25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

War cusub oo kasoo kordhay arrinta SSC-Khaatumo iyo DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrinta dhismaha SSC-Khaatumo ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu garab siin waayay dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka libin dhacday hoggaanka iyo shacabka deegaamada SSC-Khaatumo, isaga oo uu tilmaamay in loo tixgelin waayey jacaylkii ay u qabeen dalkooda, ayna u goyn weysay ka qaybgalka shirarka Muqdisho.

“Madaxda SSC oo lahaa Xasanow waanu ku jecelnahay xitaa waa la tixgalin waayay jacaylkoodii oo ku hungoobeen Xamar” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad.

Horay SSC oo war-saxaafadeed usoo saartay ayaa garnaqsatay, waxayan farriin u dirtay golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka Khaatumo waxaa sidoo kale lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan.

“Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka SSC-Khaatumo.

Maxay Puntland ka tiri go’aanka uu Axmed Madoobe uga baxay shirka?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si weyn usoo dhaweysay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu isaga baxo shirka golaha wadatashiga qaran ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku amaanay Axmed Madoobe inuu diiday ka qeyb noqoshada wax ugu yeeray “tallo xumada hoggaanka dowladda federaalka.”

“Axmed Madoobe markuu labo maalmood soo horfariistay, waxaa lagu yiri annagaa muddo kordhin ku siinayna ee dastuurka Jubbaland iska tuur,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha ay wado dowladda federaalka aan dalka lagu gaarsiin karin doorasho qof iyo cod ah, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu diidan yahay in loo laabto doorasho dadban.

“Xasan Sheikh wuxuu ku yiri dowlad goboleedyad anaa muddo kordhin idin siinaya. Xasan wuxuu tuuray dastuurkii isku hayay dalka, haddana wuxuu rabaa inuu tuuro dastuurkii ay lahaayeen dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka biyo diiday sida ay wax u wado Villa Somalia ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, waxaana durba tallaabadan ku amaantay Puntland oo ayadu kal hore kala furteen dowladda dhexe.

Si kastaba, shirka golaha wadatashiga qaran oo wajahaya fashil culus ayaa haatan waxaa socdo qorshe la doonayo in go’aanno looga soo saaro, iyada oo uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, uuna horey uga maqnaa Saciid Deni.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax culus maanta lala beegsaday + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha a dhashay qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha milatariga ayaa xaqiijiyay in askar ka tirsanaa ciidankooda ay waxyeelo soo gaartay, balse ay fashiliyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, ayna ku dhaawaceen saddex kale.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada dowladda lasoo wariyay inay howlgallo kooban ka sameeyeen aagga deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Shabeelaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Swan oo iska indho tiray maqnaashaha Puntland, kana hadlay 5 qodob oo xasasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa dhawaan warbixin u gudbiyay golaha ammaanka, taas oo ku saabsaneyd arrimaha Soomaaliya ayaa uga hadlay qodobo xasaasi ah.

Swan ayaa warbixintiisa marna kusoo hadal qaadin maqnaashaha Puntland, isaga oo carabaabay wax ka beddelka dastuurka dalka oo uu sheegay inay dib u eegis ku socoto cutubyada 5-aad illaa 9-aad.

“Waxaa la dhiirri-gelinayaa wada-hadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada,” ayuu yiri James Swan.

Hoos ka aqriso 5-ta arrimood ee Swan uga hadlay warbixinta uu golaha ammaanka u gudbiyay.

1. Wax ka bedelka dastuurka iyo Horumarrada Siyaasadda:

Dowladda Soomaaliya waxay diiradda saareysaa arrimaha mudnaanta Qaran leh, gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka. Cutubyada 5aad ilaa 9aad ayey dib-u-eegis ku socotaa, waana kuwa ka hadlayo arrimaha awood qeybsiga ka dhaxeeya dowladda Federalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah

Horay ayaa loogu ruqaansaday dhanka u guurista hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo shuruucda aasaasiga u ah dooraashada laga shaqeeyay.

Waxaa la dhiirrigelinayaa wadahadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada.

2. Ammaanka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada:

Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab wali waa muhiimmadda aasaasiga ah ee amniga, iyadoo dowladdu ay sii waddo howlgallada milatari.

Soomaaliya waxay wax ka qabanaysaa dhisidda ciidan, waxayna ka guureysaa Hawlgalka Kumeelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) una guureysaa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee la qorsheynayo Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyada oo hirgelinaysa barnaamijyo xasillineed.

Al-Shabaab waxay sii wadaa weerarada, waxaana sii kordhaya joogitaanka ISIS wuuna cambaareeyay.

3. Xiisadda gobolka iyo dublamaasiyadda:

Wal-wal ayaa laga muujiyay xiisadda gobolka ee ka dhalatay heshiiska is afgaradka ah ee Ethiopia la gashay Somaliland. Waxaa la oso jeediyay in arrinta loo xalliyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Dadaallo dublamaasiyadeed oo ay kamid yihiin wadahadallo ay Turkidu dhexdhexaadineyso ayaa muhiim loo arkaa si loo xakameeyo xaaladda.

Xiisadda Sool iyo Sanaag ayuu ka hadlay, isagaoo ku baaqay helitaanka wadooyin bani’aadamnimo iyo gargaar.

4. Caqabadaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarineed:

Soomaaliya waxaa ka jira baahiyo bini’aadanimo oo ba’an sababo la xiriira masiibooyinka cimilada, colaadaha, iyo saboolnimada, waxaana loo baahan yahay taageero dheeraad ah oo ku aaddan Qorshaha Baahiyaha iyo Gurmadka Bini’aadanimo ee 2024.

Isbeddelka cimilada ayaa loo arkaa inuu yahay sabab keenta colaadaha, waxaana la wadaa dadaallo lagu dhisayo adkeysiga iyada oo loo marayo helitaanka Sanduuqa Cimilada Cagaaran

5. Xilliga kala guurka hawgalka QM ee Soomaaliya

Qorshe ku saabsan in laga guuro Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loona guuro koox dalka ka howl-gasha oo UN ah ayaa loo gudbiyey Golaha Ammaanka.

Tani waxay daba socotaa wadahadallo lala yeeshay hoggaanka Soomaaliya, Qaramada Midoobayna waxay rajeyneysaa inay taageerto mudnaanta qaran ee Soomaaliya.

DANAB oo khaarajisay horjoogayaal SHABAAB ah

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidanka kumandooska Danab ay saqdii dhexe xalay ka fuliyeen gobolka Galgaduud.

Howl-galkan oo si gaar ah ay ciidanka Danab uga fuliyeen deegaanka Gariile oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa waxay ku khaarajiyeen illaa 27 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Howl-galka ayay ciidanka ku dileen 27 Khawaarijta ka tirsan kuwaasi oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad sida ay warbaahinta ciidamadda qalabka sida u sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkan ayaa imanay maalin un kadib markii ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuw deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay howlgal cir iyo dhul ahaa ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howl-galkaas ayey dowladda sheegtay in lagu dilay 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka la laayay.

Sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, kaasi oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay laba jibaartay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu ku yimid hoos u dhac.

Daawo: Xamza oo shaaciyay in Axmed Madoobe la’aantii uu goluhu gaarayo go’aanno

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay qabtay shir jaraa’id oo deg deg ah ayaa ka warbixiyay shirka golaha wadatashiga qaran oo uu shaaciyay in weli uu socdo, xilli madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dib ugu laabta Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxda shirka golaha wadatashiga qaran ka qeyb-gashay ay ku jiraan la-tashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, ayna soo saari doonaan go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee furmay 2-dii bishaan October weli wuu socdaa. Madaxda shirka ka qeyb gashay waxay ku jiraan latashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, marka latashiyadaas dhammaadaanna waxa la soo saari doonaa go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka golaha wadatashiga uu guul kusoo idlaan doono, xilli uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, uuna horey uga maqnaa Saciid Deni, taas oo muujineysa sida Xasan u go’aansaday in uusan cidna u joojin, taas oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed.

“Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horu socodka, kuna taageeraan dowladda Soomaaliya in aan dib loo noqon oo laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarista kooxda Al-Shabaab.

“Maanta meesha mareyno waa meel wanaagsan, waxaana naga go’an in aan hore u socono oo dalka horumarino. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku taageeraan dowladda Soomaaliyeed dagaalka Khawaarijta si aan dalkeenna ugu noolaano karaamo iyo xoriyad.”

Muxuu heshiiska cusub ee dekadda Hobyo uga duwan yahay kuwii hore?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiis u dhaxeeya shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo socon doono ku dhowaad 80 sano ayaa dhismihiisu bilaaban doonaa muddo bil iyo bar kaddib.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Galmudug, Cabdullaahi Kulmiye, ayaa BBC-da u sheegay in mashruucan ay 70 boqolkiiba ganacstada maalgashatay.

“Heshiiskan waa la dhaqangeliyay maanta, waxaan u nimid waa saxiixa, howsha waxay soo socotay labo sano oo marba waddan la tagayay, ugu dambeyntii way soo gabogabowday, hadda waxaa la soo gaaray wajigii ugu dambeeyay ee lagu saxiixayay, 45 maalmood kaddib waxaa bilaabanaya dhismaha dekadda.”

Heshiiska dekadda lagu dhisayo waxa uu u dhexeeyaa shirkadda maalgashiga Hobyo iyo shiradda laga leeyahay Turkiga ee METAG.

Maxaa ku dhacay heshiisyadii hore ee dhismaha dekedda Hobyo?

Waxaa jiray heshiisyo hore oo lala galay shirkado shisheeye oo aan dhaqan gelin. Maamulka Galmudug ayaana si cad u sheegin waxa ay u dhaqangeli waayeen heshiisyadii hore.

Balse waxaa jiradhowr arrimood oo Galmudug ku tilmaantay in ay caqabad horay u ahaayeen, haatanse xal loo helay.

Ammaanka degmada hobyo iyo deeganada ku hareereysan ayuu wasiirku sheegay in uu ka mid ahaa sababaha ay u hanaqaadiwaayeen heshiiyo horay loo galay.

Waxa uu sheegay in ammaanku ka wanaagsan tahay sidii markii hore xaalku ahaa kaddib markii dowladda federalka ay qaaday weeraraadii Alshabaab goobo badan looga saaray.

“Markii hore ammaanka ayaa laga baqayay hadda waxaa jira ammaan fiican taas ayaana keentay in ganacstada iyo shisheeyaha ku dhiiradaan in ay maalgashtaan Galmudug”

“Waxaan ogahay in uu jiray dhib farsamo ama aan la helin wixii loo baahnaa oo heshiis lagu dhaqangelin lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cabdullaahi Kulmiye.

Sida ay sheegtay Galmudug waxay ku hammi wayn yihiin in heshiiskaan maanta la saxiixay uu shaqeeyo maadaama caqabado horay u jiray ay meesha ka baxeen.

Caqabadaha sidoo kale ay filayaan in ay meesha ka baxeen ayaa ah, in dhaqaalaha lagu dhisayo dekedda markii hore la filayay in ay bixiyaan shirkado shisheeye balse haatan inta badan dhaqaalaha ay bixinayaan ganacsato Soomaaliyeed, waloow ay qayb ahaan laacagta bixin doonto shirkadda fulineysa dhismaha dekedda.

“Waa isxilqaan, ganacsato Soomaliyeed oo isutatgay oo isu keenay dhaqaalahooda oo doonaya in ay dalkooda ku dhisteen, kuwii hore dhaqaale shisheeye ayaa laysku haleynayay”

Sida Galmudug sheegtay dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekadda ayaa la hayaa inta ugu badan si howsha dhismaha u bilaabato.

“Mar hadii dhaqaalihi la ururiyay la hayo 71%, wixii lagu dhisayay, shirkadiina diyaar tahay heshiiskiina la gaaray dhibaato kale oo laga welwelaa ma jirto”

Isha: BBC

Daawo: Qoor-Qoor oo shaaciyay in Itoobiya ay isticmaali doonto dekadda….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo maanta Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo ayaa ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in dekedda Hobyo ay fursad weyn u tahay shacabka deked la’aanta ah ee Itoobiya.

Waxay aheyd munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano, Wasiirro, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah oo lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo, kaas oo bilaaban doona 45 cisho kadib.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, Mahad Salaad iyo Liibaan Axmed oo ayaguna ah musharaxiin u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, heshiiskaan wuxuu ahaa mid si weyn loo daneynayo.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Qoor Qoor ayaa ku faanay in hormar badan uu gaarsiiyey Galmudug, sidoo kale wuxuu sheegay in reer Galmudug ay fursad u abuuri karaan wadamada deriska ah oo Itoobiya ay ugu horeyso, isagoo soo hadal qaaday khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dekadda Hobyo kaliya faa’iido uma leh dadka reer Galmudug ee bulshooyin kale ayaa ku tiirsanaan doona, waa meesha ugu haboon gobolka oo dhan, waxay ka mid noqon doonta dekedaha ay ka faa’iideystaan shacabka Itoobiya, markii la xaliyo khilaafka hadda jira,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Wuxuu sheegay in khilaafkaan uu iska dhamaa doono, isla markaana Itoobiya ay ku qasbanaa doonto inay soo marto dariiqa saxda ah, markii ay taasi dhacdana wuxuu Qoor Qoor tilmaamay in Hobyo tahay deked istiraatiiji ah oo il dhaqaale u noqon doonta Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Hoos ka daawo

Waa kuma madaxweynaha cusub ee Itoobiya dooratay?

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Danjire Taye Atske Selassie oo ahaa wasiirkii arimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa waxaa loo magacaabay xilka madaxweynaha dalka Itoobiya. Danjire Taye ayaa xilka madaxweynaha loogu magacaabay furitaanka kalfadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka iyo federaalka.

Danjire Taye bartamihii sanadkii hore, waxaa la xusuustaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka, waxa uu haatan badali doonaa dublamaasi rugcadaa ah, marwo Sahle Work Zewde, oo in muddo ah soo heysay xilkaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya, Tagese Chhafo ayaa mudanayaasha labada aqal u akhriyay heerka waxbarasho iyo khibrad shaqo ee leeyahay madaxweynaha cusub ee Itoobiya.

Sida dastuurku dhigayo golaha wakiilada ayaa awood u leh inay soo magacaabaan madaxweynaha. Sidaa darteed, waxa uu sheegay Golaha Shacabka “in ay kulan albaabadu u xirnaayeen ay yeeshaan daqiiqado gudahood kadibna ay ku gaareen go’aan”.

Sida dastuurku qabo, haddii musharraxa la magacaabay uu helo saddex meelood labo meel codadka shirka wadajirka ah ee wakiilada shacabka iyo golaha federaalka, wuxuu noqonayaa madaxweyne.

487-da xubnood ee ka soo xaadiray shirka wadajirka ah ee labada gole, ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday magacaabista Danjire Taye, shan mudane ayaase ahaa maqanayaal.

Waa kuma Taye Atske Selassie?

Waxaa la sheegay in Taye Atske Selassie oo ku dhashay magaalada Debarak ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada uu yahay mid ka mid ah dublamaasiyiinta khibrada ugu badan leh ee dalka Itoobiya.

Danjire Taye oo in ka badan soddon sano ka soo shaqeynay dalkiisa dhinacyada xiriirka caalamiga ah iyo danjirenimada, waxa uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkiisa, safaarado ku yaalla wadamo kala duwan iyo sidoo kale qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Danjire Taye waxa uu cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka bartay jaamacadda Addis Ababa oo ah hormuudka waxbarashada dalka Itoobiya, waxa kale oo uu shahaadada labaad ee Master-ka ee xidhiidhka caalamiga ah iyo daraasaadka istiraatijiyadeed ka qaatay jaamacadda Lancaster ee dalka Ingiriiska.

Sido kale waxa uu soo noqday Ergeyga Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, isaga o dhanka kale muddo laba sano ah soo ahaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Masar, dalkaas oo ay haatan colaad ku aadan biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam kala dhaxayso Itoobiya.

Dalka Maraykanka oo uu sannado badan ka soo shaqeeyay isaga oo danjire ah, waxa uu soo noqday Qunsulka Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Los Angeles, Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Washington, iyo Qunsulka magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Sidoo kale, Gumtu waa dublamaasi khibrad dheer u leh inuu dalkiisa ku matalo fagaarayaasha kala duwan ee caalamiga ah.

Danjire Taye Atske Selassie ayaa ah diblumaasi hormuud ka ahaa shantii sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan markii Itoobiya ay Masar kala dhaxeysay muran ku saabsan biyo xireenka Renaissance, iyo sidoo kale kiiskii ugu dambeeyay haatan ee muranka kala dhaxeeya dalkiisa Soomaaliya.

Danjire Taye waxa uu dalkiisa ku matalay safaaradaha Itoobiya ee Washington iyo Los Angeles iyo qunsuliyadaha Itoobiya ee Qaramada Midoobay iyo New York.

Danjire Taye ayaa soo noqday la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha dhanka siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo sidoo kale ahaa wasiirka arrimaha dibadda muddo sideed bilood ah ka hor inta aan loo magacaabin madaxweynaha.

Khasaare xooggan oo ka dhashay gantaallo ay isweydaarsadeen Israel iyo Xizbullah

0

Beirut (Caasimada Online) – Sannad kaddib marki uu billowday dagaalka Gaza, ee hadda ku sii fiday Lubnan, ayay Xisbullah iyo Isra’il Isniinti shalay is weydaarteen madaafiic cusub.

Xisbullah ayaa gantaallo ku duqeysay magaalada saddexaad ee ugu weyn Isra’il ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay madaafiicdaasi.

Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Isra’il Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen in gantaalladi ay ku dhaawacmeen.

Waxay kaloo sheegeen in koofurta Lubnan shalay looga dilay laba askari, taasi oo tirada askarta Isra’il looga dilay dagaalka Lubnan ka dhigeysa 11.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa iyaduna sheegtay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaannada xadka Lubnan iyo Isra’il lagu dilay tobnaan qof oo ay ku jiraan 10 ka mid ah shaqaalaha dab damiska.

Tan iyo markii ay Isra’il billowday duqeymaha iyo dagaalka ay ka waddo Lubnan, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in la dilay ilaa 2,000 oo ruux.

Golaha Wasiirrada oo kulan deg deg ah ku ansixiyey miisaaniyadda DF oo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirkaan ayaa caawa cod loogu qaaday ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311, waxaana lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kororka miisaaniyadda marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Daawo: Rooble oo farriin u diray madaxda dalka “Yaan loo noqon jidkii 2-da indhood na tiri lahaa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay heshiiskii maanta lagu saxiixay dhismaha dekedda Hobyo ayaa farriin u diray madaxda Soomaaliya, isagoo aan kala reebin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Rooble ayaa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada dalkaan, una istaagaan hormarintiisa.

“Waxaa idin sugaya shacab Soomaaliyeed oo u diyaarsan inay mustqabalkooda dhistaan, danta guud mar kasta ka hormariya dantiina gaarka ah,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay in dib loogu noqdo wadadii Soomaali ku kala tagtay ee horay loo soo arkay, isagoo tilmaamay dhibaatada ku dhici karta qofkii dib u dhac ka shaqeeya.

“Wadadii shalay isha lagu soo belay yaan dib loogu noqon, waxaad ogaataan qofkii wadadaas ku noqda labada indhood ayuu beelayaa,” ayuu maanta yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalka R/Wasaare hore Rooble ayaa ku soo aadaya xilli madaxda Soomaaliya uu shir xasaasi ah muddo toddobaad ku dhow uga socdo madaxtooyada qaranka, iyagoo ku heshii la’ halka loo jiheynayo masiirka dalka, gaar ahaan hanaanka ay u dhacayaan doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo shirka isaga tagay ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, waxaana muuqata in siyaasadda dalka ay cakiran tahay, waxaana laga warsugayaa waxa ka soo bixi doona shirka golaha wadatashiga qaranka ee weli socda.

Rooble ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo, taasi oo kulmisay Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaano, Wasiirro, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.

Muddo 45 cisho ah ayaa la go’aamiyey in lagu bilaabo dhismaha dekedda Hobyo, waxaana dhisaya oo qandaraaska qaatay labo shirkadood oo Soomaali iyo Turki ay kala leeyihiin.

Kharashka ku baxaya dhismaha dekedaas waxaa maanta laga sheegay madasha in la hayo 70% halka inta kale la rijeynayo inay soo uruurto inta uu socdo dhismaha dekedaas.

Hoos ka daawo

Heshiiska dhismaha dekadda Hobyo oo maanta lagu saxiixay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa lagu saxiixay heshiiska dhismaha dekadda Hobyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa, iyadoo goobjoog ka ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ka qeyb-galay mudanayal ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa madasha ka sheegay in dhismaha dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, ayna dowladdiisa ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Qoor-Qoor ayaa horey u asteeyay goobta laga loo asteeyay dekadda Hobyo, isagoo markaas amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn dhulkii hore loo deegaamayay.

“Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Si kastaba, dhismaha dekadda Hobyo ayaa muhiimad gaar ah u leh reer Galmudug, oo ayagu muddo ku taamayey inay heleen dekad casri ah, taas oo kor u qaadeysa kobaca dhaqaale ee deegaanada maamulkaasi.

ISLOW oo farriin culus u direy madaxweyne Xasan, baraarujiyeyna reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in la gaaray xilligii dadka gobolka Banaadir ay aayahppda ka tashan lahaayeen, isagoo farriin culusna u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Islow ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu usoo jeesto sidii gobolka Banaadir u yeelan lahaa gole deegaan iyo maamul la mida maamullada kale ee dalka ka jira.

“Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda dastuuriga ah uga tanaasuleen dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Islow oo sidoo kale tilmaamay in reer Muqdisho ay yihiin canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda federaalka dhaqaalaha ka hesho.

Hoos ka aqriso qoraalka Islow

TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA IYO DADWEYNAHA GOBOLKA BANAADIR

Waxaa la gaaray xilligii ay dadka Gobolka Banaadir aayahooda ka tashan lahaayeen oo ay heli lahaayeen Madax iyo Maamul iyaga metala oo ay soo doorteen.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud waxaan ugu baaqayaa inuu u soo jeesto sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Gole Degaan iyo Maamul la mida maamullada kale.

Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda Dastuuriga ah uga tanaasuleen Dowladnimada Soomaaliya. Waa xaruntii Dowladda, waana canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda Federaalka dhaqaalaha ka hesho.

Sidoo kale waxaan Xildhibannaada, Odayaasha, Mas’uuliyiinta iyo Qeybaha Bulshada ugu yeerayaa inay bilaabaan wadatashiyo ku saabsan sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Maamul Goboleed ay leeyihiin.

Mahadsanidiin

Xogta dhul-gariir culus oo ka dhacay Addis Ababa iyo qeybo kale oo Itoobiya ah

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4.9 magnitude ayaa fiidnimadii xalay laga dareemay deegaanka Awash Fentale ee dalka Itoobiya.

Machadka arrimaha hawada ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa xaqiijiyay arrintan oo warsaxaafadeed uu soo saaray u qeybiyay warbaahinta gudaha.

Barta internet-ka ee rasmiga ah ee Mareykanka ee arrimaha dhulgariirka ayaa ku dhawaaqday in dhulgariir dhexdhexaad ah uu sidoo kale ka dhacay deegaanka Methara.

Abbaaro 2:10 pm, dad badan oo deggan magaalooyinka Addis Ababa iyo Adama ayaa baraha bulshada ku wadaagayay waxa ay dareemeen marka dhulgariirku dhacay.

Sida laga soo xigtay barta internet-ka ee Mareykanka, dhulgariirka ayaa dhacay abbaaro 2pm xilliga gudaha.

Barta ayaa sheegtay in dhulgariirka oo ka dhacay meel 30 kilo mitir u jirta magaalada Mehtahara laga dareemay meel ka fog 380 kilo mitir. Wuxuu sheegay in xawaaraha uu ahaa 0.48 seken.

Dhulgariirka ayaa gaar ahaan laga dareemay xaafado badan oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dadka deegaanka ee Hayat, CMC, Bole Arabsa, Ka Abado iyo qeybo kale ayaa iyagana sheegay inay dareemeen dhulgariirka.

Sawirrada dhulgariirka ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxayna muujinayaan dad badan oo guryahooda isaga baxaya iyagoo naxsan isla markaana waddooyinka isugu yimid.

Barta Crisis24 ayaa ku warrantay in dhulgariirka laga dareemay bartamaha Itoobiya.

Baraha internet-ka ee korjoogteeya arrimaha dhulgariirka ayaa sheegay in dhulgariirka uu ka dhacay meel 23 kiilo mitir u jirta deegaanka Awash, waxayna intaa raaciyeen inuu ahaa mid dhexdhexaad ah.

Dhanka kale barta kale ee arrimaha hdulgariirka ee Jaamacadda Berkeley ee Mareykanka ayaa ku warrantay in dhulgariir 4.5 laga soo sheegay 30-kii September qeybo Yurub ka tirsan.

Dr. Elias Levi, madaxa machadka arrimaha dhulgariirka ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dhulgariirka uusan khatar ku ahayn dadka deegaanka.

Khabiirka ayaa intaa raaciyay in dhulgariirka ka dhacay deegaanka Awash laga dareemay qeybo ka mid ah Addis Ababa.

Wuxuu intaa raaciyay in dhowaan uu dhulgariir ka dhacay gobolka Cafar ee dalkaasi Itoobiya.

Wax khasaaro ah amaba waxyeello gaartay guryaha lama sheegin taasoo ka dhalatay dhulgariirkii xalay.

Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo xiray kaabayaasha gaadiidka ee halka uu dhulgariirku ka dhacay si baaritaan loogu sameeyo.

Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in xannibaad ku meel gaar ah lagu sameyn doono isu socodka gaadiidka, balse si degdeg ah loo fasixi doono haddii aysan jirin wax waxyeello ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee dhowaan uu dhulgariir ka dhaco qeybo ka mid ah Itoobiya.

Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 uu xilli fiidnimo ah ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo xilligaasi la soo sheegay.

Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga.

Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka.

Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea.

Isha: BBC

Fahad: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u furan inuu kala doorto saddex kala daran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligaan u furan tahay saddex kala daran midkood.

Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu marxalada siyaasadeed uu kaga bixi karo inuu talada dhulka dhigay, uuna cid walbana uu la tashado, ama uu lasoo heshiiyo Saciid Deni intuu Garoowe ka dago.

“Odayga (Xasan Sheekh) haddii ay ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad;

Madaxweyne Xasan Sheekh saddex kala daran inuu kala doorto unbaa u furan;

1. Inuu Garowe ka dago oo uu Saciid Dani kusoo qanciyo ajandihiisa siyaadadeed.

2. Inuu Abu Dhabi ka dago oo uu sifiican isku dhiibo, uguna dhaarto inuu labada kale ka baarisan yahay.

3. Inuu galabta shir jaraa’id ku qabto Villada oo ku dhawaaqo inuu talada dhulka dhigay, cid walbana uu la tashanayo.

Saddexdaas haday Odayga ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay.

Cali Maxamed Geedi oo si weyn u taageeray qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geeddi oo u warramay warbaahinta qaranka ayaa si weyn u taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo horleh.

Geeddi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna aad u boggaadiyay dadaalka uu gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugaayeen inay codadkooda dhiintaan, si ay u doortaa hoggaankooda, taas oo ah fursad muhiim ah.

“Waan la socdaa in dowladda ay dadaal badan ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waana waxa umadda Soomaaliyeed si wayn u sugeysay mudda kabadan 50-sano.,shacabkuna soo doortaan cidda hogaamineyso waana arin fiican in awooda shacbka loo celiyo” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cali Maxamed Geedi.

Waxaa kale oo uu farriin u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay u turaan dadkooda, ayna raacaan rabitaankooda.

“Golaha wadtashiga iyaga ayaa kal hore ku heshiiya doorasha qof iyo cod ah hadan in siyaasiyiinta qaar ka horyimadaan waxa ay shalay ay noo sheegeen waxa laga filayay ma ahan, balsa waxaan kula talin lahaa in loo tanaasulo dalka iyo dadka”. ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay tilmaamay muhiimadda ay leedahay doorashada shacabka loo celiyo too abuureyso kalsooni buuxda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay dadaallada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah garab wayn lagu siiyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la’isku mari waayay arrinta doorashada, waxayna taasi keentay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu isaga baxao madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalo xeebeedka Kismaayo.

Aadan Madoobe oo looga yeeray Imaaraadka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u baxay safar dibadeed, isaga oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, sida lagu shegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta”

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee Imaaraadka, wuxuuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha soo kordhay.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu joogo waddanka Isu tega Imaaraadka waxa uu madaxda dalkaasi, kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal.

Safarka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu kusoo aadayaa, xilli ay haatan taagan tahy xiisad siyaasadeed oo xoogleh, kadib markii uu sii kordhay khilaafka ka jira gudaha dalka.

Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee saameynta ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale taageeraa dowladda federaalka.

 

Shariif, Khayre iyo CC oo la saftay Axmed Madoobe, kana digay qorshaha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran, ayaga oo ka digay in lagu dhawaaqo muddo kororsi horleh oo dalka ka abuuri karo jahwareer siyaasadeeed.

Saddexdan siyaasi oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu ku dhowaaqo muddo kororsi, waxayna shaaciyeen in aanay marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ku marmar siyoonayo doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay muddo kororsi oo kaliya

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lasii raaciyay

“Dowladnimada waxaa aasaas u ah ku dhaqanka dastuurka iyo sharciga, xilalka siyaasadeedna waxaa sal u ah sharciyad. Waxaan si adag u diiddannahay muddokordhinta uu Madaxweynuhu ku qasbayo madaxda dowlad-goboleedyada ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, taas oo uu kaga beddelanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga ay xilhayntiisu dhammaato 15ka May 2026”.

Sidoo kale waxa ay Shariif Sheekh Axmed, Xassan Cali Kheyre iyo  Cabdiraxmaan Cabdishakuur boggaadiyeen talaabada uu qaadat madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuna diiday qorshaha muddo kororsi.

Waxaa kale  oo ay ugu baaqeen Laftagareen, QoorQoor iyo Cali Guudlaawe in ay ka fiirsadaan tallaabada ay qaadayaan, si aysan qayb uga noqon muddo kororsiga.

Arrintan kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah isla markaana kaga war sugayo go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay shir kulahaa  magaalada Muqdisho, kaas oo uu ajendihiisa ugu wayn uu ahaa doorashooyinka dalka.

 

Xog: Golaha Wasiirada oo yeelanaya kulan aan caadi ahayn iyo arrimo xasaasi ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in caawa ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.

Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in kulankan warbixino kala duwan looga dhageysan doono qaar kamid ah golaha wasiirada, sida wasiirka arrimaha dibadda oo faah-faahinayo shirarkii ugu dambeeyay uu kasoo qayb-galay iyo waxa u qabsoomay.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa warbixin xasaasi ah la wadaagi doono golaha Wasiirrada, taas oo uu uga hadli doono guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada socda ee la xiriira mustaqbalka howlgalka ATMIS.

Golaha wasiirad ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaray awaamiir cusub oo la farayo inay la socdaan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, shirkan loogu yeeray golaha wasiirada ayaa kusoo aadayo, ayada oo xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, isla markaana uu fashil ku dhowyahay shirkii golaha watashiga qaran ee ka socday Villa Soomaaliya, maadaama uu ka baxay Axmed Madoobe.