25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Xaaladda degmada Luuq oo faraha ka baxday iyo wararkii ugu dambeeyay maanta

0

Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Luuq, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u cuslaa ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan gudaha degmadaas oo ay in muddo ah ay u dhexeysay colaad xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday kadib markii ay is fara saareen maleeshiyaadka labada beelood.

Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadkii xalay dagaalamay, ayada oo mar kasta la filan karo inay mar kale ku dagaalamaan halkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Si kastaba, mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.

Xog: Qorshe yaab leh oo shaqada looga joojiyey maamulkii Hodan iyo Howlwadaag

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyo dhamaan xubnaha maamulka ee degmadaas ayaa shaqada laga jooyey, kadib markii uu Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka  Maxamed Yabooh uu kormeer ku tegay degmadaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yabooh oo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa tagay degmooyinka Waliyow Cade oo kala ah, Hodan, Waabari, Howlwadaag iyo Xamar-Jajab.

Qorshuhu wuxuu ahaa in shaqada laga joojiyo Guddoomiyaha degmada Hodan Cali Fahle iyo guddoomiyaha degmada Howlwadaag, waana hirgalay qorshahaas oo hadalheyn badan abuuray.

Yabooh ayaa maamulka degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag iyo madaxda amniga ee degmooyinkaas u sheegay in shaqada laga joojiyay labada Guddoomiye iyo dhamaan xubnaha kale ee maamulka degmada muddo 45 cisho ah.

Sidoo kale wuxuu amray in shaqadooda kor joogteyn lagu sameyn doono, cidii lagu arko wax qalad, habacsanaan shaqo iyo dhaga adeegna la ruqseyn doono, shaqaalaha degmada ayaa la faray in ay la shaqeeyaan xubno kusimayaal laga dhigay.

Maamulada degmooyinka Waabari iyo Xamar-Jajab ayaa dhankooda la siiyay digniin kama dambeys ah, waxaana loo sheegay in 45 cisho oo kor joogtayn iyo la socosho shaqadooda ah ay jiri doonto, isla markaana la ruqseyn doono qofkii u hogaansami waaya amarrada maamulka ama lagu arko shaqo xumo iyo habacsanaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Yabooh, ayaa dadkii uu la kulmay u sheegay in guddoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay mari doonaan canaan iyo tababar maamul, kadib markii uu sheegay in ay sameeyeen dayacaad iyo xil gudasho la’aan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hodan iyo Howlwadaag waa labad degmo ee ugu dhaqaalaha badan Muqdisho, sidoo kalena ugu hormarsan, waxaana la sheegayaa in arrimo dhaqaale la isku hayo ee maamulka gobolka uusan daacad ka aheyn shaqo joojinta maamulka degmooyinkaas.

Si gaar ah degmada Hodan waxay muddooyinkaan noqotay tan ugu hormarsan caasimadda, wuxuuna guddoomiye Madaale maalmo ka hor meel fagaare ah ka sheegay in xubnaha kale ee maamulka gobolka Banaadir uu farayo in wax qabadka ay uga daysadaan guddoomiyaha degmada Hodan Cali Fahle.

Hadda, hadal-heyn badan ayey abuurtay arrintaan, guddoomiyihii maalmo ka hor la yiri halagu daysado  in lagu eedeeyo shaqadiina looga joojiyey xil gudasho la’aan iyo shaqo xumo, waxaana sii xoogeysanaya warar sheegaya in la isku hayo arrimo dhaqaale oo degmada kasoo xarooday.

Shabaab oo weerar culus lagu qaaday iyo dagaal ka socda…

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Al-Shabaabka ku sugan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda oo ku yaalla agagaarka magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada ay isku fara saareen aagga deegaanada Baraag-hurdaaye iyo Miiroon oo uu illaa hadda ka socdo dagaal foolka fool ah.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in duqeymo xoogan ay barbar socdaan howlgallada ka socda duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ay qaadeen ciidamada huwanta iyo dagaalka xigay, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Saraakiisa milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay sii wadayaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhulkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay hadda ka taliso Galmudug.

Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay la wareegeen Buulo-Xaaji?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Buulo-xaaji oo ay horay ugala wareegeen ciidanka Daraawiishta maamul goboleedka Jubbaland.

Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka dhex-maray, waxaana dhinac kastaa uu guul ka sheegtay howlgalkaasi.

kooxda Al-Shabaab oo qoraal soo saartay waxa ay ku sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta magaalada, sidoo kalena ay khasaare culus gaarsiisay ciidanka Jubbaland.

War kale oo kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay dagaalkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay fashilyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadkooda aanay soo dhaafin difaaca hore ee deegaanka Buulo-xaaji.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dagaalka meesha ka dhacay lagu jebiyay Al-Shabaab, loona geystay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana aagga Buulo-xaaji howlgallo culus ka wada Daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka.

Horay sidaan oo kale ayay labada dhinac ugu dagaalameen Buulo-xaaji, laakiin waxaa laga adkaaday Al-Shabaab oo markaas duulaan kusoo qaaday magaaladaasi.

Mareykanka oo gantaallada difaaca cirka u diraya Israel

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nuuca difaaca cirka ah iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Isra’il, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Isra’il, maalmo kaddib marki ay Iran madaafiic ku garaacday Isra’il.

Madaxweyne Joe Biden ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Isra’il. Waxana tani ay ku soo beegantay iyada oo la filayo in Isra’il ay jawaab ka bixisyo duqeynti cusleyd ee ay 1-di bishan October kala kulantay Iran oo ku garaacday in ka badan 180 gantaallada guuxooda ka dheereeya.

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Isra’il, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee gobolka.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii xoojiyay weerarka ay ka wadaan maalmahaan waqooyiga Gaza, iyada oo taangiyadooda ay gunta u sii galayaan magaalada, gaar ahaan degmada Sheekh Ridwaan halkaas oo qoysas badan ay ka carareen guryahooda.

Aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Isra’il ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in bartamaha Gaza gaar ahaan Deyral Balax ay ku nool yihiin ugu yaraan hal milyan oo Falastiinyiin u badan barakac.

7 Sano kadib xuska 14-ka October ee qaraxii Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 7 sano kahor maanta oo kale 14 October 2017-kii, islamarkaana galaaftay nolosha dad badan, kadib in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka, islamarkaana doonaya in ay wiiqaan nidaamka dowladdnimo iyo daddaalada kale ee loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

14-ka Oktoobar waa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag, kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeyeen kooxaha Khawaarijta, waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye iyo kuwo ay ku hayeen kooxaha Khawaarijtu, haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux, islamarkaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux, halka la waayey dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee uu geystay qaraxaasi, waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga, gawaari iyo dhismayaal badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool guddaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka, taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe, haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda khawaarijta waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha khawaarijtu ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda, sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dadka.

Sida cad, wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira, sidaa daraadeed waa muhiin in ciidan iyo shacab ay ka shaqeeyaan danta umadda, gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka, daryeelka bulshada, ka qeyb-galka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha dalka .

Sidoo kale haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah, waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga, islamarkaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga, waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amniga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobbe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

DF oo garoonka Adan Cadde ka mamnuucday diyaaradaha Droones-ka + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka mamnuucday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee Droones-ka la yiraahdo.

Qoraal kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah laga mamnuucay inay garoonka u soo dhawaadaan masaafo dhan 9 niyuutikaal mile oo dhan walba ah.

Waa masaafo ku dhaw 10 KM oo dhinac walba ah, sida ku cad amarkaan ka soo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in diyaaradaha fasaxa ka haystay hay’adda duulista kaliya ay adeegsan karaan garoonka iyo hawadiisa.

Faahfaahin intaas ka badan lagama bixin go’aankaan, horay waxaa u jiray warar sheegaya inay suurtagal tahay in kooxaha argagixisada ah ay diyaarado Droones ah ku weeraraan garoonka.

Sidoo cabsida weerarada laga digay waxay ka jirtaa xerada Xalane ee safaaradaha shisheeye ay degan yihiin taas oo ku taalla xeendaabka garoonka diyaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Go’aankaan waa mid saameyntiisa leh, wuxuuna muujinayaa tuhunka jira iyo inta uu la egyahay, waxaana cabsi badan laga qabaa in argagixisadu geysato weerarro ka dhan ah Xarunta Xalane oo cadaawad badan ay u qabaan, maadaama ay degan yihiin danjirayaasha iyo diblomaasiyiinta dowladaha taageera Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay heysato diyaarado Droones ah oo kuwa aan duuliyaha aheyn ah, waxaana cabsi badan laga qabaa inay geystaan weerarro is-miidaamin ah.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin in Shabaab heystaan diyaaradaha laga digayo, hadana waxaa dhowaan magaalada Gaalkacyo lagu qabtay diyaarado laga soo dejiyey dhanka Boosaaso oo loo waday Al-Shabaab.

Somaliland oo heshiis kale oo xasaasi ah la gashay dalka Imaaraadka Carabta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee maamulka Somaliland ayaa heshiis isfahan wada shaqeyn ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, shirkaddaas oo lagu magacaabo Emirates Industrial Laboratory ayaa ka shaqeysa arrimaha Macdanta.

Heshiiskaan waa mid shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta u oggolaanaya in deegaanada Somaliland ay ka hirgaliso qalab sheybaar oo lagu baarayo macdanta kala duwan ee deegaannadaas laga qodo.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo heshiiskaan la saxiixatay shirkadda Emirates Industrial Laboratory, ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabay qalabka sheybaarka ah iyo baaritaanka macdanta Somaliland, isla markaana hadda xal loo helay caqabadihii jiray.

Somaliland ayaa sheegtay in markii hore Macdanta laga qodo deegaanadooda loo qaadi jiray dibadda, si loo ogaado nooceeda iyo tayadeeda sheygaas, balse hadda waxay heshiis la galeen shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

“Waxaan kala saxiixannay heshiis isfahan ah oo ay maalgalin ku sameeyaan laabka macdanta ee wasaaradda, haddii ay dhisme noqoto iyo haddii ay qalab noqotaba,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali) oo BBC u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Deegaanada Somaliland horay waa looga qodi jiray Macdanta, waxaana dhowr jeer dadkii qodayey ku soo dumay godad waaweyn, maadaama aysan heysan qalab, aqoontiina aysan laheyn.

Qolada ay Somaliland heshiiska cusub la gashay ee Emirates Industrial Laboratory waa hay’ad bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid tahay baarista goobaha ay ku jiraan macaadinta, shidaalka iyo saliidda, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay qeyb ka qaadato soo saarista injineero ku xeel dheer shaqooyinkaan iyo qalab kala duwan oo wax lagu baaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga carootay, aadna uga gilgilatay heshiis ay bilowgii sanadkaan Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo khatar ku ah badda Soomaaliya, mar kale waxaa soo shaac baxay heshiiskaan ku saabsan macdanta ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

Inkastoo aysan cadeyn mowqifkooda, Imaaraadka ayaa loo arkaa inuu u janjeero dhanka Itoobiya, isla markaana uu ku jiro dowladaha khatarta ku ah Soomaaliya, kana soo hor jeeda dib u soo kabashadeeda, dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa sida ay uga jawaabto heshiiska cusub ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

Ciidanka xoogga dalka oo Shabaab kala wareegay deegaan Istaraatiiji ah kadibna…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta la wareegay deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankan oo kooxda Al-Shabaab u aheyd meel istaraatiiji ah ayaa waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidanka xoogga dalka.

Howl-galka qorshaysan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay saldhigyo kooxda ku lahaayeen deegaanno badan oo hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobaha la burburiyay ayaa waxaa la sheegay in kooxda ku baadi jireen dadka shacabka ah, waxaana halkaasi weli ka socda baacsiga maleeshiyaadka Shabaabka.

Howl-galkan ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay taliye ku-xigeenka ururka 162-aad ee kumaandooska Danab Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil, isagoo xaqiijiyay in ciidanka ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Qudus.

“Waxaa jira howl-gal soo bilowday xalay saqdii dhexe kana soo bilowday deegaanno hoostaga degmada Kismaayo oo kow ka tahay Leel-kuus, Qudus, Yaaq Caleen, wuxuuna ahaa howl-gal burburin ah, inta uu socday wax iska-caabin ah kalama kulmin Khawaarijta,” ayuu yiri taliyaha Danab ee la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka wada howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo kooxda looga fara-maroojiyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan maraya heer geba-gebo ah ayaa waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, iyada oo mudadaas ay kooxda qaaday weeraro rogaal celin ah oo khasaare uu kasoo gaaray ciidanka.

Maxaad ka ogtahay sadexda arrin ee ERITREA ay muhiim ugu tahay Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tiro dhowr jeer ah ku laabtay waddanka Eritrea. Waa mid kamid ah saddexda dal ee ugu badan ee u safray muddo xileedkiisa cusub, labada kale waa Kenya iyo Imaaraadka.

Dalkaan yar ee nidaamka kaligii teliska ah uu ka jiro ee Eritrea la yiraahdo ayaa kamid ahaa dalalka uu siyaasad ahaan horey si adag ugu naqdiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin maanta waxay ula muuqata goob mudnaan badan.

Markii aad xukunka raadineysid iyo markii aad maamuleysid isku hadal, isku fikir iyo isku go’aan ma noqon kartid. Sidaas awgeed Xasan Sheekh maanta xukunka haysta aad looguma xisaabin karo dooddiisi kursi doonka.

Markii aan usoo laabano maanta iyo Eritrea, waxaa jira saddex qodob oo ay Eritrea maanta muhiim ugu tahay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah;

1. Dhismaha ciidanka

Dal ku ogol inuu ku siiyo garab ciidan adiga oo argagixiso ku haysato oo soo kabashana ku jira ma diidi kartid. Eritrea waxay hadda ku jirtaa ama lagu tiriyaa inay tahay mid kamid dalalka bixiya tababarka ugu sareeya ee xaga ciidanka, marka laga hadlayo dalalka ku yaalla qaarada Afrika.

Horey dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa illaa 5 kun oo askari oo nuucyo kala duwan iskugu jiray u siisay tababar. Xasan Sheekh isna hadda ciidan ayey muddo xileedkiisa cusub u diyaarinayaan.

Garabkaas ciidan ee aan danta gaarka ku hoos jirin waa lagu xilan karaa Eritrea.

2. Colaadda iyaga iyo Itoobiya

Maadaama ay is hayaan labada waddan ee Eritrea iyo Ethiopia waxay dowladda Soomaaliya ku qasban tahay inay xiriir fiican la yeelato Asmara, si go’doon siyaasadeed loo dareensiiyo Addis Ababa.

Marka laga hadlaayo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh waa ku qasban yahay inuu la saaxiibo ama soo dhaweysto dal walba oo diidan Itoobiya.

3. Shaxda isbaheysiga saddex geesoodka ah

Hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki oo kamid ah madaxda ugu muddo xileedka dheer caalamka maanta, ayaa muddooyinkan ku mashquulsana inuu dhiso isbaheysi saddex geesood ah oo ka kooban Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, kuwaas oo isku aragti iyo isku dan ka noqonaya xaaladda gobolka, gaar ahaan diidmada damaca isballaarinta ee Itoobiya.

Itoobiya iyo Masar waxay isku hayaan kiiska biyo xireenka, Eritrea iyo Ethiopia waxay isku hayaa dhul iyo damac bad. Soomaaliya iyo Itoobiya-na waxay weligood isku hayeen dad iyo dhul, maantana waxay xiisadooda ku qotonta damac badeed.

Madaxda saddexdaan dal ayaa doonaya inay ka midoobaan guud ahaan arrimaha gobolka, gaar ahaan in la joojiyo Itoobiya.

Marka saddexdaan arrimood la isku geeyo madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda inuu ku saxan yahay in uu kor usoo qaado cilaaqaadka Eritrea oo ay bilowday dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradka Soomaaliya qaar waxay aaminsan yihiin inuu Afwerki uu aragti kaligii talisnimo ah ku talaalayo Xasan Sheekh, laakiin Soomaaliya-da maamullada iyo qabiilada u kala degan qofna xoog kuma qabsan karo maanta.

Muranka kursiga SAALAX oo cirka isku shareeray iyo waxa uu ka qabo sharciga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka horyimid talaabadii guddoomiyaha Aqalka sare uu Shalay uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare.

Bayaan uu soo saaray maanta ayuu Mr Saalax wax lala yaabo ku tilmamaay go’aanka gudoomiyaha aqalka sare.

Waxaa uu farta ku fiiqay in tallaabada gudoomiyaha ay tahay mid baal-marsan shacriga iyo dastuurka dalka.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi inaanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri bayaankiisa ku yiri Saalax Axmed Jaamac.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay in uusan jirin sanatar awood u leh in u aqalka ka saaro senatar kale.

“Waxaa ayaan-darro ah in gudoomiyaha aqalka sare uu soo saaro go’aan shaqsi ah oo baalmarsan go’aanka golaha aqalka sare soo-jeedintii gurracneyd, ma jiro sanatar awood u leh in uu aqalka ka saaro sanatar kale” ayuu yiri mr Salax.

Hadalka Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu shalay gudoomiyaha golaha shacabka shaaciyay in uu xilka ka qaaday.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Qaar ka mid ah sanatarada ayaa si wayn uga horyimid go’aanka gudoomiyaha aqalka sare.

Arrinta doodda ugu wayn ay ka dhalatay ayaa waxaa ka mid ahaa markii uu gudoomiye Cabdi Xaanshi uu aqalka ugu wargaliyay in uu doonayo in isla kalfadhigaa shalay xilka loogu dhaariyo sanatarkii badali lahaa Mr Saalax.

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo aqalka ka hor hadlayay ayaa sheegay in qofka xilka loo doorainayo ay tahay in uu doorasho ku yimaado islamarkana digeeto aysan cidna senatar ku noqon kari.

“Waxaan ka hadlayaa haddii uu qofka xilka waayo siduu kursiga ku soo qaadan karaa waxaa uu ku soo qaadan karaa doorashii uu ku soo qaatay qofkii xilka waayay in kan badalayana uu ku soo qaato, hal qof o digreeto lagu dhaarin karo kuma jiro golayaasha marka gudoomiye adigaa noogu wayn sharcigana haya, hadii midka hore qaloocdana midka dambana waa qaloocanayaa marka waxay dhalaysaa in anaga oo dhan anaga oo maqan digreeto nagula badalo,” ayuu yiri Senatar Dhagdheer.

Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa yiri” “Haddii Senator walba uu Cabdi Xaashi badali karo mid kalena soo magacaabi karo… waxay noqoneysaa taariikh qaran jab ah, Bal waa kaase badal 54-ta senator oo idil”

Maqnaanshaha senatarada ee kalfadhiyada

Abukate zakariye oo ah khabiir dhanka dastuurka ayaa sheegaya in hay’ad walba oo dowladda ka tirsan ay leedahay xeer hoosaadyo ay tahay in lagu dhaqmo.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha dowladda oo ay ka mid yihiin aqalada sharci dajinta ay leeyihiin xeerar u dagsan oo lagu shaqeeyo islamaarkana lagu nidaamyo habka ay shaqada u soconayso.

“Hay’ad kasta oo jirta wuxuu leeyahay xeer hoosaadyo oo lagu nidaaminaayo shaqada la qabanayo, waxa qofku qabanayo, fasaxyada, waqtiga shaqada waxaasi oo dhan lagu nidaamiyo,” ayuu yiri abukate Zakariye.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in aqalada sharci dajinta ay leeyihiin waqti cayiman oo qofka haddii uusan kalfadhiyada ka soo qeyb galin uu xilkiisa ku waayni karo.

“Waxaa la dhihi karaa in la yiraahdo kalfadhi kasta ama bilooyinka ay kalfadhiyada socdaan waa in ugu yaraan in uu hal kulan yimaado, haddii uu labo kalfadhi uu imaan waayo hal kulan, xilka ayuu waayi karaa, kalfadhi kastana waxaa uu socon karaa ilaa 20 kulan,” ayuu intaa ku daray.

Abukate zakariye ayaa dhanka kale xusay in haddii uu xildhibaanak ama senatarka uu ka maqnaanayo kafadhiyada ay tahay in uu haysto fasax ama cudur daar.

“Waa laga yaabaa in qiil ay sameystaan oo ay kensadaan oo warqado dhakhtar ay soo dirsadaan inay cudur-daar sameystaan oo ay yiraahdaan fasax saddex bilood ah ha nala siiyo, wxaas oo dhan ayaa dhici kara marka taasi baaritaan ayay u baahan tahay,” ayuu yiri Abukate Zakariye.

Isha: BBC

Sawirro: Xamza oo maanta dhagax dhigay qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsza Cabdi Barre oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda dhagax dhiga ka sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, islamarkaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska.

Ugu dambeyntiina wuxuu ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.

Tartankii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiiri-gelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh.

Sarkaal ka tirsanaa NISA iyo ilaaladiisa oo hab yaab leh loogu dilay magaalada…

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa xalay isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay ay gurigiisa saq-dhexe ku weerareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kadibna ay dileen.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan.

Shacabka ku dhaqan waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa maanta isugu soo baxay halkaasi, waxayna dhigeen dibadbax cabasho ah.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay dibad-baxa ayaa dilka wadareedkan ku eedeeyay ciidamada Gaashaan ee hay’adda NISA, waxayna fariin u direen dowladda dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in aan la aasi doonin marxuumiinta illaa gacanta lagu soo dhigayo dadkii dilay.

“Maydadkan illaa dadkii dilay gacanta looga soo dhigaayo mala duugaayo, talaajada ayay ku jirayaan” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka oo goobta ka hadlay.

Xaaladda Afgooye ayaa weli cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Xog: Xamza oo ku sigtay in xilka laga qaado iyo abaabul mooshin culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isasoo taraysa xog sheegeysa in la abaabulayo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xildhibaanada qaar ay rabaan inay xilka ka xayuubiyaan.

Mooshinkaan ayaa socday muddooyinkii lasoo dhaafay si hoose ku socday, balse Sabtidii ayuu fashilmay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo kala duwan oo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online xogtaan siiyey, waxaana helnay warbixin sheegeysa in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay diyaariyeen Mooshin ay doonayaan inay xil kaga qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mooshinkaan waxaa la sheegay inay ogtahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin, taas oo qorsheyneysa inay ka qabato xildhibaanada soo diyaariyey, si cod loogu qaado.

Arrintaan ayaa lagu baraarugay shalay, waxaana la baajiyey kulankii golaha shacabka, maadaama uu maqnaa guddoomiye Aadan Madoobe, isla markaana uu qorshuhu ahaa in kulanka ay shir guddoomiso Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Qorshahaan wuxuu socday muddo dheer sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana kulamada golaha fursad lagu raadinayey xilli uu maqan yahay Aadan Madoobe oo shir guddoon ay tahay Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin, si loo socodsiiyo qorshahaan halista ku ah Xamsa iyo xukuumadiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku maqnaa dalka Imaaraadka ayaa helay xogta xil ka xayuubinta Xamsa ee xildhibaanada qaar ay damacsan yihiin, wuxuuna amray in la qbaajiyo kulankii uu shalay goluhu yeelan lahaa.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa deg deg dalka ugu soo laabtay, isagoo maanta kasoo degay Muqdisho, waxaana sidaas ku fashilmay qorshe xasaasi ah oo la doonayey in lagu dumiyo xukuumadda, iyadoo aan la ogaan, si lamid ah xukuumadii Xasan Cali Kheyre oo 7 daqiiqo lagu riday.

Xalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo ay wadaan xildhibaanada saxiixay mooshinka xil ka xayuubinta Xamsa, waxayna xildhibaanada wada mooshinkaan u badan yihiin hal dhinac sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kiiskaan ayaa salka ku haya khilaaf culus oo ka taagan wasaaradda Qorsheyta ee xukuumadda Xamsa, wasiirka wasaaradaas ayaa dhowaan xilka ka qaaday Guddoomiyha Hay’adda Istaatiitikada Qaranka, taasi oo sababtay in wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka ay diidaan xilka qaadistii uu sameeyey wasiirka qorsheynta Maxamuud Beenabeene.

Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Puntland oo guddoomiyaha xilka laga qaaday metela ayaa soo farogeliyey kiiskaan, waxayna muddo Ra’iisul Wasaaraha ku cadaadinayeen in khilaafka wasaaradda uu wax ka qabto, gaabis dhanka Xamse ah kadibna waxaa hadda miiska saaran Mooshinkiisa oo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

Saalax oo si adag uga horyimid tallaabadii Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si adag uga horyimid tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in uu waayay kursigiisii golaha, isaga oo sababta ku sheegay inuu soo xaadiri waayay kulamada Aqalka Sare muddo laba sano iyo bar ah.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Saalax oo soo jawaabay ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha Aqalka Sare ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana baal-marsan dastuurka dalka.

“Waxaan caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi in aanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Saalax.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Senatoradii diiday go’aanka guddoomiyaha ee shalay doodda ka keenay in golaha laga saaro Saalax Axmed Jaamac.

Cabdi Xaashi kuma ekaan in golaha uu ka saaro ra’iisul wasaare ku xigeenka, balse waxaa kale oo uu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booskaas, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha iyo inuu soo magacaabo xubin cusub.

QM oo soo fara-gelisay khilaafka Axmed Madoobe iyo DF iyo Swan oo maanta…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa si toos ah usoo farogelisay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex-qarxay Jubbaland iyo dowladda dhexe, waxaana arrintaas saaka Kismaayo u tegay ku simaha ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

James Swan oo saaka ka ambabaxay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu haatan kulamo xasaasi ah kula leeyahay Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha Jubbaland iyo Swan ay haatan kulan gaar ah ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada, kaas oo looga hadlayo khilaafka taagan iyo xaaladda guud ee dalka.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda siyaasadeed iyo waxyaabihii sababay inuu Axmed Madoobe isaga baxo shirkii golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho, kaddib markii la isku mari waayay qodobo dhowr ah oo ku aadanaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida loo wajahayo.

Ujeedka ugu wayn ee socdaalka wakiilka QM ayaa ah sidii xal waara loogu helaa arrimaha doorashooyinka, la’iskuna soo dhaweyn lahaa Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Khilaafkan cusub ee durbo soo baxay ayaa la dareemay saameyntiisa, maadaama illaa iyo hadda aan wax go’aan laga soo saarin shirkii Muqdisho, inkastoo ra’iisul wasaare Xamza uu horay u shaaciyay in shirka uu sii socdo, soona saari doonaan go’aanno wax ku ool ah.

Si kastaba, James Swan oo mar labaad loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay doorashooyinkii 2022-kii iyo marxaladii kala guurka aheyd ee caqabadda badneyd, taas oo ugu dambeyn laga soo gudbay dibna loo doortay Xasan Sheekh, waxaase ay u muuqataa in mar kale ay soo noqotay isla caqabaddii doorashada.

DAGAAL culus oo dib uga qarxay duleedka CADALE

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal beeleed khasaare gaystay uu ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan 10 kiilo mitir u jira magaallo xeebeedkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 3 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya, waxaana lagu soo warramayaa inay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii daraysa xiisadda ka jirta halkaasi.

Ma jiro illaa iyo haddda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan aagga ay wax ka dhaceen.

Cadale ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana deegaanada hoos yimaada degmadaas saameyn ku yeeshay dagaallo kusoo noq-noqday.

Dagaalka cusub ee dib uga qarxay aagga Cadale ayaa sidoo kale buriyay heshiis dhowaan laga gaaray colaaddii Shabeelaaha Dhexe, kadib dib u heshiisiin ay gobolka ka sameeyeen madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda sare ee HirShabelle.

Ku dhawaad 30 Shabaab ah oo lagu dilay hal goob kadib…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay howlgal iyo dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa looga hortegay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen, waxaana si gaar ah u sameeyay Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab, waxaana taliska uu sheegay in guullo waa wayn ay ka gaareen.

Maxamed Xasan Abuukar Dhala Dheere oo taliyaha ururka 251-aad Guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubnahii weerarka kusoo qaaday.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay dileen ugu yaraan illaa 25 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa cashar u dhigay Khawaarijta oo ay isku dayeen inay weerarto saldhiga ciidanka Xoogga Dalka ee degaankaasi Raas qaboow, waxaana halkaasi looga dilay 25 dhaqarqabe” ayuu yiri taliye Maxamed Xasan Abuukar Dhala Dheere.

Sidoo kale wuxuu intaasi in ciidanka xoogga dalka ay wali sii baacsan hayaan firxadka xubnahii weerarka kusoo qaaday saldhiga deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegtee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana weli kasii soconayo howlgallo xoreyn ah.

Gabadha awoodda badan ee K/Waqooyi oo digniin dirtay

Pyongyang (Caasimada Online) – Kim Yo Jong, oo ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtidii uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya.

Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan ” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Waxay kaloo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda.

Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay.

DF oo ka hadashay go’aanka Kenya Airways ku joojineyso duulimaadkeeda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan ka soo baxay Shirkada duulimaadyada Kenya Airways oo sheegtey in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho.

Qoraal ay shirkaddu soo saartay maalin ka hor ayey ku sheegtay in ay duulimaadyadii Muqdisho ay u hakisey sababo dhanka shaqada ah, inkastoo aysan si dhab ah u xaqiijin sababta ka dambeysa joojinta duulimaadkooda Muqdisho.

Shirkadda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in kulan ay yeesheen gudiga maamula shirkada Kenya Airways ay isla garteen in laga bilaabo 14-ka bishan October ay joojiyaan duulimaadyadii ay diyaaradoodu ku imaan jirtey magaalada Muqdisho.

Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Maxamed Siciid Cabdullaahi oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in xogtaas ay hayaan, balse aysan jirin wax caqabad ah oo shirkadaas ay la wadaagtay oo kalifay inay joojiyaan duulimaadkooda.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dareemayaan in qiimo yari ay jirto, maadaama shirkado badan oo caalami ah ay suuqa ku soo biireen, kuwaas oo duulimaadyo toos ah ku yimaada Muqdisho.

Waxaa la weydiiyey Maareeyaha in rakaabkii aadi jiray Nairobi Kenya uu yaraaday, wuxuuna sheegay in uusan yaraan, balse ay jiraan shirkado kale oo sababay in qiimo dhimis ay timaado.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa cadeeyey in wax dhib ah aysan u arkin in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay joojisay duulimaadyadeedii Muqdisho to Nairobi, maadaama ay soo badanayaan diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee dib u bilaabaya duulimaadyadoodii Muqdisho.

Shirkadda diyaarada Sacuudiga iyo dalal kale oo Yurub iyo Mareykanka ayuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan duulimaadyadooda Muqdisho, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay soo kabatay, isla markaana aysan dhib u arkin go’aanka hal shirkad oo danteeda ganacsi ka fikireysa.

Hoos ka dhageyso wareysiga