegaanka loogu geystay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daahir Diirshe ayaa waxaa goobtiisa ganacsi ugu tegay rag afka soo duubtay, kadibna toogasho ku dilay.

Wararka ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu marxuumka hanjabaad kala kulmay kooxda Al-Shabaab, taas oo la xiriirta kaamirooyin uu ku xiray xaruntiisa ganacsi.

Ganacsadaha oo ka dhaga adeegay amar kooxda ayaa ugu dambeyn soo qorsheysay in la dilo, waxaana xalay sidaas ku toogtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.

Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh.

Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu laayey hal goob

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay howlgallo culus iyo duqeymo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa sheegtay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray.

Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

Muqdisho, October 05, 2024: Ilaa 47 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaariij ah, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Khawaarijtu isku aruursanayeen.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey inay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka, iyo geesiyaasha dadka degaanka ayaa hawlgalo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, waxaana ciidanku ay ku guulaysteen inay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowgaan ku soo duulay waddankeenna .

-Dhammaad-

Kulan dhex-maray Xasan, Xamza iyo Axmed Madoobe oo lagu kala kacay – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluuimaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo xalay ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid lagu qancinayay Axmed Madoobe oo diiday go’aan la xiriira doorashada oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qaybgaleyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka socdo magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ay madaxda dowladda dhexe ku raaceen in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase qodobkaas ka horyimid madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku dhagan yahay inuu qabsado doorashada u gaar ah oo loo marayo habka xildhibaannada baarlamaan goboleedka oo uu horay ugu soo caano maalay.

Intaas kadib ayaa waxaa xalay kulan gaar ah isugu yimid  madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe, si loo qanciyo balse waxaa la xaqiijiyey inuu markale ku adkeystay in deegaanada Jubbaland uu ka qabanayo doorashadii dadbaneyd.

Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay in nadaxweynaha Jubbalane uu qaato go’aanka uu kaliguus ku yahay iyada oo dhammaan madaxdii kale ay isku aragti ka noqdeen dooda  doorashada ee miiska saaran.

Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi.

Duqeymaha oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu garaacay goobo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Deegaanada la duqeeyay ayaa dhaca dhulka Caragaduudka ah ee ku yaalla inta u dhaxeysa Mesagawey, Baraag Sheikh Caamir, illaa Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo maleeshiyo ah, kuwaas oo lala beegsaday duqeynta.

Illaa 6 gantaal ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen aaggaasi, waxaana jira khasaare xoogleh oo Al-Shabaab kasoo gaaray duqeynta.

Dhinaca kale qoraal kooban oo uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxa uu ku sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay kooxda.

“Khawaarijtii Caawa aaga Galgaduud qumbulado Jahannami ah ayaa ku wada dhacaaya! Ducadu waa xagiina.Geeshkayagoow Guuleysta” ayuu yiri wasiirku.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud.

Somaliland oo si adag uga jawaabtay sheegashada DF ee doorashooyinkeeda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November.

Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda.

“Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday.

“Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mareykanka oo duqeeyay qeybo ka mid ah dalka Yemen

Sanca (Caasimada Online) – Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen.

Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran.

Warbaahinta Xuuriga ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa.

Meelaha kale ee ay ciidamada Mareykanka garaaceen waxaa ka mid ah gobolka Damar iyo gobolka kale ee Beyda ee dhanka koofurbari kaga beegan magaalada Sancaa.
Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yeen.

Kooxda ayaa sidoo kale todobaadki hore sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka oo marayay Badda Cas.

Israel oo weerartay xarunta mukhaabaraadka Xizbullah

Beyruut (Caasimada Online) – Isra’il ayaa sheegtay in Jimcihi shalay ay duqeysay xarunta sirdoonka Xisbullah ay ku leedahay magaalada Beyrut, weerarkaas oo ay sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay.

Saakay waabarigiina, qaraxyo ayaa laga maqlay nawaaxiga koofureed ee Beyrut, balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Beyruut.

Isra’il ayaa dhanka kale aanan wali ka jawaabin duqeymihi cuslaa ee dhawaan kaga yimid Iran. Iran ayaa ku dhawaad 200 oo gantaal oo ah nuuca baallistiga ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Isra’il, kaas oo ay Iran ku sheegtay in ay uga jawaabeyso duullaanka ay Isra’il ku qaadday Lubnan.

Ilaa 1.2 milyan oo ruux ayaa ku baracakay duqeymaha iyo dagaalka ay Isra’il ku qaadday Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay.

Sawirro: Howlgal lagu laayay Al-Shabaab badan oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo Jimcihii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan Al-Shabaab ahaa.

Howlgalka oo ay fulisay guutada 7-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiya waxaa howlgalka lagu dilay illaa 24 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay 30 kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa la gubay inta uu howlgalka socday gaari caasi ah oo ay lahayd kooxda,kaas oo goobta ku basbeelay.

“In kabadan 24 dhagarqabe ayaa Khawaarijta halkaasi looga dilay iyo dhaawaca tiro kabadan 30 dhagarqabe, waxaana laga gubay Gaari caasi ah, iyaggoo ka cararay boorso ay ku jireen Daawooyin” ayaa lagu yiri qoraal ay shaacisay Warbaahinta Codka Ciidamada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maydadka xubnaha laga dilay kooxda ay horay usii qaadatay, isla markaana ay gaysay deegaanada Buulo Madiino iyo Cumar Beyre, si halkaasi ay ugu aasaan.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay sida xoogan uga socdaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada gobolkaasi.

Jabuuti oo heshiis ka dalbatay Eritrea oo ka heysata dhul iyo askar maxaabiis ah

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay kala dhaxeeyay dalka Eritrea oo ay deris yihiin, Jabuuti iyo Eritrea ayaa mar hore ku kala tegay dagaal al dhashay soohdinta labada dal.

Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule ayaa sheegay in khilaafka xuduudda ee aan la xalin ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ay hadda diyaar u yihiin in lagu xaliyo wadahadal.

Mar uu ka hadlayey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Sayid ayuu sheegay in Jabuuti ay dooneyso inay ogaato meesha ay joogaan askarteeda oo Eritrea ay maxaabiis ahaan u qabsatay intii lagu jiray dagaalkii dhexmaray labada dal.

“Masuuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn qalbiyadeenna, qoysaskoodu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan hal arrin, waana nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan askarteenii,” ayuu yiri Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Jabuuti waxay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkeeda Eritrea, sidoo kale waxay diyaar u tahay in khilaafkaan la xaliyo, iyadoo loo marayo wadahadal, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Majirto jawaab ka timid Eritrea oo ku saabsan codsiga Jamhuuriyadda Jabuuti, balse waxaa suurtagal ah in markaan ay soo jawaabto Eritrea, maadaama hoggaamiyaha dalkaas uu hadda isisoo furfurayo oo muhiimdan uu siinayo la macaamilka dunidii go’doomisay 30 sano ka hor.

Sanadkii 2008-dii ayuu qarxay khilaafka ugu dambeyntii lagu kala tegay ee salka ku haya xuduudda Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna khilaafkan sababay dagaal milatari oo lagu hoobtay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin habayaraatee wax cilaaqaad ah oo labada dowladood ay yeesheen.

Sanado ka hor dowladda Eritrea waxay sheegtay in aysan jirin ciidamo Jabuutiyaan ah oo maxaabiis ahaan ay u heystaan, iyadoo arrinta maxaabiista ku macneyaay dibindaabyo ay reer Galbeedku wadaan, halka Jabuuti ay marar badan ku celcelisay in Eritrea ay nolosha ku qabatay askar badan oo nolol ay ku tuhmeyso iyo inay xabsiyada Eritrea ku jiraan.

Dowladaha Itoobiya iyo Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii isku dayey inay xaliyaan khilaafka labada dalka ee Jabuuti iyo Eritrea, labada Madaxweyne ee Isayas Afewerki iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu kulansiiyey magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, balse lama gaarin heshiis rasmi ah.

Wuxuu noqday kulan taariikhi ah oo sababay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax uu booqday Jabuuti, isagoo xiligaas la kulmay masuuliyiintii Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa shirkii Qaramada Midoobey ee July 2018 ka jeesiday codsi nabadeed oo ay dooneyso in lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya Eritrea, safiirkii Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa u qoray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres “Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo inaan diyaar u nahay inaan aqbalno xal nabadeed oo kasta oo Golaha Ammaanka ee QM uu soo jeediyo, si loo soo afjaro khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.”

Khaatumo oo soo saartay qoraal garnaqsi ah farriin culusna u dirtay Golaha Wadatashiga Qaran

0

Laascaanood (Caasimada Online) – War-saxaafadeed garnaqsi ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo ayaa farriin loogu diray Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan.

Qoraalka Khaatumo waxaa lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan.

Hoos ka akhriso qoraalka SSC oo dhameystiran:

Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo.

Si waafaqsan Qodobada Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Cutubka 5-aad, qodobadiisa 48-aad 49-aad, iyo 50-aad.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal looga wadatashado arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulshada inta aan loo gudbin goleyaasha dowliga ah waa madal ka qayb galkeedu ku dhisanyahay matalaad Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamullada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Hadaba, Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu caddeynayaa:

1. In aan marna la aqbali karin in midnimo iyo wadajir la doono, matalaadda dad iyo deegaan baaxad lehna aysan qayb ka ahayn aayo katashiga arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dowlad-dhiska Soomaaliya.

2. In SSC-Khaatumo xaq u leedahay ka qayb galka, ka tashiga iyo ka talinta arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee saamaynta ku leh Soomaaliya.

3. In Maamulka SSC Khaatumo xaq u leeyahay mashaariicda horumarineed iyo kabka miisaaniyadeed ee heerarka iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad- goboleedyada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

SSC Khaatumo waxa ay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka rajeynaysaa in ay ka dhabeeyaan magaca iyo masuuliyadda Goluhu huwanyahay.

SSC-Khaatumo waxa ay sii laba jibaari doontaa hawlaheeda dowlad-dhiska, amniga iyo difaaca, iskutashiga, daadajinta maamulka iyo dimoqraadiyaynta.

SSC Khaatumo

Soomaaliya Loo Dhanyahay.

 

Muxuu MUUSE BIIXI ka yiri heesaha sida weyn u faafay ee lagu dhaliilay xukunkiisa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horeysay ka hadlay silsilad suuggaaneedka ay Xidigaha Geeska ku dhaliileen xukunkiisa ayaa ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland.”

Muuse Biixi ayaa sheegay in cida askarta u heestay aanay ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, isaga oo ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kooxda hobollada Xidigaha Geeska oo haatan taageeradooda iskugu geeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhawaan soo saaray heeso silsilad ah oo ay ku dhaliilayaan xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Biixi.

Kooxda ayaa si gaar ah madaxweyne Biixi ugu dhaliishay jabkii ciidamada Somaliland kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood iyo dhulka ay Somaliland lumisay intii uu talada hayay.

Heesahaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada maalmihii lasoo dhaafay ayaa badankooda waxay ka siman yihiin inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi.

Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan.

Khamenei oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisadda Israel

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen.

Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran.

Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi: “Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.”

Khamenei ayaa ammaanay ururka Xizbullah, isaga oo sheegay in ay “adeeg muhiim ah u hayaan gobolka oo dhan iyo dhammaan caalamka Islaamka”.

Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ku hanjaby “kuwa weerara qaranka Israel, waxay bixiyaan qiimo culus”.

Iran ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto jawaabteeda haddii Israel ay weerar celis sameyso.

Ku dhowaad sanad kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Xamas ay ku qaaday Israel 7-dii October, Israel ayaa ku dhowaaqday inay diiradda u wareejineyso xaqiijinta xuduudda Lubnaan.

Israel waxay sheegtay in hadafka uu yahay in ay u ogolaato in 60,000 oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay gantaallada Xizbullah, ay ku soo noqdaan guryahooda.

Weerarada Israel ee meelaha ay ku xoogan tahay Xizbullah ee Lubnaan ayaa dilay 1,000 qof tan iyo 23-kii September, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, waxaana ku barakacay boqolaal kun oo qof.

Waxay sidoo kale dilaan, Jeneral Irani ah iyo taliyeyaal sare oo ka tirsan Xizbullah, oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxda Xasan Nasrallah.

Fahad: Jubaland goormey gudeysaa abaalkii Puntland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa su’aal ka keenay goorta ay Jubbaland u abaal-gudeyso Puntland, xilli uu hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maqnaanshaha Puntland soo saaray miiska shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Villa Soomaaliya.

Fahad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Puntland ay abaal siyaasadeed aan lasoo koobi karin ku leedahay Jubbaland, marka loo fiiriyo duruufihii adkaa ee siyaasiga ahaa ee Saciid Deni uu kala soo dabaashay Axmed Madoobe.

“Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Fahad.

Sidoo kale waxa uu yiri “Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.”

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

JUBALAND GOORMEEY GUDEYSAA ABAALKII PUNTLAND?

Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo.

Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.

Waxaa la hadal hayaa in Madaxweyne Madoobe shirka madasha kaga khudbeeyey in Punland la’aanteed aanan go’aanno masiiri ah la gaari karin.

Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono.

FIQI oo joogista ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya la xiriiriyey qorshe halis ah

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay Soomaaliya u joogto dhul ballaarsi ee aysan aheyn mid ay uga difaaceyso cadowga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa eedeynta u jeediyay Itoobiya, isagoo xusay in joogitaankooda aysan la xiriirin la-dagaalanka argagixisada.

“Aan caddeeyo sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la-dagaalanka argagixisada waa marmarsiyo lagu doonayo natiijada dhabta ah ee ku qabsaneyso, kuna ku goosaneyso dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xasadaraha ay Itoobiya ku wajaheyso dalalka deriska ay ka leedahay sidii ay indhaha bulshadeeda uga leexin laheyn halista ka taagan gudaheeda, taasboo ay maareyn la’dahay.

“Natiijada dhabta ah ee ka dambeysa cadaawada ay baryihii dambe ku wajaheyso dalalka deriska waa isku day ay ku dooneyso inay dareenka dadka looga leexiyo arrimaha halista ah ee ka taagan gudaha dalkaasi ka jira,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu Itoobiya ku eedeeyay in ay u dhaqantay si ka baxshan shuruudaha howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ay Itoobiya qeybta ka tahay, ayna hub sharci darro ah soo gelisay gudaha dalka, kuwaasi oo uga sii dari kara xaaladda taagan.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala furtay kadib markii horraantii sanadkaan ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland heshiis u gacan gelinaya qeybo kamid biyaha Soomaaliya, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay “xad-gudub” ka dhan qarannimada iyo midnimadeeda.