25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

DF oo ka hadashay go’aanka Kenya Airways ku joojineyso duulimaadkeeda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan ka soo baxay Shirkada duulimaadyada Kenya Airways oo sheegtey in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho.

Qoraal ay shirkaddu soo saartay maalin ka hor ayey ku sheegtay in ay duulimaadyadii Muqdisho ay u hakisey sababo dhanka shaqada ah, inkastoo aysan si dhab ah u xaqiijin sababta ka dambeysa joojinta duulimaadkooda Muqdisho.

Shirkadda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in kulan ay yeesheen gudiga maamula shirkada Kenya Airways ay isla garteen in laga bilaabo 14-ka bishan October ay joojiyaan duulimaadyadii ay diyaaradoodu ku imaan jirtey magaalada Muqdisho.

Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Maxamed Siciid Cabdullaahi oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in xogtaas ay hayaan, balse aysan jirin wax caqabad ah oo shirkadaas ay la wadaagtay oo kalifay inay joojiyaan duulimaadkooda.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dareemayaan in qiimo yari ay jirto, maadaama shirkado badan oo caalami ah ay suuqa ku soo biireen, kuwaas oo duulimaadyo toos ah ku yimaada Muqdisho.

Waxaa la weydiiyey Maareeyaha in rakaabkii aadi jiray Nairobi Kenya uu yaraaday, wuxuuna sheegay in uusan yaraan, balse ay jiraan shirkado kale oo sababay in qiimo dhimis ay timaado.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa cadeeyey in wax dhib ah aysan u arkin in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay joojisay duulimaadyadeedii Muqdisho to Nairobi, maadaama ay soo badanayaan diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee dib u bilaabaya duulimaadyadoodii Muqdisho.

Shirkadda diyaarada Sacuudiga iyo dalal kale oo Yurub iyo Mareykanka ayuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan duulimaadyadooda Muqdisho, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay soo kabatay, isla markaana aysan dhib u arkin go’aanka hal shirkad oo danteeda ganacsi ka fikireysa.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: DF oo Muqdisho ka mamnuucday adeegsiga laba arrin iyo dad loo soo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo qabtay eedeysane Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo heysto ka ganacsiga agab sharci darro ah oo dalka laga mamnuucay.

“Eedeysanaha waxaa ku socota baarista Booliska, waxaana la horgey doonaa Maxakamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey, taas oo dalka laga mamnuucay, Booliska Soomaaliya ayaa uga digay ganacsata iyo guud ahaan Soomaaliyeed ka ganacsiga Bacaha iyo isticmaalkeeda.

Afhayeenka ciidanka booliska oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa yiri “Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas.”

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiiqsatay in bacda aysan wax faa’iido ah u laheyn deegaanka, isla markaana shacabka la siiyey waqti ku filan, 1-dii bishaan wixii ka dambeeyana dalka laga mamnuucay in laga isticmaalo bacda.

“Waxaan ka xunahay in suuqyada qaar ay weli ka dhega adeygayaan amarkii wasaaradda deegaanka iyo booliska ee bacda lagu mamnuucay, ganacsatada ku andacootay waxaan bixineynaa inta noo taalla lagama yeeli doono, Axada berri wixii ka dambeeya bacda waa la gubayaa, ganacsadihii lagu helana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Dhinaca kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Muqdisho laga mamnuucay rasaasta dabaal-degga ah, isagoo sheegay in xalay la xiray dad gudaha Muqdisho ka riday rasaas dabaaldeg ah.

“Qof kasta oo rida rasaas dabaaldeg ah isagaa qaadi doona masuuliyadda qofkii dhibaato gaarto, booliskuna waa soo qaba doona, muwaadin dabaaldeg, laakiin rasaas nool in la rido waa mamnuuc,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Hoos ka daawo

Dubbe oo si weyn u difaacay Saalax kadib go’aankii Cabdi Xaashi uu ka qaatay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u difaacay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo sidoo kale ah Senator ka tirsan golahaasi, kadib markii uu maanta guddoomiye Cabdi Xaashi ka xayuubiyay xubinimadiisa Aqalka Sare.

Dubbe oo ka hadlay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Saalax uu lamid yahay Senatorada maqan illaa tan iyo markii lasoo doortay, isaga oo intaas ku daray inuu hayo shaqo kale oo qaran, maadaama uu yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

“Senator Saalax Axmed Jaamac wuxuu lamid yahay Senataro Aqalka ka maqan sidii loo doortay weliba isaga waxa uu dheeryahay in shaqo qaran uu hayo” ayuu yiri Dubbe.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabada uu qaaday Cabdi Xaashi ay tahay mid qaran jab ah oo aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu xusay in guddoomiyaha aanu xaq u lahayn inuu beddalo Senator, mid kalena uu soo magacaabo, maadaama doorasho lagu soo galay golaha.

“Haddii Senator walba uu Cabdi Xaashi badali karo mid kalena soo magacaabi karo sidii RW Xamza Cabdi Barre waxay noqoneysaa taariikh qaran jab ah,Bal waa kaase badal 54-ta senator oo idil” ayuu mar kale yiri Senator Cismaan Abuukar Dubbe. Maxay ka dhigan tahay tallaabada uu maanta qaaday  Cabdi Xaashi?

Guddoomiyaha Aqalka Sare tallaabada uu maanta qaaday wuxuu ku sheegay in aanu ra’iisul wasaare ku xigeenka aanu marna soo xaadirin kulamada golaha, sidaasna uu ku waayay kursigiisa.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Daawo: Xiisad horleh oo ka soo cusboonaatay K/Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Xiisad horleh ayaa mar kale kasoo cusboonaatay Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta maamulka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool

Xildhibaan Cabdullahi Black oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda degmadaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo culus u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen, wuxuuna sheegay inuu ku howlan yahay xilka qaadista guddoomiyaha degmada oo uu tilmaamay inuu ku yimid doorasho.

“Beryahaan dambe waxaa bilaabatay guddoomiyaha degmada Xudur ayaa xilka laga qaadayaa warar noocaas ah ayaa nasoo gaaraya, waana nin ku yimid doorasho oo si aqlabiyad leh loo doortay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Black.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasiiro ka tirsan maamulka ay tageen degmada, isla markaana ay ku howlan yihiin fulinta qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Waxaa Arbacadii tegay magaalada laba wasiir, waana wasiirka arrimaha gudaha iyo midka amniga marka farriimaha nasoo gaarayo ma ah kuwa u adeegayo nabadda iyo wada noolaashaha” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Maamulka Koonfur Galbeed hadda waa xil gaarsiiyeyaal laga soo bilaabo madaxweynaha iyo golihiisa waisirada”.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay in dagaal laga huriyo degmada Xudur oo uu tilmaamay in hadda ay ku jirto nabad, isla markaana uu shaqeynayo maamulkii ay doorteen shacabka.

Madaxweyne XASAN oo saddex arrin ka dalbaday shacabka, xilli ay taagan tahay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shacabka ugu hambalyeeyay xuska maalinta qaran ee calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar oo maanta ku beegan.

Madaxweynaha oo hambalyo diiran la wadaagay shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u diray fariin culus, isaga oo ka dalbaday in ay xoojiyaan saddex arrimood oo kala ah midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, maadaama ay jiraan xaalado adag ayna taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

“Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Muqdisho, Oktoobar 12, 2024 ; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda.

“Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah argagixisada, barwaaqana ay ku noolyihiin dadkeedu.

Ra’iisul Wasaare xigeenka dalka oo waayey kursigiisa Aqalka Sare, kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Saalax Jaamac ayaa maanta waayey xubinimadiisii Golaha Aqalka Sare, sida uu shaaciyay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen Senatorada Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka aanu soo xaadirin kulamada golaha muddo laba sano iyo bar ah, sidaasna uu ku lumiyay kursigiisa.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale wuxuu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booska uuu waayay Saalax, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale.

Dhanka kale arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha oo doonayay in isla maanta kursigan loo dhaariyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare.

Xildhibaannada ka horyimid magacaabidda ayaa ku dooday in aysan suurtagal ahayn, maadaama aan dastuurka lagu heshiin.

Senator Xasan Kobac oo kamid ah xubnaha diiday ayaa yiri “Waa degdeg arrintan sax maaha in golaha uu ka shaqeeyo nidaam aan sax ahayn oo qofaan keenaa, midna waan tiraa ah”.

Dhankeeda Senator Zamzam Daahir ayaa ku jawaabtay “Kursiga reer Soomaaliland ayaa iska leh Cabdi Xaashi ayaana masuul ka ah wixii reer Soomaaliland ah Gudoomiye Xafiiskaaga kusoo dhamee Senatorka nasoo ag fadhiisi kaliya”.

Aadan Madoobe oo kusoo laabtay dalka, xilli ay yaallaan mooshino iska soo horjeeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, xilli ay golaha yaallaan mooshino iska soo horjeeda oo ay wadaan xildhibaano leh ujeedooyin kala duwan.

Sheekh Aadan Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa si deg-deg ah usoo laabtay, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda wadankaasi oo uu ka mid yahay dhigiisa dalkaasi Saqr Ghobash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadanka gaar ahaan dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Aadan Madoobe waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horreyso xal ka gaarista arrinta mooshinada iska soo horjeeda oo sababay inuu baaqdo kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kala aragti duwanaan ay soo kala dhex gashay xildhibaannada oo uu dhinac walba u ololeynaya qorshahiisa gaarka ah, uuna doonayo in la dhaqalgeliyo soo jeedintiisa.

Xildhibaannada qaar oo ka hadlay arrintan, gaar ahaan baajinta kulankooda maanta ayaa si weyn u dhaliilay guddoonka golaha, waxaana arrintan ay dhalisay kala qaybsanaan wayn.

Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana dhowr kulan la baajiyay xilligii ay taagnayd xiisaddii ka dhalatay xildhibaannadii taageeray Itoobiya, illaa mar dambe si hoose la xalliyay kadib dagaallo kala duwan oo uu sameeyay guddoonka sare ee baarlamaanka dalka.

Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex-maray BAKOOL

0

Waajid (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Waajid ee gobolja Bakool.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay in weerar ay ku beegsatay saldhig ku yaalla Waajid, ayna ku dishay askar Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay hub kasoo furatay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

DF oo si rasmi u ogolaatay in ciidamada Masar ay ka howl-galaan gudaha Soomaaliya

0

Asmara (Caasimada Online) – Baaq siyaasadeed wadajira oo ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ka soo saareen madaxda dawladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa lagu muujiyay taageerada loo hayo xoojinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobnimada Jamhuuriayadda Federaalka ee Soomaaliya.

Iyadoo Dawladda Federaalka ay si rasmi ah u soo dhawaysay soo jeedinta ah, in ciidamada Masar ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Labada dowladood ayaa qalinka ku wada duugay in la iska diido wax kasta oo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida qaranimadooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-Sisii waxay baaqooda ku sheegeen in la hormariyo, lana xoojinayo wadashaqaynta dawladaha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku aadan awood siinta hay’addaha dawladda Soomaaliya ee la falgalidda loolannada gudaha iyo dibadda ee ay wajahayso.

Howlaha ugu muhiimsan waxaa laga qabanayaa xoojinta dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan argagixisada, una difaacaan xuduuddaha barriga iyo badda, isla markaana u ilaaliyaan wadajirka wadanka.

Labada Madaxweyne waxa kale oo ay soo dhaweeyeen cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya sanad kii hore.

Sidoo kale waxay boggaadiyeen kulankii golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ee lagu go’aamiyay hawlgalka cusub ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Ujeedada howlgalkaas waa in la taageero xasiloonida Soomaaliya, iyadoo la eegayo aragtida hortabinta u leh dawladda Soomaaliya, ciidamada Masar ayaa la qorsheynayaa in markii ugu horeysay ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada dhinac soo dhaweeyeen dalabka Masar ee ah in ciidamadeedu qayb ka noqdaan hawgalka cusub ee AUSSOM.

Howlgalkaan ayaa bedelaya howlgalka ATMIS ee hadda socda, waxaana la qorsheynayaa in lasoo gabagabeeyo, kan cusubna la bilaabo horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka.

Guuxa mooshino iska soo horjeeda iyo guddoonka BF Somalia oo tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, sababo la xiriira guuxa mooshino iska soo horjeeda.

Wararka ayaa sheegay in kala aragti duwanaan soo kala dhex gashay xildhibaannada ay sababtay baaqashada kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddoonka sare ee Golaha Shacabka ayaa la gaarsiiyay mooshinnada iska soo horjeeda, wuxuuna kadib go’aansaday in la baajiyo kulanka maanta.

Xildhibaannada qaar oo ka hadlay arrintan, gaar ahaan baajinta kulankooda maanta ayaa si weyn u dhaliilay guddoonka golaha, waxaana arrintan ay dhalisay kala qaybsanaan wayn.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xildhibaannada u ololeynaya mooshinnada in dhinac weliba uu wato qorshahiisa gaarka ah, uuna doonayo in la dhaqalgeliyo soo jeedintiisa.

Sidoo kale waxa ay dooddan xoogan ugu dambeyn keentay in laga fursan waayay in la baajiyo fadhiga guud ilaa inta xal laga gaarayo mooshinadan iska soo horjeedo.

Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana dhowr kulan loo baajiyay xilligii ay taagnayd xiisaddii ka dhalatay xildhibaannadii taageeray Itoobiya, illaa mar dambe si hoose la xalliyay kadib dagaallo kala duwan oo uu sameeyay guddoonka sare ee baarlamaanka.

Si kastaba, baaqashada maanta ee kulanka Golaha Shacabka ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu safar ugu maqan yahay dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana la filayaa inuu si deg deg ah dib ugu soo laabto dalka.

Macawiisleyda oo weerar ku qaaday saldhiga Shabaab ee Ceelbuur, kadibna kala baxay…

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo maleeshiyaad ka tirsan ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ku qaadeen saldhigga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaa soo ay maamulaan Al-Shabaab.

Weerarka ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Al-Shabaabkii ku sugnaa saldhigga, iyada oo laga dilay hal dagaalame, mid kalena laga dhaawacay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in maleeshiyaadka weerarka qaaday ay saldhigga kala soo baxeen dad ay ka xireen Al-Shabaab, arrintaas oo ka dambeysay weerarkooda

Sida ay ogaatay Caasimada Online, maleeshiyaadka ayaa sidoo kale ka xanaqsanaa burburin ay kooxda u geysatay dhismo goobo lagu muran sanaay oo ku yaalla Galgaduud.

Xaaladda degmada Ceelbuur iyo deegaanada u dhow ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo wariyay in Al-Shabaab ay shacabka ku  ku cadaadinayaan in ay keenaan dadkii lagala baxay saldhigga degmada Ceelbuur iyo maleeshiyada weerarka ku qaaday oo baxsaday.

Waa arrin adag in lagu dhiirado in degaan ay ku xoogan yihiin Shabaab la weeraro kadibna dib looga soo laabto, balse waxaa howshaas fuliyay ciidamo ka tirsan Macawiisleyda

Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo ciidanka huwanta iyo kooxda.

Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen saldhigga…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka la fashiliyay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla deegaanka Raas-qabow ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa saldhigga iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, waxaana ka dhashay khasaare xoogan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay goobta, kadib markii ay jilibka u dhigteen ciidanka ku sugnaa saldhigga lagu dagaalamay oo la sheegay in ka feejignaayeen weerarka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in maydad iyo dhaawacyo ay meesha uga carareen Al-Shabaab, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa la filayaa inay faah-faahin ka bixiyaan khasaaraha rasmiga ah, ayna soo bandhigaan maydadka iyo dhaawacyada laga qabtay Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada halkaasi.

Shabeelaha Dhexe oo kamid ah gobollada lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab waxaa weli kasii socda guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xooga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Israel oo garaacday saldhig ay ciidamada UNIFIL ku leeyihiin dalka Lubnaan

Beirut (Caasimada Online) – Millatariga Lubnanayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan.

Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah. War milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday.

Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga ciidanka UNIFIL ayay saraakiishu xaqiijiyeen, in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta. Waa maalinti labaad oo xiriir ah oo ay ciidanka Isra’il duqeynayaan saldhiggaasi.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarada. Ciidanka UNIFIL ayaa dhacadadan ku tilmaamay “mid halis ah” waxayna sheegeen in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado.

Faransiiska ayaa u yeertay safiirka Israa’iil u jooga Paris, Talyaaniga iyo Spain ayaa weeraradaasi ku tilmaamay “mid aan qiil dayi karin”. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Israa’iil weydisan doono in aysan garaacin ciidamada UNIFIL. Ruushka ayaa sheegay in ay aad uga caroodeen,waxana ay ka dalbadeen Israa’iil in ay ka fogaato falalka cadawtinimo ee ka dhanka ah ciidamada nabad ilaalinta.

UNIFIL waxa ay ka kooban tahay ilaa 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah iyo shaqaale kale oo ka kala socda ilaa 50 wadan, kuwaas oo badi laga kala keenay dalalka Indonesia, India, Ghana, Nepal, Talyaaniga, Malaysia, Spain, France, Shiinaha iyo Ireland.

DF oo war cusub ka soo saartay arrimaha xajka 2025 iyo qorshe cusub oo bilowday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay arrimaha Xajka, waxaana la go’aamiyey goorta la bilaabayo iyo goorta lasoo gabagabeynayo qabashada Baasaboorka.

Maamulka wasaaradda diinta iyo guddiga adeegga xajka ayaa maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabay qabashada baasaboorka, iyadoo lasoo gabagabeynayo bisha horaanta Janaayo.

Sidoo kale waxaa la shaaciyey in xaaji kasta hadda laga rabo lacag dhan $2,000 labo kun oo doollar oo hormaris ah.

Sidoo kale guddiga iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa shaaciyey in dib laga soo sheegi doono qiimaha rasmiga ah ee Xaajiga Soomaaliyeed uu ku soo xaji doono sanadkaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sanadba sanadka ka dambeeya ay yareyn doonto qiimaha lagu soo xajinayo.

Dowladda ayaa hadda ku howlan sidii loo yareyn lahaa qiimaha xajka ee sanadkaan, sidoo kale guddiga loo xilsaaray ka shaqeynta arrimaha Xajka ayaa ka howlgeli doona qabashada baasaboorka.

Guddoomiyaha guddiga adeegga xajka Cali Cibaar ayaa sheegay inay ku howlan yihiin in sanadkaan ay xujeyda Soomaaliyeed helaan adeeg ka wanaagsan kii sanadihii hore.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la bilaabay qabashada Baasaboorada Xujeyda Soomaaliyeed ee daneynaya Sanadkaan in ay soo gutaan waajibaadka Xajka.

Hoos ka daawo agaasimaha guud ee wasaaradda diinta

 

Aqriso: Bayaan xasaasi ah oo kasoo baxay shirkii madaxda Somalia, Masar iyo Eritrea

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo shir saddex geesood ah uga socday magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo saaray bayaan wadajir ah.

Shirkan oo uu marti-geliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi, waxaana diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u fallan-qeeyey xaaladaha jira.

Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale looga hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka.

Madaxda ayaa ugu dambeyntiina isla gartay in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la gaartay Somaliland, kaasi oo dhabaha u xaaraya damaca guracan ee Itoobiya ku dooneyso bad.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka;

DF Soomaaliya oo weerar culus ku qaaday Abiy, kuna hanjabtay tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay iska dhicinta Itoobiya, haddii ay diido deris wanaaga iyo ixtiraamka qarannimadeeda.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo soo saaray qoraal dheer ayaa marka hore weerar ku qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu sheegay in taliskiisa uu marayo xaalad adag oo ay askartu awooddi xoogtay lana gabi-dhacleyneyso.

“Abiy waxaa seegan in wiilka iyo gabadha soomaaliyeed ee ku sugan Jigjiga, Boorama, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo ay isku heyb, diin, dhaqan, af iyo qadiyad yihiin, wax xuduud iyo khilaaf ah oo dhexyaalana aysan jirin, oo ay sugayaan inta aan firimbiga difaaca qaranka ka yeerineyno oo kaliya,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka oo soo qaatay wareysigii u dambeeyay ee Berhanu Jula bixiyo ayaa wuxuu sheegay inuu tusaale u yahay dowlad fashilantay oo askarigeedii tuutaha watay jiheynayo siyaasadeedi arrimaha dibadda kuna falaadaayo.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran.

*TALISKA NUGLEE NAF LA CAARIGAA*

Abiy Ahmed iyo taliska uu horjoogaha u yahay ee Addis Ababa fadhiya waxaa muuqata in uu marayo xaalad adag oo ay askartu awooddi xoogtay lana gabidhacleyneyso.

Wareysigi u dambeeyay ee uu Berhanu Jula bixiyo waxa uu tusaale u ahaa dowlad fashilantay oo askarigeedii tuutaha watay jiheynayo siyaasadeedi arrimaha dibadda kuna falaadaayo.

Jula iyo Abiy waxaa seegan in wiilka iyo gabadha soomaaliyeed ee ku sugan Jigjiga, Boorama, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo ay isku heyb, diin, dhaqan, af iyo qadiyad yihiin, wax xuduud iyo khilaaf ah oo dhexyaalana aysan jirin, oo ay sugayaan inta aan firimbiga difaaca qaranka ka yeerineyno oo kaliya.

Waxey moogyihiin in awoodda qaranka Soomaaliyeed aan looga cabir qaadan karin karaanka dowladdiisa oo kaliya. Hadii Jula awoodda uu xisaabsanayo ay tahay kumannaan ciidan direys wata ah, iyo boqolaal taangi oo duq ah, wuxuu moog yahay in ay ka soo horreeyaan malaayiin wiil oo geerida nolasha ka jecel, kaalma shisheeyana aan u baahneyn, sidoo kale taariikhda fog iyo mida dhowba waxaa la ogyahay in Itoobiya ay daandaansiyadeedi hore kala kulantey jab iyo hoog casharo looga dhigo kuliyadaha ciidan ee daafaha dunida.

Waxaa qof walba u muuqata xukunka ay Abiy & Jula sheeganayaan in uu yahay mid qowmiyadaha Itoobiya oo dhan ay iska diideen iskan soo eryeen, kuna soo koobmay Addis Ababa oo iyadana go’doon ah. Jula iyo ciidankiisa wixi rasaas uu haystay waxa ay uga dhamaatay xasuuqa lagu haayo shucuubta Itoobiya iyo qowmiyadaheeda.

Waxaan dooneynaa Soomaaliya iyo Itoobiya oo nabada ah, daris wanaagna ku wada nool, bale taliska nugul ee Abiy & Jula hadii nabad laga waayo ha la arko ciddi cabsi darteed dabka shidan weyda oo hilibka cayriinka ku cunta.

Maxaa farqi ah oo u dhaxeeya isbaheysiga cusub ee Asmara iyo kii Farmaajo ee Geeska?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kan Eritriya Isaias Afwerki iyo Masar Cabdifitaax Alsisi, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Asmara waxay shalay ku gaareen heshiis iskaashi oo saddex geesood ah.

Madaxda ayaa ku heshiisay inay sare u qaadaan iskaashiga ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen.

Labada dal ee Masar iyo Eritrea ayaa mar kale hoosta ka xarriiqay ilaalinta madaxbannaanida dhulleeed iyo qaranimada Soomaaliya. Arrintan ayaa loo qaadan karaa inay tilmaan toos ah u tahay damaca Itoobiya ee ah inay hesho deked badeed, balse dalna si gaar ah looma xusin.

Madaxweyneyaasha waxaa wehliyey wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal kuwaas oo iyaguna yeeshay kulamo ay kaga hadleen iskaashiga Ereteriya iyo Masar iyo adkaynta wadashaqayn joogto ah oo lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Muxuu diirradda saarayaa iskaashigan cusub?

Bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Eritrea, saddexda hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka iyo hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo “ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka”.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay “in laga hortago faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka iyadoo marmarsiinyo ama qiil loo samaynayo; isku xirka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasiloonida gobolka iyo abuurista jawi ku habboon horumar wadajir ah oo waara”.

Khilaaf diblumaasiyadeed oo dhawaan soo shaac baxay ayaa Soomaaliya ku riixay in ay xiriir dhow la yeelato Masar iyo Eritrea oo labaduba uu khilaaf soo jireen ah kala dhaxeeyo Itoobiya.

Waxaa jirtay cabsi laga qabo in xiisadda sii kordhaysa ay u gudubto nooc ka mid ah colaadaha.

“Tani waa gees ka soo horjeeda [caasimadda Itoobiya] Addis Ababa,” Hassan Khannenje, oo ah maamulaha Machadka Horn International Institute for Strategic Studies, ayaa u sheegay barnaamijka Focus on Africa ee BBC.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay isku day lagu doonayo in nacaybka la isugu keeno si loo kordhiyo cadaadiska ka dhanka ah Addis Ababa.”

Sida uu muujiyey Hassan, waxaa la qaba wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo sheegay in heshiiska hadda uu u muuqdo mid laysku bahayssanyo in culays la saaro Itoobiya madaama sida uu xusay ay saddexdan dalba xiisaddi ka dhex tagaan tahay Addis Ababa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa xusay inaysan sidaasi doonayn dowladda Soomaaliya balse kulanka dhinacyadu uu ahaa mid ku saabsan wada shaqeyn dhex marta saddexda dal.

“Ma naga go’na inaan abuurno wax ka dhan ah Addis Ababa,” ayuu u sheegay BBC Focus on Africa.

Iskaashigii hore ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadkii 2018 gaaray heshiisyo is-afgarad ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshooyinka.

Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya oo xilliyadii ay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay isbahaysiga samaysanayeen qaar ka mid ah waqtiyadaas hoggaaminayey amuuraha dibadda ee dalka ayaa BBC-da u sheegay in billowgii ujeeddadu ahay in dalalku isku furaan xiriirkooda dhaqaale, bulsho lana gaarsiiyo dhammaan waddamada ku jira urur-goboleedka IGAD.

Isagoo ka hadlayey faa’iidooyinka isbahaysigaa hore ee Farmaajo, Abiy iyo Afawerki uu ka helay dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iidday in Itoobiya ay ku dhawaaqdo in muwaadiniinta Soomaalida ee dalkooda u safraya ay ku tagi karaan Itoobiya dal ku gal la’aan.

Wuxuu intaa ku daray in sidaas oo kale Soomaaliya ay ka faa’iidday in Eritrea ay ciidamo u tababarto dalka Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagay sanadkii 2018-kii magaalada Muqdisho halkaas oo madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada gaareen heshiisyo is fahan oo muhiim ah.

Qodobka toddobaad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo isla sanadkaas ku soo dhaweeyey magaalada Bahar Daar ee dalka Itoobiya Madaxweyynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa sheegay inay xiriirkoodu yahay mid xoogaystay.

Abiy oo mar dambe la hadlayey arday ka qalin jabinaysay jaamacad ku taaalla Bahar Daar ayaa shegay inuu rajanayo “mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne”.

“Waxaan rajeynaya saddexdan madaxweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh, oo aanan saddex madaxweyne lahayn,” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaase xusay in iyadoo madaxdu ay heerkaa taagnaayeen haddana ay jirtay u jeedooyin qaarkooda qarsoonaa xilligaas oo markii danbe soo baxay.

“Afaweki, wuxuu doonayey inuu go’doonka ka baxo, Abiy-na wuxuu doonayey inuu Eritrea ka gacan siiso dagaal uu ku qaadi rabay Tigraay marka isbahaysigu ma lahayn u jeedo cad oo fog,” ayuu yiri Cawad.

Wuxuu sheegay in kan hadda uu isaga ula muuqato inuusan lahayn u jeeddooyin fog oo mustaqbalka ah.

Isha: BBC

Xog: Al-Shabab oo bilowday qorshe halis ah oo la xiriira diyaaradaha Drones-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe wajaheysay cadaadis xooggan kadib markii dowladda ay qaaday guluf dagaal oo ka dhan ah ayaa waxay bilowday qorshe ay ku horumarineyso taatikadeeda dagaalka.

Baaris dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in Al-Shabaab ay haatan isku diyaarineyso adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka.

Diyaaradahan ayey kooxda qorsheynaysa inay u adeegsato laba siyaabood, oo kala ah;

1. Sahminta bartilmaameedka

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda ayaa qorsheynaysa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn u adeegsato sahminta iyo xog soo aruurinta bartilmaameedka, sida; saldhigyada ciidamada iyo xarumaha dowladda.

Al-Shabaab ayaa horey sahminta bartilmaameedka u adeegsan jirtay xubno kamid ah dagaal-yahaanadeeda, waxayna hadda taatikadaasi noqotay mid ay ku guul-daraysatay kooxda, kadib howl-gallada ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka iyo qorshaha xasilinta caasimada.

2. Fulinta weerarada

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda ku taameyso inay kusoo biiriso taatikadeeda dagaalka ayaa ah nooca xambaara qaraxyada ama is-qarxiya , kuwaas oo burburin kara bartilmaameedka loo adeegsado markaas.

Tan waa midda ugu halista badan, kuna riixeysa kooxda adeegsato diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, si ay markaas si sahal ah ugu weerarto saldhigyada ciidanka iyo xarumaha dowladda ee sida aadka loo ilaaliyo, waana midda sida weyn uga digayaan khubarada amniga.

Haddaba, halkee kooxda ka keenaysa diyaaradahan horumarsan?

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan xiriir iskaashi la gaartay Xuutiyiinta Yemen, oo iyadu taageero ka hesha Iran, waana halka kooxda ay qorsheynayso inay kasoo waarido diyaaradaha aan duliyaha laheyn.

Sida ay ogaatay Caasimada Online intii aan wadnay daba-galka qorshahaan halista, waxaa deegaanada Al-Shabaab gaaray tiro Injineero ah oo dhanka Xuutiyiinta Yemen uga yimid, kuwaas oo ka shaqeynaya tababarka iyo ka dhabeynta qorshahaan bilowga ah.

Sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegaysa in kooxda wado inay muddo kadib samayso maktab cusub oo ay ugu magacdarayso, tusaale ahaan; maktabka drones-yada ama maktabka diyaaradaha bilaa duuliyaha ah.

Qorshahaan oo hadda wejigiisa koowaad uu socdo ayaa sare u qaadaya halista kooxda Al-Shabaab, waxaana khubarada ku talinayaan in tallaabo deg-deg ah ay qaado dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka si uusan qorshaha ugu gudbin wejigiisa labaad.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in 26-kii August ee 2024 uu maamulka Puntland qabtay toddobo xubnood oo Shabaab ahaa iyo tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kamid ahaa hubkii ay siteen.

Kamikaze ayay Puntland ku sheegtay magacyada diyaaradahaas bilaa duuliyaha ahaa ee ay qabteen. Diyaaradahaas oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay kasoo galeen dhanka Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday Gaalkacyo.

Kamikaze waa nooc diyaaradeed ku cusub goobaha dagaallada. Waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine, sidoo kale Xuutiyiinta Yemen ayaa adeegsada diyaaraddaasi. In kasta oo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, oo ay kamid yihiin Israel, Mareykan, Kuuriyada koofureed, Turkey, Shiinaha iyo Iran.

Waa diyaarad xajmi ahaan yar, xawaaraheeda ay gaabiso, joogga ay ku duushana ay tahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli karta maylal badan, waxayna sidaa qaraxyo. Waxay awood u leedahay inay ka dhuumato Raadarka, iyada oo burburin karto bartilmaameedkeeda.

Si kastaba, xogahan ayaa muujinaya in kooxda isu diyaarinayso inay horumariso taaktikadeeda dagaal iyo inay masraxa dagaalka ku soo dari doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada gaaban iyo kuwa dheerba.

Dagaal culus oo u dhaxeeya HirShabelle iyo Hiiraan State oo ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo khasaare geystay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xarumaha maamulka iyo xerada Lamagalaay, wuxuuna dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka HirShabelle iyo kan Hiiraan State.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada taabacsan HirShabelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka saakay ayaa waxaa durba guullo ka sheegtay hoggaanka Hiiraan State, iyada oo ujeedka weerarka ciidanka HirShabelle ku sheegay inay doonayeen carqaladeynta munaasabad loogu dabaaal-dagayo sanad-guurada Hiiraan State, taas oo si weyn looga dareemayo gudaha magaalada.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay iyo guud ahaan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan kadib markii odayaal iyo waxgarad ku baxay dagaalkan ay ku guuleysteen inay kala qaadan labada ciidan ee dagaalamay.

Hase yeeshe waxaa weli sareysa cabsi la xiriirta in markale dagaalamaan labada dhinac ee gobolkaasi isku haya, maadaama goobaha ay kala joogaan aysan aad u kala fogeyn.

Shaqaaqadan ayaa imanaysa xilli maalmihii dambe la warinayay inay sii kala qeybsameen xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhexdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada.

Qaraxyo laga digay in 48-ka saac ee socda ay ku soo wajahan yihiin magalaada…

Beledweyne (Caasimada Online) – Laamaha amniga Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka digay qaraxyo ka dhici kara magaalada oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab 48-ka saac oo soo socda.

Waxaa heegan xooggan la geliyey ciidamada amniga, ayada oo sidoo kale la adkeeyey baaritaanada amni, si looga hortagi qaraxyadan oo xogtooda la helay.

Meelaha laga digay waxaa mid ah; xaruumaha maamulka iyo goobaha bulshada isugu timaado, sida laga soo xigtay laamaha amniga Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo ka fulisay magaalada, ayada oo Beledweyne ay tahay magaalada labaad ee maleeshiyadan ay ugu beegsi badan tahay kadib caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qaraxii ugu dambeeyey ayaa dhacay dhammaadkii June, waxaana lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda. Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay. Markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka.

Cabsida laga qabo qaraxyada iyo xaaladda amni ee Beledweyne ka jirta ayaa ku soo aadeysa ayada oo khilaaf iyo is-qab-qabsi maamul oo xooggan uu ka jiro magaalada, oo ay isku hayaan maamulka HirShabeelle iyo mid la baxay Hiiraan State.

Waxaa sidoo kale khilaaf uu ka sii dhex qarxay xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhaxdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada.