25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Qaraxyo laga digay in 48-ka saac ee socda ay ku soo wajahan yihiin magalaada…

Beledweyne (Caasimada Online) – Laamaha amniga Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka digay qaraxyo ka dhici kara magaalada oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab 48-ka saac oo soo socda.

Waxaa heegan xooggan la geliyey ciidamada amniga, ayada oo sidoo kale la adkeeyey baaritaanada amni, si looga hortagi qaraxyadan oo xogtooda la helay.

Meelaha laga digay waxaa mid ah; xaruumaha maamulka iyo goobaha bulshada isugu timaado, sida laga soo xigtay laamaha amniga Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo ka fulisay magaalada, ayada oo Beledweyne ay tahay magaalada labaad ee maleeshiyadan ay ugu beegsi badan tahay kadib caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qaraxii ugu dambeeyey ayaa dhacay dhammaadkii June, waxaana lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda. Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay. Markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka.

Cabsida laga qabo qaraxyada iyo xaaladda amni ee Beledweyne ka jirta ayaa ku soo aadeysa ayada oo khilaaf iyo is-qab-qabsi maamul oo xooggan uu ka jiro magaalada, oo ay isku hayaan maamulka HirShabeelle iyo mid la baxay Hiiraan State.

Waxaa sidoo kale khilaaf uu ka sii dhex qarxay xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhaxdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada.

Sawirro: Xasan oo u tegay ciidamada lagu tababarayo dalka Eritrea, una sheegay….

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa dalka Eritrea ayaa wuxuu kormeer ku tegay xerada ay ku tababaranayaan ciidamada cirka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga dhageystay warbixinno kala duwan macallimiinta iyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamada, intaasi kadibna wuxuu la hadlay ciidamada uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo.

Sidoo kale wuxuu xusay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida.

Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa dhismaha ciidamada kala duwan ee xoogga dalka, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo weli ku xooggan deegaanada qaar.

Ciidamo gadoodsan oo qabsaday kantarolka waqooyi ee Gaalkacyo + Sababta

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa qabsaday kontaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay la wareegeen gacan ku haynteeda.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan, waxayna gebi ahaanba qabsadeen kontaroolka waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Waxaan cabasho ka nahay in aynaan muddo bilo ah naga maqan yahay mushaarkii iyo xuquudayadii,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan oo ka dalbaday dowladda in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqdooda.

Maamulka Puntland illaa hadda kama jawaabin gadoodka ciidankan oo salka ku haya cabasho mushaar la’aan billo ah oo maamulka Deni uga maqan tahay xuquuqdooda.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidan ka gadoodsan mushaar la’aan ay qaadan tallaabo noocaan ah, iyada oo la xasuusto in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada maamulka ay mar isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyada.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa weli dul hoganaya fashilka bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, oo ayagu billooyinka qaar aan helin wax xuquuq ah.

Soomaaliya dan ma ugu jirtaa isbaheysiga cusub ee Asmara?

Asmara (Caasimada Online) – Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerki iyo Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Asmara.

Bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa lagu sheegay in la isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Caasimada Online ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya.

Haddaba maxaa mideeyey saddexdan dal?

Dr. Cali Siciid Fiqi oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha diblomaasiyadda waxa uu qabaa in muhiimada kulanka ay la xiriirto “sidii looga hortagi lahaa damaca Abiy Axmed”.

“Labada dal waxay aaminsan yihiin dhibaatada gudaha ka haysato Abiy Axmed in uu u wareejinayo Soomaaliya ama Eritrea,” ayuu yiri.

Sidoo kale Soomaaliya waxay dooneysaa, sida uu sheegay, sidii ay uga hortagi laheyd in uusan dhicin “damac kasta oo Itoobiya ku dooneyso bad ay ka hesho dhulkeeda,” ayuu sii raaciyey.

“Soomaaliya waxay dooneyso waa in ay ka hortagto heshiiska isafgaradka iyo damaca itoobiya ay bad ku dooneyso.”

Dan ma ugu jirtaa Soomaaliya?

Dr. Cali Cabdi Baab waxa uu ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, waxa uuna qabaa in Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin shirkan saddax geesoodka ah.

“Soomaaliya dan muuqata oo ah mid dhaqaale ama mid amni oo ugu jirta heshiiskan nooma muuqato, Itoobiya waxay dhex joogtaa caloosha Soomaaliya, maamul goboleedyda qaar Itoobiya ayey heshiis la yihiin,” ayuu yiri.

Hadaba maxay tahay ujeedka ugu muhiimsan ay u shirayaan? Dr. Cali ayaa u arka in loo heshiinayo Itoobiya.

“Nuuxurka shirka waa iskaashi militari oo saddexda dal sameysteen ujeedkuna waa in lagu cadaadiyo dowladda Itoobiya,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga milateri ee Eritareya ay qaybta ka tahay laga yaabo inuu ka caraysiiyo Jabuuti oo weli xurguf xagga xuduudda ah ay kala dhaxayso Eritrea.

Mareykanka iyo Israel oo go’aan ka gaaray sida looga aarsan doono IRAN

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talogalay loo dhaca islamarkana la yaab leh”.

Yoav Gallant ayaa intaa ku daray in Tehran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhaceen – laakiin ay arki doonaan uun natiijada.

Erayadiisa kulul ayaa daba socday wada hadal dhanka teleefoonka oo si aad ah loo wada sugayay oo dhex maray madaxweyne Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa yeeshay wadahadlakan oo la rumeysan yahay inuu ahaa wadahadalkoodii ugu horreeyay muddo toddobaadyo.

Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Biden ayaa loo rumeysan yahay inay ka wadahadleen jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarkii gantaallada ee Iiraan toddobaadkii hore iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Bariga Dhexe.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay sidoo kale ku soo biirtay wadahadalka dhanka telefoonka ahaa muddo 30-daqiiqo ah.

Waxaa loo malaynayaa in wadahadalka uu daarnaa si Biden uu ugu qanciyo Israa’iil inay xaddiddo jawaabta ay ka bixinayso weerarka Iran. Iyadoo ka hadlayay shir jaraa’id, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad – Kariin Joon-Pia – ayaa sheegtay in wadahadalku uu ahaa mid miro dhal ah:

Wax yar ka dib markii la soo gabagabeeyay kulankaas, wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in weerarkooda aargoosiga ah ee Iran uu noqon doono “mid adag oo aan khasaarihiisa la saadaalin karin.

“Ma fahmi doonaan waxa dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, keliya waxay arki doonaan natiijada,” ayuu yiri Gallant.

Dhinaca kale waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya Xisbullah iyo Israa’iil, iyadoo afar qof lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay tuulo Lubnaan ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee Sidon.

Magaalada yar ee Israa’iil ee Kiryat Shmona, lamaane ayaa lagu dilay gantaallo ay Xisbullah ka soo tuurtay Lubnaan.

Waxaana la sheegayaa inay yihiin shacabkii ugu horreeyay ee reer Israa’iil ah oo ku dhinta tan iyo markii uu dagaalka xudduudaha uu sii xoogeystay 12 maalmood ka hor.

Gantaallo ayaa sidoo kale lagu garaacay magaalada dekedda leh ee Haifa ee Israa’iil, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof.

Xisbullah ayaa labadii maalmood ee u danbeysay waxa ay bartilmaameed toos ah ka dhigteen magaalada dekedda leh ee Haifa oo ah magaalada seddexaad ee ugu wayn Israa’iil.

Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay fuliyeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay ku ku garaaceen magaalada Haifa.

Magaaladaan ayaa leh dekedda ugu weyn Israa’iil waxaana mararka qaarkood ku soo xirta ciidamada badda ee Mareykanka.

Haifa ayaa sidoo kale leh warshado kiimikooyinka iyo goobo lagu sifeeyo shidaalka, waana magaalo uhiim u ah Israa’iil.

Gantaalada lagu weeraro magaaladaan ayaa sababi kara dhibaatooyin ballaaran oo soo gaara xarumo kala duwan oo muhiim u ah Israa’iil.

Dhanka kale haddii la weeraro xarumaha sifeeya shidaalka iyo kuwa kiimikooyinka waxaa ka dhalan kara khatar ku timaadda dadka iyo deggen magaalada Haifa.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay in ka badan 1,100 weerar oo dhanka cirka ah tan iyo markii duullaankeeda dhulka ah uu ka billowday koonfurta Lubnaan 30-kii Sebtembar.

Duqeynta Israel ee Lubnaan waxaa ku barakacay boqolaal kun guud ahaan dalka. Dowladda Lubnaan waxay sheegtay in ku dhawaad 1.2 milyan ay gudaha dalka barakacayaal ku yihiin iyadoo dad ka badan 400,000 oo intooda badan ay Suuriyaan yihiin ay u qaxeen dalka dariska la ah ee Suuriya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in rubuc ka mid ah dadka Lubnaan ay Israel ku amartay in ay ka baxaan guryahooda iyadoo xaalada bani’aadannimo ay ka sii dareyso sida ay sheegeen hay’adaha OCHA iyo tan Qaramada Midoobay ee arrimaah bani’aadannimada.

Tuulooyin ka badan boqol oo ku yaal koonfurta Lubnaan ayaa dadka loo sheegay in ay ka baxaan.

Isha: BBC

Daawo: Bayaanka shirkii Asmara iyo qorshaha rasmiga ah ee Masar iyo Somalia

0

Asmara (Caasimada Online) – Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerk iyo Masar Cabdulfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, waxaana qoraal kooban ka soo saartay Villa Somalia.

Sidoo kale waxaa bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Caasimada Online ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya.

Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya.

Isbaheysigaan cusub ayaa qalqal hor leh ku abuuraya Itoobiyaanka, waxaana suurtagal ah in ay is dhibaan oo heshiis dalbadan, maadaama isbaheysigaan oo khatar ku yahay jiritaanka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa leh doorka ugu weyn ee isbaheysigaan, waxaana muhiim ka dhigaya istaraatiijiga dhulka iyo galaangalka guuleystay ee dowladda Soomaaliya ay soo bilowday markii Muuse Biixi uu si sharci darro ah deked iyo dhul badan oo beriga ah ugu saxiixay Itoobiya.

Axmed Madoobe oo isugu yeeray golihiisa wasiirrada, lana wadaagay go’aankiisa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland oo looga hadlay xaaladda dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa golihiisa wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan shirkii uu isaga soo tegay ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbixintiisa golaha wasiirrada ku faahfaahiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo hormarinta dalxiiska Jubaland.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey mowqifkiisa doorashada, isagoo golihiisa la wadaagay waqtiga rasmiga ah ee Jubaland ay geleyso doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Inkastoo aan la baahin xogtaan oo golihiisa kaliya uu la wadaagay madaxweynaha Jubaland, hadana ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe cadeeyey in Jubaland doorasho geleyso bisha 11-aad ee sanadkaan.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu golihiisa warbixin ka siiyey qodobada la isku mari waayey ee shirka golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo markii danbe sababay in Axmed Madoobe uu Muqdisho isaga tago, isagoo ka xun sida ay wax u socdaan.

Axmed Madoobe ayaa diiday in madaxda dowlad goboleedyada loo sameeyo muddo kororsi hal sano ah, kadibna 2025 dhamaadkeeda ay galaan doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku taliyey in doorasho dadban la geliyo dowlad goboleedyada, lagana baaqsafo muddo kororsi, kadibna loo diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah oo ah hiigsiga Soomaaliya.

Sababta loo diidan yahay doorasho qof iyo cod ah?

0

Mid kasta oo ka mid ah madaxdii isu sharraxday xilka hogaaminta dalka, waxaa uu baaqiisa ugu weyn ahaa seddex qoodob: Dhameystirka Distuurka qabyada ah, la dagaallanka Khawaarrinta iyo qabashada doorasho qof iyo cod,  waxaana mid kasta laga sugayey inuu gacan ka gaysto sidii seddexdaas qodob dadka Soomaaliyeed mar uun loogu qaban lahaa loogana gudbin buundasaas nagu adkaatay. 

Seddexdaas qodob waxa ay u baahan yihiin geesinimo iyo ku dhac ayuu lahaa mid walaba oo madaxdaas ka mid ah, waxaanu ballan adag ka qaadayey umadda iyo rabbi hortiis inuu fulinayo haddii isaga la doorto, iyadoo halkaas laga fahamyey inay gacan waddaninimmo ka geysanayaan tartamayaasha haddii mid kale la doorto kuna kaalmeynayaan kan la doortaa.  

Waxaa nasiib wanaag umadda u ahaa waxaa la doortay mid ka mid ah kuwa ballankaas noo qaadayey, laguna dhaariyey inuu ballantiisii run ka sheego oo ka shacab ahaan uu noo fuliyo wixii Allah iyo shacbiga hortooda uu ka ballanqaaday. 

Xilligii doorashada qof kastaa oo Soomaali ah waxaa uu is lahaa maanta ayaa loogu fiican yahay, oo rajo fiican ayaa gashay oo seddexdaan caqabadood waddada laga leexinayaa, maadaama mid walba oo tartamayaa uu ballan qaaday qodobadaan, waayo waxaanu nahay ummad muslim ah ballankuna uu cahdi yahay. Waxaa filashadu ahayd in cid waliba ay ka go’an tahay in dalka caqabadaan laga wada gudbiyo.

Haddaba maxaa maanta Isbadalay? Yaa diidan maanta in qodobadaas la fuliyo, sababtusa waa maxay? 

Marka hore waa in umadda Somaliyeed ay ogaataa ugana abaal haysaa xildhibaanadda baarlamanka 11-aad inay yihiin kuwa si buuxda u taageersan qodobadaas dhameystirkooda, taasi oo siineysa matalaad aan muran ku jirin oo la mid ah xildhibaanda caalamka.  

Laakiin, in lagu guuleysto fulinta seddexdaan qodob waxaa aad u diidanaa, welina diidan cadowga umadda Soomaaliyeed oo isugu jira shisheeye iyo Soomaali ay lugaha ku wataan oo raba in dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu hayo halkaan ,waayo ma dooran karno cidda na hogaamineysa oo codkeenna kuma ciil bixi karno.  

Dhinaca kale, waxaa naxdin noqotay in raggii shalay lahaa haddii aniga la i doorto waxaa hirgalinayaa seddexdaan qodob oo maanta inta Xamar ama carro shisheeye ku shira oo ku leh “haddii aan aniga ahayn cid kasta oo kale oo fulineysaa waa ka xaaran”. 

La yaab!!! Alla u adeegista cadowga xumaa waliba markaad u adeegto adigoon is ogeyn. Ciddii hal maalin dib u dhigtaa in seddexdaan qodob la gaaro waa cadowga umadda Soomaaliyeed ee maanta iyo mustaqbalkaba, taariikh baana qormeysa maanta. 

Shacbiga maxaa la gudboon? 

Dadka noocan ah waa in la iska celiyaa inta aysan naga fashilinin inay suurtagal noqdaan Dhameystirka Distuurka, La-dagaallanka Khawaarijta iyo Doorasho aan annnagu hogaamiyaheenna soo dooranno.

Dhinaca kale, waxay xildhibaanada baarlamanka garteen in tartamayaasha uu waqtigaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu dhow yahay qofka muddo xileedkan ku fulin kara hawshaas, isaga ayeyna u igmadeen, waana inay shacbiga iyo madaxdii tartameysay si adag u taageeraan meelna uga soo wada jeestaan kuwa raba inay dib noo celiyaan naguna hayaan 4.5. 

Guusha ma dheera markasta oo ay adkaataana waa marka loo sii dhawaanayo, waxayna u baahan tahay geesinimmo dhinaca hogaanka ah iyo taageero dhinaca shacbiga ah. 

Madaxdii hore ee diidmada cadowga ku taageeraya ogaal iyo ogaal la’anba waa inay si fiican u fekeraan. Ma shalay markii ballanqaadka ay rabbi ka horsameynayeen ayey khaldanaayeen misa maanta oo ay sheegayaan in ballantas ay khalad ahayd, maadaama aan aniga ku guuleysan kursiga oo umadda aysan igu aminin inaan fulin karo seddexdaas qodob. 

Fadlan garaadka ha shaqeeyo yaan la isgu kaalmeyn inuu dalkaan halkaan ku sii negaado, iyo Itoobiya oo ku farxi doonta inay sedexdaan qodob Soomaalida aan laga horwareejin ee 4.5 lagu hayo, si aysan dalkooda u dhisan, shidaalka la soo bixin, difaacadoodana aysan gacanta ku qabsan. 

Ma jirto doorasho 100% sax ah adduunyada, oo Mareykanka oo dunida ugu horumarsan waa kan la isku dilay. Marka wax ha noo bilowdeen ee aynu khasabno dowladda joogtaa inay na gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, distuur dhameystiran ugu yaraan iyo Khawaarijta oo ay naga xoreyso annnagana aan hiil u noqonno.  

W/Q: Cabdiraxmaan Gacal 
Muqdisho, Soomaaliya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Kenya Airways oo joojinaysa duulimaadyada Muqdisho

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho laga billaabao 14-ka October ee sanadkaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayey shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay kadib markii ay la kulantay “caqabado dhanka howl-gallada ah,” oo aysan faah-faahin ka bixin.

“Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo falanqeeyay, loogana fakaray danta ugu wanaagsan ee shirkadda ee jawiga ganacsi ee jira,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Kenya Airways ayaa kamid ah shan diyaarad oo caalami ah oo duulimaadyo ku tega Muqdisho, ayada oo afarta kale ay yihiin; Turkish Airlines, EgyptAir, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Waxaa ugu dambeysay EgyptAir oo duulimaadyadeeda Muqdisho billowday bishii July, waxayna caasimadda Soomaaliya tagtaa toddobaadkii laba jeer, ayada oo laga yaabo in ay sii kordhiso.

Saraakiisha socdaalka ayaa rumeysan in go’aanka Kenya Airways ay qasbeen duruufo dhanka suuqa ah kadib markii ay tartan adag kala kulantay shirkado diyaaradeed Soomaali ah oo bixiya duulimaadyo raqiis oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah sababaha rakaab badan ay uga fogaadeen Kenya Airways siyaasadahooda duulimaad, sida ku qasbidda dadka haysta baasaboorka Soomaaliya inay iibsadaan tikidhada labada-jiho, taas oo ka duwan dabacsanaanta shirkadaha Soomaalida.

Dabacsanaan la’aantan ayaa ka dhigtay shirkadda Kenya Airways mid aan tartan ku gali karin jidka Muqdisho-Nairobi, iyadoo shirkadaha Soomaalida ay kasbadeen taageerada sii kordhaysa ee rakaabka, taas oo soo dadajisay go’aanka ay maanta soo saartay shirkadda.

Maxaan ka ognahay mashruuca ay DF ku dhowaaqday ee ku baxeyso $55 milyan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Bangiga Adduunka ayaa Talaadaddii daah-furtay mashruuca horumarinta kalluumeysiga waara ee Badmaal.

Mashruucan oo ah dadaal ballaaran oo lagu hagaajinayo bulshada xeebaha iyo kor u qaadista waaxda kalluumeysiga, ayaa waxaa ku baxaysa dhaqaale dhan 55 milyan oo dollar.

Warbixintan waxa aynu isku dul taagi doono ujeeddooyinka mashruucan oo muhiimad gaar ah u leh Soomaalida, kuwaas oo kala ah; 1- in awood loo siiyo bulshooyinka deegaanka, 2- in la dhiirrigeliyo dhaqamada kalluumeysiga waara iyo taageeridda adkaysiga cimilada ee aagagga xeebaha.

Mashruucan ayaa waxaa ansixiyay Bangiga Adduunka bishii June 2024, wuxuuna ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha badda (Blue Economy).

Qeybta 1-aad: waxay ujeedadeedu tahay in la hagaajiyo kaabayaasha kalluumeysiga yaryar, taas oo faa’iido u yeelan doonta ilaa 40,000 kalluumeysato iyo shaqaale.

Waxay hiigsanaysaa in kor loogu qaaddo hababka kalluumeysiga 50% iyo kordhinta qiimaha lagu daro hababka farsamaynta iyo suuqgeynta 30%, taas oo keeni doonta tayada wanaagsan iyo helitaanka suuqyada kalluunka Soomaaliyeed.

Qeybta 2-aad: waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo maamulka kalluumeysiga badaha iyadoo loo marayo sharciga kalluumeysiga ee 2023.

Sidoo kale waxay ka kooban tahay horumarinta nidaamka kormeerka, xakamaynta iyo ilaalinta (MCS) si loola dagaallamo kalluumeysiga sharci-darrada ah, ee aan la diiwaangelin iyo kan aan la xakamayn (IUU), kaas oo la qiyaasay inuu ka kooban yahay 30% kalluumeysiga biyaha Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, mashruucani wuxuu taageeri doonaa qiimaynta tirada kalluunka, kaas oo la qiyaasayo inuu daboolo 70% khayraadka badda, iyo daraasado lagu horumarinayo dhaqaalaha badda 20% marka la gaaro 2030.

Qeybta 3-aad: waxay diiradda saaraysaa maaraynta mashruuca, iyadoo la hubinayo u hoggaansanaanta heerarka deegaanka iyo bulshada ee ay dejisay Bangiga Adduunka.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda ayaa mas’uul ka noqon doonta fulinta, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro 80% u hoggaansanaanta heerarka maaliyadeed iyo 90% heerka raalli ahaanshaha ka-faa’iideystayaasha.

Mashruuca horumarinta kalluumeysiga waara ee Badmaal waxaa sidoo kale loogu tala-galay in lagu xoojiyo adkaysiga isbeddelka cimilada, gaar ahaan bulshada xeebaha oo si aan sinnayn u saameeyaan kuleylka adduunka, kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo dhibaatooyinka dhaqaale.

Isku soo wada duubo, mashruucan ayaa waxay ujeedadiisu tahay inuu hagaajiyo nolosha illaa 1.5 milyan oo qof oo ku tiirsan kalluumeysiga.

Wasiirka gaashaandhigga oo soo fara-geliyay arrinta Boqorada DANAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay arrinta Marayn oo caan ku ah magaca Boqorada Danab, isla-markaana ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo saacadihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada.

Boqorada Danab ayaa qoraal kooban oo cabasho ah soo dhigtay barteeda Facebook-ga, kaas oo ay ku sheegtay in aanay dooneyn inay hadasho, laakiin ay dadku fahmi karaan.

“Inaan wax badan ka hadlo muhiim ma’ahan, balse qof walbo wuu i fahmi karaa” ayay tiri Maryan oo loo garan og yahay Boqorada Danab.

Sida ay ogaatay Caasimada online, cabashada Boqorada Danab oo muddo 10 sano ku jirta ciidanka ayaa la xiriirta dalacsiin la’aan, iyada oo muddadaas aanay helin darajo.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo soo qaatay cabashada gabadhan ayaa sheegay in lagu sameeyay cadaalad darro aad u wayn, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay muujineyso heerka uu marayo dalkeenna.

“Heerka cadaalad darro ee uu dalka Marayo waa iska Sidaan!! Dhowr jeer ayaan golaha shacabka hortiisa ka sheegay, gabadhaan oo ka tirsan ciidamada Danab muddo ayey sugeeysay inay hesho cadaalad” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Jilley.

Intaas kadib waxaa arrintan soo fara-geliyay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal dheer soo saaray, wuxuuna u sheegay in Maryan (Boqorada Danab) ay kamid ahayd saraakiil xigeenadii uu shalay tababarka madaxweynaha ugu soo xiray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in gabadhan ay kamid tahay gabdhaha firfircoon ee ku jira ciidamada xoogga dalka.

“Beeni raad ma leh, Maryan waxay ka mid ahayd Saraakiil xigeenadii maanta ka qalin jebiyey Dugsiga tababarka Xassan Tuure ee Balidoogle, waxay ka mid tahay gabdhaha fara kutiriska ah ee geesiyaasha ah ee CXDS ka tirsan, waxayna tiir iyo astaan u tahay awooda Gabdhaha Soomaaliyee ee ay ku leeyihiin CQS, waxayna qarankeeda u shaqeyneysey mudo 10 sano ka badan” ayuu yiri wasiirka.

Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in Boqorada Danab ay heli doonto abaal marin iyo dalacsiin, maadaama ay weli soconto dalacsiinta ciidamada qalabka sida.

“Waxay joogtaa wakhtigii halgankeedi mirihiisa guran lahayd, waxayna heli doontaa abaal malinta ay mudantahay, si la mid ah Gabdhaheena Geesiyaasha ah. Waxaan weli dhamaan oo socda dalacsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo aan si horey loo arag Madaxweynaha qaranka u dalacsiiyey uguna Cadaalad faley taariikha intii dalacaad ee dalka soo martey” ayuu mar kale yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maryan maanta ayaa Madaxweynaha JFS tababarka u soo xirey, abaal marinada kale ay mudantahayna si is dada joog ah ayey u heli doontaa, dhamaan Geesiyaasha Qarankana waa sidaas oo kale.”

Xasan, Afwerki iyo Cabdulfataax Al-Siisi oo shir saddex geesood ah uga furmay Asmara

0

Asmara (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Asmara ee caasimada Eritrea ka furmay shir saddex geesood ah, kadib markii uu saacado kahor gaaray madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi.

Shirka saddex geesoodka ah ayaa waxa uu hadda u socda madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo iskaashiga gobolka iyo xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, iayada oo suurtagal ay tahay in iskaashigooda ay ku wajahayaan dowladda federaalka Itoobiya.

Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanaya xilli gobolka uu wajahayo xiisad ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadna heshiis difaac la gashay Masar, taas oo waji cusub u yeelay xiisadda, maadaama ay Itoobiya isku hayaan arrinta wabiga Nile.

Xasan Sheekh iyo Afwerki oo isla qaatay laba arrin oo xasaasi ah

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara kulan xasaasi ah kula qaatay dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Kulankaan ayaa waxay labada hoggaamiye uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay, iyagoo isla qaatay arrimo dhowr ah.

Labada hoggaamiye ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay labada madaxweyne tilmeemeen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Eritrea ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Eritrea ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa haatan ka shaqeynaya sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa heshiis sharci darro ah la saxiixatay Somaliland, kaasi oo u gogol xaaraya in Itoobiya ay hesho dhul badeed, waxaana is-afgaradkan meel adag iska taagtay dowladda federaalka ah oo ayadu caalamka tustay gardarrada Itoobiya iyo cawaaqibta ka dhalan karta.

Maxaa kasoo kordhay safarka Aadan Madoobe ee Imaaraadka Carabta? + Sawirro

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Abu Dhabi.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash. oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan labada dowladood.

Inta uu kulanka socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale dhigiisa uga mahad-celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u fudiyay iyo qaabilaada kulanka ka dhacay xarunta baarlamaanka Imaaraadka Carabta.

Kulamada ayaa sii socon doono, ayada oo Sheekh Aadan Madoobe uu la shiri doono madax kale oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, inta uu ku sugan yahay magaalada Abu Dhabi.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

Imaaraadka ayaa kamid a dowladaha xiriirka xoogan la leh Soomaaliya, waxaana safaro kala duwan dalkaas ku tega madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Saddex ganacsato ah oo lagu dilay Muqdisho + Sababta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab maanta ka gaysteen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay saddex ganacsato ah oo ku sugnaa degmadaasi.

Ganacsatada saddexda ah ee la dilay ayaa ku sugnaa goobahooda ganacsi, waxaana weeraray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo toogtay, kadibna baxsaday.

Wararka ayaa sheegayan in ganacsatadan loo beegsaday kaamirooyin ay ku xireen dukaamadooda, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ragga la dila ay indhowanahaan hanjabaad kala kulmayeen kooxda Al-Shabaab, balse ugu dambeyn la khaarijiyay.

Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydadka marxuumiinta kasoo qaaday halka lagu dilay, waxaana la geeyay xarunta C.I.D.

Dilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna xaafadda Suuqa Xoolaha dhowaan loogu gaystay ganacsade Cabdinaasir Daahir Diirshe oo goobtiisa ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xaruntiisa ganacsi.

Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh.

Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhex qarxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland

0

Buuhoodle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ciidamada Soamliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray  duleedka magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay isku dayeen inay gudaha u galaan deegaanka Qorilugud oo hoostaga Buuhoodle, balse waxaa ka hortegay ciidamada SSC oo halkaas difaac adag uga jiray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

SSC oo ka hadashay dagaalkan waxa ay sheegtay inay ka hortegtay weerar uga yimid dhanka Somaliland, isla markaana ay haysat xogtiisa, sidaasina ay ku fashilisay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland, kuna daadan dagaalkaas iyo eedeynta ay u jeedisay SSC-Khaatumo.

Maalmihii lasoo dhaadafay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka waday aagga magaalada Buuhoodle oo ah halka uu xalay ka dhacay dagaalka.

Si kastaba, dagaalka u dhexeeya SSC iyo Somaliland ayaa in muddo ah hakad ku jiray, balse labada dhinac ayaa hadallo kul-kulul isku marinaya dhanka warbaahinta.

Xog: Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo sameysanaya isbaheysi saddex geesood

0

Asmara (Caasimada Online) –  Madaxweynayaasha waddamada Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa wada-hadallo cusub oo xasaasi ah ay maanta uga bilaabanayaan gudaha magaalada Asmara, halkaas oo uu shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale isna maanta kusii jeeda Asmara, si uu uga qayb-galo wada-hadallada ka dhacaya Asmara, waxaana safarkan xaqiijiyey afhayeenka Al-Siisi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in saddexda hoggaamiye ay ka arrinsan doonaan xaaladaha kasoo kordhay gobolka, oo ay ugu horreyso dhaq-dhaqaaqa ay waddo dowladda Itoobiya, iyaga oo iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdifitaax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, iayada oo suurtagal ay tahay in iskaashigooda ay ku wajahayaan dowladda federaalka Itoobiya.

Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya.

Dhanka kale, xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa kulamadan u aragta ifafaalo aan u wanaagsaneyn Itoobiya.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dhaq-dhaqaaqyadan ay kusoo aadeen xilli gobolka uu wajahayo xiisad ka dhalatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka caroortay Soomaaliya oo iyadana heshiis difaac la gashay Masar, kaas oo waji cusub u yeelay xiisadda, maadaama ay Itoobiya isku hayaan arrinta wabiga Nile.

Ciidamada DF oo maanta la wareegay deegaano isku xira BAAY iyo BAKOOL

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa kooxda ka saaray deegaano muhiim ah oo isku xira labadaas gobol, kadib howlgallo culus oo ay ku qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Deegaanada ay qabsadeen ciidamada ayaa kala hah Ceel Shariif, Mooro-busle iyo Ceel Mareere oo u dhexeeyo demada Bardaale iyo deegaana Goofgaduud-buurey

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyay saldhigyo iyo xarumo kale oo lacago ku qaadi jireen Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada la xoreeyay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale khaarijiyeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib dagaallo ay kula galeen halkaasi.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladd ayaaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhaca gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Inta badan waxaa gobollada dalka ka socda guluf ka dhan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya Xoogga dalka, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

DF oo amar culus ku soo rogtay hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku amray hey’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka inay shaqooyinka ay dalka ka fulinayaan ay waafajiyaan qorshaha Qaranka iyo arrimaha mudnaanta u leh Xukuumadda.

Saalax ayaa amarkaan uga dhawaaqay munaasabad maanta looga hadlay qorshaha shanta sano ee soo socota ee hey’adda UNICEF.

Ra’iisul Wasaare Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay sida ay muhiim u tahay in adeegyada ay hey’addu fuliso ay noqon lahaayeen kuwa waxtar leh oo ka faa’iidaan dadka Soomaaliyeed, hadii la waafajiyo baahiyaha jira.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan sidaan oo kale amarro u duldhigtay Hay’adaha ka howlgala dalka, balse intooda badan amaradaas waxaba lagama soo qaadin.

Sidoo kale xukuumadda ayaa ku guul-dareysatay inay xakameyso oo dhaqan geliso amar la dhul-dhigay wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda oo ku saabsanaa in meel dalka ka baxsan aan loo aadi karin shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Maalmahaan waxaa Nairobi Kenya ka socday shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo guddoomiyaha hay’adda Mareynta Musiibooyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale ay ka qeyb gelayaan.

Horay shirar kale ayaa uga dhacay Nairobi iyo magaalooyin kale oo caalamka ah, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa horay u mamnuucay in dibadda loo aado shir ay qabsaneyso hay’ad ka tirsan dowladda, balse go’aankaas ayaan weli ka dhaqan gelin Soomaaliya.

Dadka yaqaan dowladnimada waxay aad ula yaabaan in shirar ay qabsanayaan hey’adaha dowladda oo Muqdisho marti geli karto Nairobi loo wareejiyo, marar badan ayaa arrintaan lagu dhaleeceeyey dowladda Soomaaliya, balse ilaa hadda ma joogsan.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Bariga Dhexe

Gaza (Caasimada Online) – Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza.

Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib.

Aqalka Cad ee Mareykanka aya isna Arbacadi xaqiijiyay, in madaxweyne Joe Biden uu khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, marki ugu horreysay tan iyo muddo 7 asbuuc ah.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay jawaabta ay Isra’il rabto in ay ka bixiso weerarki dhawaan uga yimid Iran. Wadahadalka oo qaatay muddo 30 daqiiqo ah ayaanan laga bixin faah-faahin kale oo dheeraad ah.