25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bariga Dhexe

Gaza (Caasimada Online) – Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza.

Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib.

Aqalka Cad ee Mareykanka aya isna Arbacadi xaqiijiyay, in madaxweyne Joe Biden uu khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, marki ugu horreysay tan iyo muddo 7 asbuuc ah.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay jawaabta ay Isra’il rabto in ay ka bixiso weerarki dhawaan uga yimid Iran. Wadahadalka oo qaatay muddo 30 daqiiqo ah ayaanan laga bixin faah-faahin kale oo dheeraad ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Eritrea ku tegay safar ka duwan kuwii hore – Maxaa socda?

0

Asmara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho shaqo oo rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay.

Arrimaha miiska saaran ee safarkaan uu ku saabsan yahay waa sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan ayaa safaradii hore u tegi jiray ciidamada Soomaaliya ee dalkaas tababarku uga socdo.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi, waana markii ugu horeysay oo masuul xil haya uu Xasan Sheekh u watay dalka Eritrea oo 7 jeer uu tegay intii uu xilka hayey.

Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin dalka Eritrea wuxuu tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo saldhig military uu ku leeyahay Mareykanka oo tababara ciidamada Danab ee xoogg dalka, wuxuuna tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeeno iyo askar cusub oo Danab ku biirtay.

Xogta Duuliye Turkish ah oo si kedis ah u geeriyooday diyaaradda oo hawada ku jirta

0

New York (Caasimada Online) – Duuliye diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa geeriyooday, kadib markii uu xanuunsaday, iyadoo diyaaradu hawada ku jirto.

Kabtaan Ilcehin Pehlivan oo 59 jir ahaa ayaa markii uu xanuunku ku soo booday waxaa diyaaradda la wareegay duuliyihii labaad iyo caawiyaha sida uu sheegay afhayeen u hadlay diyaaradda oo barta X soo dhigay qoraalka lagu xaqiijiyey geerida.

“Markii uu shaqeyn waayay gargaarkii degdeg ee duuliyaha la siiyay ayey shaqaalaha diyaaradda go’aansadeen in ay deg deg u dagaan, wuxuuna geeriyooday duuliyaha inta aysan degin diyaaradda” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Diyaaradda oo ah Airbus A350 waxay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana la qorsheynayaa in rakaabka la geeyo Turkiga.

Diyaaradu markii ay soo gashay dhulka Nunavut ee hawada Canada ayuu duuliyaha xanuunsaday, sida lau sheegay warbixinta.

Sababta keentay geerida duuliyaha ayaan weli sheegin, duulimaadkaas Seattle ayaa ku sii jeeday dalka Turkiga.

Duuliyayaasha waxay maraan baaris caafimaad 12-kii biloodba mar, iyadoo kuwa da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano ay maraan baaris caafimaad lixdii bilood hal mar.

Waxay noqotay geeri deg deg ah oo halis gelisay walwalna ku abuurtay rakaabkii diyaaradda, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta geerida duuliyaha.

Maxaa xiga mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Aqalka Hoose ee baarlamaanka Kenya ayaa shalay u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, kadib markii lagu soo oogay eedo ay kamid yihiin musuq-maasuq iyo in uu abuuray naceyb dhinaca isirka ah.

Codka baarlamaanka ay ku ogolaadeen xilka qaadistiisa ayaa waddada u xaaraysa in aqalka senate-ka uu u fariisto mooshin uu ku eegayo xil ka xayuubintiisa ugu danbeysa.

Tan ayaa timid kadib muddo la sheegay inuu khilaaf u dhaxeeyey madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxweyne William Ruto.

Gachagua oo noqonayaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee xilka laga xayuubiyo tan iyo markii wax ka bedelis lagu sameeyay dastuurka Kenya ee 2010-kii, ayaa waxa uu kiiskiisa u gudbi doona Aqalka Sare ee dalka Kenya.

Aqalka Sare ee dalkaas oo ka kooban 67 xubnood ayaa awood u leh “inay ayidi karaan go’aanka Aqalka Hoose ama ay diidi karaan.”

Si kastaba, xil ka qaadista ku xigeenka madaxweynha Kenya ayaa loo cugsaday eedeymo la xiriira inuu si sharci darro ah ku aruursaday hanti lagu qiimeeyay 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah, ama $40.3 milyan, labadii sano ee u dambeysay.

Gachagua oo 59 jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu wiiqay shaqooyinka xukuumadda, uuna ku lug lahaa xasarado ku salaysnaa kala qaybinta qowmiyadaha dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay Eritrea + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin magaalada Asmara ee dalka Eritrea tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa markii uu tegay xerada salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugan xeradaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay Balidoogle, isaga oo tababarka usoo xiray ciidamadaas oo kamid noqonayo kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono howlgallada haatan socda ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, kauwaas oo ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay xerada Balidoogle kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono taageerada dowladdooda ay siiso Soomaaliya.

Daawo: Xaafad ka mid ah Muqdisho oo maanta gubatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay xaafad ku taalla Carwada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo wayn

Dabka oo ka billowday kaalin shidaal ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaaasi , sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa dad shacab ah, iyada dukaamo iyo mootooyin nooca Bajaajta ay gubteen.

Axmed Khaliif oo kamid ah dadka ku hanti beelay dabkan ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha, wuxuuna sheegay in 9 qol iyo Bajaaj ay ka gubatay.

“Meeshaan 9 qol ayaa iiga dhisneyd hal shayna iima badbaadin, sidoo kale mooto Bajaaj ayaa iga gubatay, marka musiibaadaas ayaa igu dhacday” ayuu yiri Axmed Khaliif.

Dabka ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay, waxaana soo gaaray gaadiidka dab damiska oo dadaal dheeraad ah sameeyay, si loo xakameeyo dabkaasi.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Puntland oo diiday qorshe ay DF Soomaaliya ciidan uga qoraneyso deegaanadeeda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa diiday qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay inay ciidamo uga qorato deegaanada maamulkaasi, si ay uga howlgalaan halkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Puntland ay ka hortimid in ciidamo laga qoro deegaanadeeda, kuwaas oo kamid noqonayo Xoogga dalka, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish.

“Ciidanka qaranka ee loogu talagalay in deegaanada Puntland laga qoro waxaa diiday Puntland, iyada oo u diiday inay galaan ciidanka qaranka oo ay kamid noqdaan” ayu yiri.

Al-Cadaala ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland in ay siyaasadeeyeen arrimaha ciidamada, isaga oo ku dooday in ciidanka la qorayo ay yihiin qaybta 54-aad ee loogu talagalay inay ka howlgalaan deegaanadaas, si lamid ah guutooyinka Xoogga dalka ee jooga Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

“Hadda marka aan kula hadlaayo guutooyinkii loogu talagalay inay 54-aad ka howlgalaan deegaanadaas in maamulka Puntland uu hortaagan yahay oo sida 43-aad ay Kismaayo u joogto oo 60-aad ay Baydhaba u joogto ciidankii loogu talagalay Puntland inay ka howlgalaan waxaa hortagaan maamulka” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta tabashada Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in la xallin doono cabasho kasta, balse loo baahan yahay in horay loo sii wado dowladnimada dalka.

“Ma dhici doonto in qof Soomaaliyeed aan la tixgelin oo aan la dhageysan ma dhaceyso horay ayay Puntland go’aanno aan munaasab ahayn u qaadatay waa lala fariistay waa la xalliyay, maantana intii kama duwana, waana lala fariisanaa” ayuu yiri Al-Cadaala.

Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxaana hakad galay wada shaqeyntii labada dhinac.

Maxaadan ogeyn oo Xizbullah maanta ku sameysay Israel?

0

Beirut (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Xizbullah ayaa maanta ah gantaallo ku weeraray Israel, ayaga oo sidoo kale sheegay inay fashiliyeen duullaan dhulka ah maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka digay in Lubnaan ay wajihi karto burbur la mid ah midka Gaza.

Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu Arbacada maanta ah kala hadlo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden jawaabtii ay Israel ka bixin laheyd weerarkii gantaallada ee Iran ee asbuucii hore, sida ay ku warrantay warbaahinta Axios ee Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah.

Xizbullah ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen laba isku day oo ay Israel ku doonaysay in ay ku soo jebiso xuduudda, iyada oo adeegsatay gantaallada riddada dheer iyo in ay dagaal dhulka ah la gashay askarta Israel.

Israel waxay sheegtay in difaaceeda cirka ay ka hortageen laba gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan, ayada oo sayrinka digniinta laga maqlay aagga Caesarea, ee koonfurta Haifa.

Talaadadii, milatariga wuxuu sheegay in Xizbullah ay 180 gantaal ku soo rideen Israel, gaar ahaan agagaarka Haifa, iyadoo Israel ay kordhisay duullaanka dhulka ee ay ka waddo xeebta koonfureed ee Lubnaan.

Digniinta culus ee Netanyahu ayaa timid sanad iyo maalin kadib markii Israel ay billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Xamas ee ay xulufada yihiin Xizbullah.

“Waxaad haysataa fursad aad ku badbaadiso Lubnaan ka hor inta aysan ku dhicin godka dagaal dheer oo horseedi doona burbur iyo silic la mid ah midka aan ku aragno Gaza,” ayuu ku yiri khudbad muuqaal ah.

“Waxaan idin leeyahay dadka reer Lubnaanow, dalkiinna ka xoreeya Xizbullah si dagaalkan loo soo afjaro,” ayuu yiri.

Iyadoo Israel ay Xamas kula dagaalameyso Gaza, waxa ay sidoo kale dooneysaa in ay sugto xuduudda waqooyi si ay ugu ogolaato tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay dagaalka xuduudda inay ku soo laabtaan guryahooda.

Xamas iyo Xizbullah ayaa labadaba wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda, iyadoo ku xigeenka hogaamiyaha Xizbullah Naciim Qasem uu Talaadadii sheegay in kooxdu ay mid aan suurta-gal aheyn ka dhigi doonto in Israa’iiliyiinta ay ku soo laabtaan woqooyiga.

Israel ayaa xoojisay duqeymaha ka dhanka ah meelaha ay ku xoogan yihiin Xizbullah ee Lubnaan tan iyo 23-kii September, taasi oo horseeday dhimashada 1,150 qof, kuna qasabtay in ka badna milyan in ay qaxaan.

Inta badan weeraradeeda ayaa lagu bartilmaameedsaday koonfurta iyo bariga Lubnaan, iyo sidoo kale koonfurta Beirut.

Milatariga Israel ayaa sheegay Talaadadii in ay ballaarinayaan weerarkooda.

Xizbullah ayaa sheegtay in ay dib u celisay ciidamada Israel oo “ka soo galay gadaasha” meel ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee tuulada Labboune ee koonfurta xuduudda.

Ku xigeenka hogaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay in inkasta oo Israel ay duqaymo “xanuun leh” ku garaacday, haddana hoggaanka kooxdu uu nidaamsan yahay, awooddooda ciidanna ay “wanaagsan tahay”.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ciidan cusub tababar ugu soo xiray xerada Balidoogle

0

Afgooye (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta gaaray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa marka uu tegay xerada salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugan xeradaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay Balidoogle, isaga oo tababarka usoo xiray ciidamadaas oo kamid noqonayo kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono howlgallada haatan socda ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, kauwaas oo ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay xerada Balidoogle kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono taageerada dowladdooda ay siiso Soomaaliya.

Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle.

Cali GUUDLAAWE oo lagu eedeeyay arrin yaab leh oo ka taagan HirShabeelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Duqii hore ee magaalada Beledweyne Cali Sandheere oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda HirShabelle oo todobaadkan u dabaal-degtay sanad guuradeed sideedaad.

Cali Sandheere ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday maamulka uu hoggaamiyao madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ku eedeeyay inuu la dagay horumarkii HirShabelle oo uu tilmaamay inay ka hartay maamulladii kale ee asaaga la’ahaa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa HirShabelle aysan lahayn madaxtooyo ay maanta ku shiri karaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay,

“HirShabelle waa la socotaa madaxtooyo lama dhisin ma aragtay weli maamul goboleedyada oo ku shiraayo” ayuu yiri duqii hore ee magaalada Beledweyne.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wasiirada HirShabelle aysan lahayn meelo ay ku shiraan, isla markaana ay isugu tegaan geedaha hoostooda.

Golaha wasiirada HirShabelle meel ay ku shiraan ma laha waxay isugu yimaadaan meel yar oo geedo hoostood ah, sababtana waxaa waayey waa maamul xumo” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, Cali Sandheere ayaa ku eedeeyay madaxda HirShabelle inay hortaagan yihiin mashaariic muhiim ah oo laga hirgelin lahaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sababtuna ay tahay maamul xumo dartood.

“Hay’adaha waxay jecel yihiin inay mashaariicda ka fuliyaan HirShabelle, haddana waxaa laga fulin waayay waa maamul xumo, wuxuu noqoyay fadhiid, ma jiro illaa iyo hadda hal mashruuc oo wax ku ool ah oo fulay illaa iyo hadda” ayuu mar kale yiri Cali Sandheere.

Soomaaliya oo digniintii ugu dambeysay ee hiishiiska badda siisay ITOOBIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay oo la xiriirta heshiiska badda siisay dowladda Itoobiya, si ay uga laabato.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqti badan dowladda federaalka ay siisay Itoobiya, balse aanu sameyn wax isbeddal ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan la gaaray muddadii kama dambeys ahayd.

La-taliyaha amniga qaranka oo la hadlay Wargeyska The New Humanitaria ayaa xusay in Itoobiya ay u qabanayaan ugu dambeyn inay heshiiska Somaliland uga baxdo inta lagu guda jiro bishaan October ee sanadkaan 2024-ka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray  in sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ay ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan heshiiska badda ee Somaliland.

“Waxaan isku daynay inaan siino waqtiga ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin waxaan u maleynayaa inay hadda soo dhowaaneyso ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalkeenna” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay weli ku socoto gardaro iyo boobka ka dhan Soomaaliya, kaas oo ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli weli halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiis Abiy uu horraantii sanadkan la galay Muuse Biixi.

Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda taagan, waxaana lagu beddali doono ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalayo ATMIS, marka ay baxaan dhammaadka sanadkaan.

Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidamada DF ee degmada Ceelwaaq

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Weerarka oo aha mid xoogan ayaa lagu eekeeyay saldhigga, waxaana kadib xigtay rasaas ay u jawaabeen ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga, kadibna uu xigay iska hor imaad kooban.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in aanu jirin khasaare soo gaaray ciidamada, isla markaana ay ka feejignaayeen weerarka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ma shaacin Al-Shabaab khasaare uu gaystay weerarkooda, balse waxa ay tilmaameen inay beegsadeen saldhig ay ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin halkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.

FBI-da Mareykanka oo xiray nin reer Afghani ah oo qorsheynayay weerar culus

0

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay Talaadadii shalay inay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish.

Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November.

Sida ay sheegtay wasaaradda cadaaladda Mareykanka ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magacaaba Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir.

Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto.

Waxay sheegeen inuu dalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu Tikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan.

Sida ay sheegtay waaxda cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray kadib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka.

Xog: Madaxweyne XASAN oo tegaya xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqan doono xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle, halkaas oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Danab.

Lama shaacin ujeedka safarka madaxweynaha ee Balidoogle, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in halkaas uu kula kulmi doono saraakiisha Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada ciidanka Xoogga.

Sidoo kale warar kale oo madax bannaan ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu ka qayb-galayo munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay xerada Balidoogle, kuwaas oo kamid noqonayo kumaandooska ee Danab.

Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle.

BOOLISKA oo soo saaray awaamiir culus oo ku socota reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo ku socota shacabka magaalada Muqdisho, taas oo la faray inay dhaqan-geliyaan ciidamada ammaanka qaybahooda kala duwan.

Booliska oo ka duulayo go’aankii wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada ayaa sheegay in mamnuucayin dalka laga soo dejiyo lagana ganacsado bacaha, si loo ilaaliyo deegaanka.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo faah-faahiyay awaamiirtan ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu helo inay ka ganacsaneyso bacda ama isticmaaleyso.

“Cidii lagu arko bac am aka ganacsaneyso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag hadda kadib bacaha waa mamnuuc” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu u digay kooxaha ciyaal weerada ee mar kale kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Booliska uu ka qaado doono tallaabo sharci ah.

“Ciddii lagu arko iyada oo falal ciyaal weero ah ku dhaqaaqeysa, dadka dhibaateyneyso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri mar kale afhayeenku

Booliska ayaa sidoo kale mamnuucay baabuurta lagu baakiyo meelaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, taas oo ay ka dhalato cabsi la xiriirta ammaanka.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho howlgallo amni xaqiijin ah ka waday Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ujeedkooda uu ahaa ka hortega amni darrada.

ITOOBIYA oo war culus kasoo saartay hubka ay soo gelisay Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Itoobiya Jeneraal Birhanu Jula Gelalcha oo mar kale soo hadlay ayaa u jawaabay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ku eedeeyay in Itoobiya ay hub soo gelisay Soomaaliya.

Jeneraal Birhanu Jula ganafka ku dhuftay eedeynta uga timid dowladda Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray in Itoobiya ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada difaaca oo hadalka sii wata ayaa ku hanjabay haddii ay sii socdaan hadallada ka imaanaya Soomaaliya in Itoobiya ay qaadi doonto tallaabooyin kale oo dheeraad ah.

“Hadda Itoobiya hub sharci ah ma gelin Soomaaliya, laakiin haddii hadallada noocaas ah ay sii socdaan waxaa dhici karto in Itoobiya ay qaado tallaabooyin kale oo aan ahayn hubka nalagu eedeynayo” ayuu yiri Jeneraal Birhanu Jula.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor madaxweyne Xasan Sheekh uu Itoobiya ku eedeeyay inay hub soo gelisay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejisay maleeshiyaad qabaa’il gudaha ah, si ay uga dhex faa’iideysato coladdaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo ku eedeeyay inay qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi.

Si kastaba, eedeymaha labada dal ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay maamulka Somaliland.

Sirdoonka UK oo ka digaya shirqoollo ay Iran ka dhex wado gudaha dalkooda

0

London (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka ee dowladda Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay “qalalaaso joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub”, sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Ken McCallum oo bixiyay warbixintiisa sanadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin “gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laheyn oo siyaado lahayd” oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska, kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka.

MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah.

Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay “gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa jiray “aaminaad iyo fikrado kala duwan oo aad u qaab daran” oo ay noqotay in MI5 ay wax ka qabato, ayuu ku sheegay warbixin kooban oo uu ku bixiayay xarunta MI5 ee hawlgallada ka hortagga argagixisada ee ku taalla London.

“20-kii sano ee ugu horeysay ee shaqadeyda halkan waxaa jiray hanjabaado argagixisanimo. Hadda waxaan wajahaynaa kuwa ay barbar socdaan shirqoollo ay dowladdu taageeriyaan iyo cuuryaamino,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Kaalinta hogaamineed ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay “waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin” iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska, ayuu si ka digitaan ah u yiri.

Heerka khatarta argagixisanimada ee Ingiriiska ee hadda waa mid sare – taasoo la micno ah in ay suurtogal tahay in weeraro dhacaan.

In ka badan 750 dublamaasiyiin Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine, isagoo sheegay in “intooda badan” ay ahaayeen basaasiin, sida uu yiri McCallum.

Golaha wadatashiga oo yeeshay shir ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe iyo DENI + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sii wada kulamadooda, xilli uu shirka isaga baxay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo si wayn uga biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka maanta ay yeesheen golaha ayaa ka dhacay guriga ra’iisul wasaare Xamza, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, duqa Muqdisho, madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug,

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka ahaa shirarka weli u socdo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan ay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen hoyga Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamae Cabdi Barre oo qado sharaf ku maamuusay xubnaha Golaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Inkastoo shirka uu ka baxay Axmed Madoobe, horana ay uga maqneyd Puntland ayaa waxaa xalay ra’iisul wasaare Xamza oo qabtay shir jaraa’id uu sheegay in uu sii soconayo shirka, lagana soo saari doono go’aanno iyo war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay.

“Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin,” ayuu xalay yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horu socodka, kuna taageeraan dowladda Soomaaliya in aan dib loo noqon oo laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarista kooxda Al-Shabaab.

“Maanta meesha mareyno waa meel wanaagsan, waxaana naga go’an in aan hore u socono oo dalka horumarino. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku taageeraan dowladda Soomaaliyeed dagaalka Khawaarijta si aan dalkeenna ugu noolaano karaamo iyo xoriyad.”

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay laba bartilmaameed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo culus oo maanta ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee maamullada Galgaduud iyo HirShabelle.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, isla markaana lagu dilay illaa 32 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalka labaad ayaa ka dhacay taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 27 kale.

Waxaa kale oo howlgalladan lagu burburiyay fariisimo ay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada ay ka dhaceen howlgalladu.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Muqdisho, October 08, 2024: ilaa iyo 59 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka   oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagar-qabe ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagar-qabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu cadowgu isku aruursanayay.

Hawlgalada bartimaameedka ah ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa la kordhiyay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si wayn cadowga loogu naafeeyay.

War cusub oo kasoo kordhay arrinta SSC-Khaatumo iyo DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrinta dhismaha SSC-Khaatumo ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu garab siin waayay dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka libin dhacday hoggaanka iyo shacabka deegaamada SSC-Khaatumo, isaga oo uu tilmaamay in loo tixgelin waayey jacaylkii ay u qabeen dalkooda, ayna u goyn weysay ka qaybgalka shirarka Muqdisho.

“Madaxda SSC oo lahaa Xasanow waanu ku jecelnahay xitaa waa la tixgalin waayay jacaylkoodii oo ku hungoobeen Xamar” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad.

Horay SSC oo war-saxaafadeed usoo saartay ayaa garnaqsatay, waxayan farriin u dirtay golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka Khaatumo waxaa sidoo kale lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan.

“Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka SSC-Khaatumo.