25.1 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Xog: Golaha Wasiirada oo yeelanaya kulan aan caadi ahayn iyo arrimo xasaasi ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in caawa ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.

Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in kulankan warbixino kala duwan looga dhageysan doono qaar kamid ah golaha wasiirada, sida wasiirka arrimaha dibadda oo faah-faahinayo shirarkii ugu dambeeyay uu kasoo qayb-galay iyo waxa u qabsoomay.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa warbixin xasaasi ah la wadaagi doono golaha Wasiirrada, taas oo uu uga hadli doono guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada socda ee la xiriira mustaqbalka howlgalka ATMIS.

Golaha wasiirad ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaray awaamiir cusub oo la farayo inay la socdaan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, shirkan loogu yeeray golaha wasiirada ayaa kusoo aadayo, ayada oo xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, isla markaana uu fashil ku dhowyahay shirkii golaha watashiga qaran ee ka socday Villa Soomaaliya, maadaama uu ka baxay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo isaga baxay shirka GWQ, dibna ugu laabtay Kismaayo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn isaga baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe oo ka duulay garoonka Aadan Cadde ayaa maanta dib ugu laabtay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayada oo weli aan lasoo saarin war-murtiyeedka shirka golaha wadatashiga qaran.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha Jubbaland uu shir jaraa’id ku qaban doono magaalada Kismaayo, isaga oo faah-faahin doono arrimaha xasaasiga ah ee la’isku mari waayay.

Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka.

Sidoo kale wuxuu ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Tagista madaxweynaha Jubbaland iyo go’aankiisa diidmada ayaa muunineyso inuu fashilmay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, maadaama aan illaa iyo hadda laga soo saarin go’aanno ama war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay.

Daawo: Wiil 9 jir ah oo si arxan darro ah loo dilay, kadibna lagu tuuray wabiga

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si arxan darro ah loogu dilay wiil yar oo 9 sanno jir ahaa.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mucaad Cabdullaahi Faarax, waxaana marka la dilay maydkiisa la raaciyay wabiga Shabelle ee dhex mara magaaladaasi.

Ehellada wiilka yar ayaa sheegay in maalmahaan uu ka maqnaa, balse ay maanta maydkiisa ka heleen wabiga dhexdiisa, isaga oo si arxan darro ah loo dilay.

Maydka Mucaad ayaa waxaa ka muuqday jirdil xoogan oo loo gaystay kahor inta aan la dilin, sidoo kale waxaa xarig looga xiray gacmaha iyo lugaha.

Ma cadda sababta ka dambeysa dilka wiilkan yar oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka oo si aad ah  hadal haya falkaasi.

Sidoo kale ehellada wiilka yar ayaa dalbanaya cadaalad iyo in gacanta lagu soo dhigo ciddii ka dambeysay dilka wiilkooda.

Laamaha ammaanka Beledweyne ayaa dhankooda wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen balse ilaa & hada ma jirto dad ay usoo qabteen dhacdadaasi.

Daawo: Ciidamada DF iyo Macawiisleyda oo weeraray Al-Shabaabka ku sugan Geerile

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa dadka deegaanka ayaa maanta howlgal culus ku qaaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan howdka Geerile ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ayaa u daatay goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weerarka qaadeen ciidamada huwanta kadib ay xigtay jug xoogan, ayada oo dagaalka uu dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan ay ka gaareen guullo waa wayn, isla markaana ay jug culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugnaa dhulka howdka ah ee Geerile.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa bariga gobolka Galgaduud oo maalmahan ay ka socdeen howlgallo culus.

Howlgallada ay wadaan ciidamada huwanta ayaa waxaa barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntii ugu dambeysay oo ka dhacday aagga degmada Ceeldheer ayaa waxaa lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ka socda Marinka GAZA oo sannad jirsaday

Gaza (Caasimada Online) – Sannad ayaa maanta laga joogaa marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il.

Saacado ka hor inta aanan la gaarin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Isra’il gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan.

Duqeymaha cirka ah ee Isra’il ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Milatariga Israil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta mukhaabaraadka, baqaaradda hubka iyo meelo kale oo ku yaalla magaalada Beqaac.

Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Isra’il ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday gantaallada difaaca cirka ee Isra’il, kaddibna ku dhacay dhismooyin ku yaalla Xeyfa sida ay xaqiijiyeen booliska Isra’il.

Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen gantaalladaasi.

Dhinaca Marinka Gaza, ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 93 kalana la dhaawacay, kaddib duqeymo cirka ah oo ay Axaddii ciidamada Isra’il ku garaaceen masaajid iyo xarun ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku yaalla Marinka Gaza.

Sannad kaddib, duqeymaha ciidanka Isra’il ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Dhanka Isra’il, munaasabado lagu xusayo dadki lagu dilay weerarki Xamaas ee koofurta Isra’il ayaa lagu wadaa in lagu qabto Isra’il.

Axaddii iyo Sabtidi, kumannaan qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa dhigay mudaaharaadyo ay ku taageerayaan Falastin, ugana soo horjeedaan dagaalka Gaza.

Sawirro: Sarkaal farriin ka sida dalalka Bariga Afrika oo tegay wasaaradda gaashaandhigga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Cumar Cali iyo Paul Kahuria Njema ayaa ka wada hadlay xoojinta Amniga gobolka iyo halista Argagixisada.

Waxaa kale oo ay kawada hadleen sida loo dardar galin karo dagaalka Khawaarijta.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa isla maanta kulan muhiim ah layeeshay Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema.

Taliye Ibraahim iyo Paul Kahuria ayaa ka wada hadlay Amniga gobolka, Qatarta Argagixisada iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa  kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan ayaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya u muujiyey in wadamada Geeska Afrika ay heegan ugu jiraan taageerada Soomaaliya, wuxuuna balan-qaadoaan militery ee muhiimka ah uu ku soo aadayaa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo khilaaf adag oo qarka u saaran gacan ka hadal.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo galay xaalad adag, iskuna daray codsi iyo calaacal

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo halis ugu jira in xilka laga xayuubiyo kadib khilaaf ka dhex-qarxay isaga iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo saaray codsi iyo raaligalin.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa codsigaan u gudbiyay madaxweynihii Ruto Axadii maanta, isagoo sheegay in uusan garanayn wax khalad ah oo uu sameeyay, hadana uu doonayo in fursad kale la siiyo si uu ugu adeego shacabkiisa Kenya.

“Waxaan rabaa in aan ku iraahdo walaalkey, madaxweyne William Ruto, haddii aan kugu xumeeyay shaqadayada adag, fadlan i cafi,” ayuu yiri Mr Gachagua.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hadalkaan ka sheegay kaniisad ku taalla xaafada Karen ee magaalada Nairobi.

Rigathi ayaa ka dalbaday Ruto in uusan wax hakad ah ku samaynin,”Haddii xaaskeyga (Dorcas Rigathi) ay sinaba kuugu khaladantay fadlan qalbigaaga u fur si aad u cafiso,” ayuu hadalkiisa ku sio daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu raaligelin siiyay xildhibaanada Kenya iyo dad Kenyanka ah ee doonaya in xilka laga xayuubiyo, xilli shacabka ay ka qeyb qaadanayaan madalo ay ra’yigooda ku dhiibanayaan.

“Shacabka Kenya waxaan u sheegayaa in aan u adeegno dalka oo dhan, inta aan idiin adeegayo hadii ay jiraan wax aan sameynay ama dhahnay oo aad u aragtaan wax aan habooneyn, fadlan i cafiya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Baarlamaanka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr Gachagua, guddoonka ayaa qabtay mooshinkaas, wuxuuna sugayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda, hadii codsiga odaga uusan xaaladda wax ka bedelin.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa talaadadii baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dowladda wiiqayo.

Sidoo kale waxay Gachagua ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa arrimo musuq-maasuq ah, duminta dawladda iyo ka shaqaynta siyaasad qabyaalad ku dhisan, khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa Gachagua ayaa cirka isku shareeray maalmihii la soo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday tallaabo culus oo ay uga hortageyso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay qaadeyso tallaabo ay uga hortageyso hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyo, kaas oo badanaa ka yimaada dhanka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo la geeyo xudduudaha dalka,si loo xakameeyo hubka sharci darrada ah.

Fiqi ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo amniga qaranka, laguna hortagayo hubka sharci darrada ah, oo halis ku ah xasiloonida guud ee dalka.

“Hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya Itoobiya wuxuu khatar weyn ku yahay amniga qarankayaga. Waxaan qaadi doonaa tallaabo adag oo aan ku xakameyneyno xuduudaheena,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan xaqiijineynaa in cid kasta oo ku lug yeelata howlahaas, iyadoo aan loo eegin xaaladdooda in lagu daro liiska madow, lagulana xisaabtami doono.” 

Tallaabadan ay ku dhowaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ay imaaneysa xilli toddobaadyadii lasoo dhaafay hub sharci darro ah oo ka yimid dhanka Itoobiya uu soo galay gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka ayaa haatan ku howlan sidii ay u xakameyn laheyd hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo gelinayo, xilli uu dalka ku jiro dagaalka Al-Shabaab iyo dagaal diblumaasiyadeedka Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.

Fahad Yaasiin oo Xamza ku amaanay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu leeyahay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida.

Fahad Yaasiin ayaa Xamza ku amaanay dhaqankaan oo uu ku sheegay “inuu marwalba daacad u yahay hadba ninka uu la jiro ama soo magacaabay isaga.”

“Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida. Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maanta uu gar iyo gar-darro uu Xamza garab taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu haatan ku dhagan meel-marinta qorshihiisa doorasho ee qof iyo cod.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida.

Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Maantana markuu noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuu sidii lagu yaqaannay gar iyo gar-darro, garab u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa nin ka dhaqan duwan madax badan oo dalka soo martay iyo kuwa haddeerba xilal haya. Mar walba wuxuu daacad u yahay qofkii magacaabay iyo shaqadii loo igmaday.

Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Villa Somalia xilli la isku mari la’yahay shirka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka dambeyso dacaayado ka dhan ah madaxda qeybta ka ah shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Agaasimaha xiriirka dadwaynaha iyo madaxtooyada ee maamulka Jubalanad Maxamed Xasan Xiis ayaa eedeynta u jeediyay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sheegay in masuuliyiinta Villa Somalia ay lacag ku bixinayaan arrintaan.

“Madaxweyne ma waxaa jirta rajo aad wali ka qabto ergooyinka aad soo dirayso inay xal ka keenan kala aragti duwananta jirta iyadoo agaasimahadii warfaafinta iyo xafiiskaagu ay lacag ku bixinayaan cayda iyo dacaayada madaxda aad ku casuuntay shirka madasha,” ayuu yiri agaasime Maxamed Xiis.

Tan ayaa imaaneysa iyada oo aysan weli wax natiija ah kasoo bixin shirka Muqdisho uga socda madaxda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, uuna maanta galay maalintiisi shanaad.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lasoo warinaya inuu haatan ku adkeysanaya in hanaanka doorashooyinka qof iyo cod aanu suurta-gal ahayn in laga qabto Soomaaliya iyadoo aan heshiiska laga soo qeybgalin Puntland iyo Khaatumo.

Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad-goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka

Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad-goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Lafta-gareen iyo Qoor-Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan.

Taliye Asad Diyaano oo wada-hadal xasaasi ah la yeeshay Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kulankii u horreeyay la qaatay La-taliyaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Flannery Robert.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal ee saaxiibka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray qorshaha dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee ku aadan ciribtirka argagaxisada iyo tayeynta ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) oo dhawaan xilka la wareegay ayaa kulamo la qaadanayay saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka.

Taliyaha cusub oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha ciidamada ayaa laga sugayaa isbeddal iyo inuu horay usii wado wajibaadka laga rabo booliska Soomaaliyeed.

Arrimaha ugu muhiimsan ee haatan horyaallo ayaa waxaa kamid ah wax ka qabashada amniga caasimada oo inta badan weeraro ka fuliso Shabaab iyo horumarinta ciidanka Booliska.

FIQI oo dhoolatus wayn sameeyay maanta – Xagee ku dambeeyay mooshinkii?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta kusoo laabtay dalka, kadib safaro uu ugu baxay dibadda ayaa sameeyay dhoolatus wayn, xilli uu ka yaallo mooshin ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Fiqi ayaa soo dhaween heer sare ah loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu muuqato inuu ku sameynayo bandhig siyaasadeed, maadaama lagu dhagan yahay.

Soo dhaweyntiisa oo saf-dheer loo galay ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaanno kasoo horjeedo mooshinka laga keenay, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, danjireyaal, agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee wasaaradda, qaar ka mid ah howlwadeenadda wasaaradda arrimaha dibedda iyo qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda loogana hadlay soo laabashada wasiir Fiqi ayaa lagu yiri “Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya”.

Soo laabashada Fiqi waxay kusoo aaday, xilli todobaadkii hore ay tiro xildhibaanno ah ay geeyeen baarlamaanka mooshin isaga ka dhan ah, ayada oo eedeymo culus loo jeediyay.

Mooshinka ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli Fiqi, sida ku cad nuqulka mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadu.

Si gaar ah waxaa wasiirka loogu eedeeyay inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda, isla markaana uu awood tiray wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka, isla markaana uu awoodda isku soo koobay isaga oo kaliya.

“Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay horay usoo saareen xubnahan gudbiyay mooshinka.

Waxaa kale oo ay tilmaameen shaqooyinkii laga rabay wasaaradda arrimaha dibadda qayb kamid ah lagu wareejiyay shirkad ah oo ay xildhibaanada gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay isticmaasho shabadda wasaaradda, taas oo lacag dheeri ah soo rogtay.

Sawirro: Booliska oo xiray 44 dhallinyaro ah oo fal xasaasi ah ka geystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay caawa fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay kooxo ku eedeysan inay ciyaal wareero yihiin, kuwaas oo gaaraya 44 dhalinyaro ah.

Kooxahaan ayaa ku eedeysan in shalay Garoonka Ciyaaraha ee Eng. Yariisoow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ay ka geesteen falal amniga liddi ku ah.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaan ayaa loo heystaa inay fowdo ka kiciyeen garoonka, iyagoo markii hore ku yimid inay yihiin taageerayaal.

Booliska ayaa soo qabqabtay iyagoo qaarkood gacanta kula jira falalka ay ku eedeysan yihiin, waxaana laga xiiray Tinta, iyagoo caawa ku hoyanaya xabsiga.

Booliska ayaa soo sawiray dhalinyaradaan oo tinta laga xiiray, waxaana la sheegay in baaritaan kadib lagu maxkamadey doono falalka lagu soo eedeeyey ee ‘ciyaal weeranimada ah.’

Sida lagu sheegay qoraalkaan, Howlgal waxaa amray taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya Asad Diyaano oo maalinkii uu xilka la wareegay balan qaaday in wax amni darro ah aysan Muqdisho ka dhici doonin, inta ay awoodaana ay ka hortegi doonaan.

Xogtii ugu dambeysay ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka taagan tahay caqabad xoogan oo sababtay in shirka uu sii dheeraado.

Wararka ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka horyimid qorshaha ay isku raaceen madaxda kale ee ah in dalka loo jiheeyso doorasho mideysan oo qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa taagan cabsi laga qabo in mar kale uusan maanta qabsoomin shirka, sababo ku aadan go’aanka Axmed Madoobe, maadaama aanu weli beddalin mowqifkiisa ku aadan muddo kororsiga ay Villa Soomaaliya ku dooneyso doorashooyin qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo.

Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan.

Manata oo shirkaan uu gelayo maalinkii 5-aad waxaa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war-saxaafadeed, waxaase weli socda dadaalo lagu qancinayo Axmed Madoobe, si heshiiskaan uu qeyb uga noqdo, balse hadii uu diido waxaa suurtagal ah in waqtiga shirka uu sii dheeraado, maadaama madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysanayaan go’aankaas.

Cabdullaahi Dhuguf oo lagu dilay Muqdisho iyo Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa xaafadda Warlaliska ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Dhuguf, waxaana dishay koox burcad ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegay in kahor dil uu marxuumka ka dhaga adeegay amarka burcadda, kadibna dileen sidaasna ay uga qaateen taleefoon uu watay.

“Innaa lillaahi wa innaa illeyhi Raajicuun. Rabbi ha u Naxariisto walaalkeen Cabdullaahi Dhuguf oo gacan ka xaq-daran dishay. Jannatul Firdowsa Rabbi ha ugu bishaareeyo. Allaahuma Amiin” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyaradii asaxaabta la ahaa marxuumka.

Kooxda dilka gaysatay ayaa baxsatay, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Burcadda hubeysan ayaa weli sii wada dhibaateynta shacabka, waxaana xilliyada habeenkii ay inta badan dhibaatooyin ay ka gaystaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Inkastoo ay socdaan howlgallada lagu sugayo amniga, haddana shacabka ayaa wajahaya xaalado adag oo mararka qaar ay kala kulmaan burcadda hubeysan iyo kooxda Shabaab.

DF oo shaacisay tirada saldhigyada lagala wareegay ATMIS iyo qorshaha xiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay qorshaha howl-galka gaba-gabada ah ee ATMIS iyo kan xiga ee qorshihiisa uu socdo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ciidanka ATMIS kala wareegay in ka.badan 27 xarumo oo guud ahaan dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xarumo intaas lamid uu qorshuhu yahay in saddexda bilood ee soo aadan ATMIS kala wareegaan ciidamada xoogga dalka.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wejigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhiman tahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in wixii ka dambeeyo sanadkaan uu bilaaban doono howl-galka cusub ee AUSOM, iyadoo haatan ay soccaan arrimo farsamo oo lagu dhameystirayo howl-galka cusub ee bilaaban doono wixii ka dambeeyo bisha December ee 2024.

“Wada-hadal ku aadan howl-galka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa carabaabay in xilligaan ay dood taagan tahay ciidanka Itoobiya oo uu sheegay haddii aanay dowladooda ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howl-galkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan.

Si kastaba, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa haatan u diyaarsan la howl-galka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado kan ATMIS oo ay ka harsan tahay saddex bil keliya.

Xog ku saabsan duqeymo lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay aagga deegaanada Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay cakiran tahay, isla markaana weerarka cirka ah uu bilowday saala aroortii hore, waxaana barbar socda dagaallo toos ah.

Weerarkan ayaa daba socdo duqeymo shalay ka dhacay isla gobolka Galgaduud oo lagu laayay Al-Shabaab badan.

Warsaxaafadeed Sabtidii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray.

Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaalooyin badan oo ka tirsan Galmudug.

Howlgallada Sh/HOOSE oo guul wayn laga gaaray

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay xoogga saaray howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku fidiyay dhul ballaaran oo laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa gaaray deegaano horleh oo u dhexeeyo magaalooyinka Afgooye iyo Marka, halkaas oo ay horay u joogeen xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo iyo saldhigyo cusub ka sameysteen deegaannadaas oo dhaca xeebta, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.

Inta ay howlgallada socdeen waxaa sidoo kale ciidamada u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab oo baaritaanno ay ku socdaan, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda halkaasi.

Ujeedka ugu wayn ee howlgalladan ayaa ah sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa aaggaas oo ay kasoo abaabulaan inta badan weerarada ay soo qaado kooxda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose oo hoostaga  Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddo dheer ka socdo howlgallo, waxaana ku yaalla xeryo waa weyn oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika, loona soo gaabiyo ATMIS.

Israel oo gantaal ku dhufatay masajid ku yaalla Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Isra’il duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta.

Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza.

Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax.
Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza.

Isra’il ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah.

Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa ka danbeeyay, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay 1200 isla markaana kusoo aduubatay boqollaal Isra’iliyin ah.

Xog: Shirka Golaha Wadatashiga oo u xayiran Axmed Madoobe oo diiday hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dheeraaday, wuxuuna berri gelayaa maalinkii 5-aad, waxaana xogo raami ah laga helayaa arrimaha la isku mari la’ayahay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo.

Ilo wareedyo ku dhow shirka golaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka.

Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka

Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan.

Berri oo shirkaan uu gelayo maalinkii 5-aad waxaa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war-saxaafadeed, inta ka horeysana waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Axmed Madoobe, si heshiiskaan uu qeyb uga noqdo, balse hadii uu diido waxaa suurtagal ah in waqtiga shirka uu sii dheeraado, maadaama madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysanayaan go’aankaas.