26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Maxaad ka ogtahay halista dagaal ee ku gadaaman isbaheysiga cusub ee Asmara?

0

Asmara (Caasimada Online) – Heshiis iskaashi oo dhinaca amniga ah oo dhex maray Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa si la yaab leh u beddelay isbahaysigii gobolka Geeska Afrika, isaga oo sii cidleeyey Itoobiya, lagana yaabo in uu sare u qaado halista dagaal, sida ay qabaan fallan-qeeyayaasha.

Saddexda dal ayaa shir-madaxeed lama filaan ah ku yeeshay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea Khamiistii, kaasi oo uu ku baaqay hoggaamiyaha kali-taliska ah ee dalkaas Isaias Afwerki.

Waxay ku dhawaaqeen dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka shaqeeya “iskaashiga istaraatiijiyadeed,” waxayna isku raaceen in la isku duwo dadaallada ku saabsan amniga gobolka.

“Dadka indha-indheeya way ku adkaan doontaa inay u arkaan heshiiska cusub ee iskaashiga amniga inuu yahay wax aan ahayn isbahaysi ka dhan ah Itoobiya,” ayuu yiri Andrew Smith, oo ah falanqeeye sare oo Afrika u qaabilsan shirkadda istaraatiijiyadda amni ee Verisk Maplecroft.

Maxaa keenay heshiiska?

Masar ayaa in muddo ah waxay Itoobiya isku hayeen biyo xireenka Dib u curashada weyn ee (GERD), oo ah mashruuc koronto-dhallin oo Addis-Ababa ay ka sameysay wabiga Niilka Buluuga ah.

Addis Ababa ayaa sheegtay in biyo-xireenku uu muhiim u yahay inuu koronto siiyo 120 milyan oo qof, laakiin Qaahira ayaa u aragta inuu halis ku yahay jiriteenka maadaama boqolkiiba 97 ay ku tiirsan tahay biyaha Niil.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa xumaa tan iyo bishii November 2022-kii kadib heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii labada sano ka socday Tigray, inkasta oo Asmara ay u dirtay ciidamo si ay u taageeraan ciidamada dowladda Itoobiya ee dagaalka ku jiray.

Eritrea oo ciidamadeeda lagu eedeeyay tacadiyo baahsan intii uu dagaalku socday, ayaan qayb ka ahayn heshiiskii Addis Ababa iyo nacabkii Asmara ee Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray ee TPLF.

Waxaa sii dheer oo xaaladda hubanti la’aan ku sii daraya khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira heshiiskii badda ee Addis Ababa ay bishii Janaayo la gashay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

“Taariikh ayaa dib uga qormeysa ayada oo Geeska Afrika uu mar kale u qaybsamayo aag iska soo horjeeda, oo ay ku jiraan taageerayaal kala duwan oo dibadda ah,” ayuu yiri Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika u qaabilsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, International Crisis Group.

Smith ayaa ku tilmaamay heshiiska Asmara “mid la filayey, balse isbeddel lama filaan ku ah xiriirka gobolka.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowrkii sano ee ugu horreysay ee xafiiska uu ku sugnaa waxaa astaan u ahaa hagaajinta xiriirka Itoobiya ee Eritrea iyo Soomaaliya, wuxuuna yiri, “marka in (Soomaaliya) ay Addis ku beddelato Qaahira oo loolanka ugu weyn uu kala dhaxeeyo Itoobiya waa arrin dib u laabasho ah”.

Ma laga yaabaa in dagaal gobolka ah uu xigo?

“Heshiiskani wuxuu isku dayayaa inuu albaabka ka xiro hamiga badda ee Itoobiya,” ayuu yiri Smith.

Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland waxa uu dhigayaa in dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan uu helo marin badeed oo ay muddo badan ku taamayeen, iyada oo Somaliland ay ka kiraysay dhul xeebeed deked iyo saldhig ciidan ay ka dhigato.

Muqdisho, oo diiday ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland ee 1991-kii, ayaa heshiiskaas ku tilmaantay weerar cad oo ka dhan ah madax-bannaanideeda — xitaa waxay Addis Ababa ku eedaysay inay isku dayday inay qayb ka mid ah dhulkeeda ku darsato.

“Inkasta oo heshiisku yahay bandhig gobol, haddana ma cadda halka ay Itoobiya kaga dhaqaaqi doonto halkan marka ay noqoto doonisteeda badda iyada oo aan nooc un dagaal la gelin dalalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya iyo Eritrea,” ayuu yiri Smith.

Waxaa fikirkaas oo kale la qaba Oma Mahmoud oo ka tirsan ICG. “Tani waa bandhig diblomaasiyadeed, halkii ay ka ahaan lahayd iska horimaad milatari,” ayuu yiri.

“Laakiin tuhunada waa sarreeyaan, xiriirkuna waa hooseeyaa. Tani waxay kor u qaadaysaa khatarta ah in ay kororto suurta-galnimada nooc iska hor-imaad, haddii loo ogolaado inuu sii xumaado oo ka sii daro.”

Waa maxay fal-celinta Itoobiya?

Addis Ababa afka ayey ka xiratay heshiiska Asmara, iyadoo codsi ay AFP u dirtay afhayeennada dowladda si ay faallo uga bixiyaan aan laga jawaabin.

“Isbahaysiga cusub wuu ka xanaajin doonaa Itoobiya laakiin kama yaabin doono,” ayuu yiri Smith.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nebiat Getachew ayaa ku tilmaamay xiriirka Addis-Ababa iyo Asmara mid nabad ah, wuxuuna sheegay inay ku naaloonayaan “deris wanaag iyo saaxiibtinimo wanaagsan”.

Abiy ayaa ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2019 ka dib markii uu billaabay xiriir lama filaan ah oo uu la yeeshay Eritrea ka dib is-mari waa socday in ka badan 20 sano.

Waxa uu bishii hore ka digay in Itoobiya “ay bahdili doonto cid kasta oo ku dhiirata inay noo hanjabto”, iyadoo uusan magacaabin dalal.

Itoobiya waxa ay sidoo kale ku eedeysay Jilayaal aan la magacaabin inay doonayaan inay “qalqal galiyaan xasiloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milatari u dirtay Soomaaliya ka dib markii ay saxiixdeen heshiis iskaashi militari.

Cawaaqibyo kale

Smith waxa uu sheegay in heshiiska Asmara uu “hubanti la’aan hor leh” ku tuurayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Ciidamada nabad ilaalinta ee hadda oo loo yaqaan ATMIS ayaa lagu wadaa in dhammaadka sanadkan la soo geba-gebeeyo, laguna badalo howlgalka dib u habeyn lagu sameeyay oo lagu magacaabo AUSSOM, kaas oo ay Qaahira ku yaboohday in ciidamo ku darto.

“Suurta-galnimada daabulaadda ciidamada Masar, iyo ciidamada Eritrea, waxay la macno tahay in ay sii kordheyso suurta-galnimada in Soomaaliya ay riixdo bixitaanka Itoobiya dhammaadka sanadka, laakiin in ay dhab ahaantii bixi doonaan ayaa ah su’aal muhiim ah,” ayuu yiri Smith.

Omar Mahmood ayaa sheegay in heshiiskan uu sidoo kale adkeynayo dadaallada uu Turkigu ku doonayo in uu ku dhex-dhexaadiyo khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Muqdisho, tallaabada waxay u badan tahay in looga gol leeyahay in lagu xoojiyo mowqifkooda si ay u beddelaan xisaabaadka Addis ee ku aaddan Is-afgaradka [Somaliland],” ayuu yiri.

“Dhanka Addis, waxa yeelan kartaa saameyn caksi ah, oo ah in ay cirbaha ku sii adkeysato dhulka, ayada oo ay noqoneyso mid ay ku hareereysan yihiin dalal u midoobay in ay mucaaraadaan hamiyadeeda gobolka.”

DF oo ganacsatada Muqdisho uga digtay arrin ay ku qasbeyso kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan kaamirooyinka ee ay horay u amartay dowladda in lagu xiro guryaha iyo goobaha ganacsi ee Muqdisho.

Yabooh ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ka war haayo ganacsato iyo dad shacab ah oo dib u furay kaamirooyinka ay xirteen, sababo la xiriira culeys amni oo soo wajahay, ayna soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in arrintaasi ay dambi tahay, islamarkaana aan la furi karin kaamirooyinka xiran, la’iskulana xisaabtami doono.

“Beryahaan waxaan maqlaayay meelo la leeyahay kaamirooyinka ayaa laga furay oo dad shacab ah ayaa furay duruufo jireen inay u fureen ayaa suuragal ah, laakiin ma noqoneyso wax sax ah kaamiro la xiray in la furo, waana dambe aad iyo aad u wayn,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kaamirooyinka ay wax badan soo kordhiyeen, islamarkaana ay ka qayb qaateen sugidda amniga caasimada.

“Kaamirada sideeda ka hortagna waa la eedahay ka daba tegna waa leedahay, wax badan ayay qabatayaa, dambiilayaasha ayay qabataa,” ayuu mar kale yiri Yabooh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab ay beegsi ku bilowday goobaha ganacsi ee lagu xiray kaamirooyinka, iyada oo qaarkood qarxisay, sidoo kale dishayna dhowr qof oo ganacsato ahaa, kadib markii ay ka dhago adeegeen amarka kooxda oo lasoo xiriirtay.

Daawo: Ku-simaha degmada Hodan oo is-muujin sameeyay kadib go’aankii gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha maamulka degmada Hodan, sidoo kalena ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi Axmed Saciid ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo is-muujin ah, kadib markii dhowaan shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiye Cali Fahle.

Axmed Saciid ayaa maanta olole nadaafadeed oo u muuqdo inuu isku muujinayo ka sameeyay isgoyska suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ku simaha oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay ilaalinta nadaafadda, si ilaaliyo waddooyinka la dhisay ee degmada Hodan.

“Waxaa la rabaa laamiga iyo waddooyinka la dhisay in ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan degmada inay iska nadiifiyaan hortooda, si loo ilaaliyo bilicda’ ayuu yiri ku simaha.

Sidoo kale Axmed Saciid ayaa digniin culus u diray dadka biyaha kusoo quba waddooyinka, wuxuuna sheegay inay ka qaadi doonaan tallaabo culus.

“Waxaan amar idin ku siineynaa in qofkii biyo kusoo daadiyo laamiga laga bilaabo maanta waxaa la ogeysiin doonaan in la ganaaxi doono” ayuu yiri Axmed Saciid Cumar.

Waa markii labaad uu qaadayo tallaabo uu isku muujinayo Axmed Saciid, wuxuuna sidoo kale habeen hore kormeer ku maray waddooyinka degmada Hodan ee gobolka Banadir.

Hodan ayaa wajaheysa xaalad cusub oo ka dhalatay shaqo ka joojinta guddoomiye Cali Fahle oo ay is qabteen guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir.

Xamza oo qaabilay Swan, kadib safarkiisii Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay sii hayaha ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo haatan kasoo laabtay magaalada Kismaayo oo uu kula soo kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Kulanka Xamza iyo Swan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo QM, iyada oo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka oo uu ka taagan yahay muran xoogan, maadaama Axmed Madoobe uu diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod, arrintaas oo looga hadlay shirka golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho.

Arrimaha kale ee laga wada-hadlay waxaa kamid ah xasillinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta iyo arrimaha bini’aadanimada ee dalka.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus, waxaana xilliyadaan oo kale dadaallo dheeraad ah sameeya James Swan, kaas oo Axmed Madoobe ugu tegay Kismaayo, si xiisadda loo qaboojiyo.

Si kastaba, ma jirto natiijo laga gaaray illaa iyo hadda dadaallada la sameeyay, waxaana lasoo wariyay in hoggaamiyaha Jubbaland uu ku adkeystay mowqifkiisa diidmada ah iyo inuu qabsanayo doorasho gooni ah oo deg deg ah.

Ciidamada dowladda oo la wareegay 15 tuulo kadib markii…

0

Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahino dbeeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay guutada 14- Oktobar oo la wareegtay illaa 15 tuulo oo u dhexeeya magaalooyinka Janaale iyo Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ayaa kala ah Kaaytooy, Mushaani, Majabto, Doonkaa daafeedow, Buulakamiirow, Buulajadiid,  Shufeeri, Doondheere, Cadceed, Malable. Buulanaaji, Buulaaruundi, Malable iyo Beeraha baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Sidoo kale ciidamada  sameeyay howlgalladan sifeynta ah ayaa cagta mariyay goobo kala duwan oo gabaadyo u ahaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo jira khasaare xoogleh oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse saraakiishu ma shaacin tiradooda rasmiga ah.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada baaritaano ka wadaan gudaha tuulooyinka ay saakay howlgalada sifeynta ah kula jarmaadeen oo horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab, si looga xaqiijiyo amniga loogana hortago soo rogaal celinta Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca howlgallo iyo dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.

Sidee u dhacay dilkii maanta ka dhacay shirkada Hormuud?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay dhacdo sababtay dil oo maanta ka dhacday xarunta wayn ee Suuqa Bakaaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkadda ay tageen laba nin oo hubeysan, isla markaana watay dareeska ciidanka, kuwaas oo doonayay inay lacag kala baxaan shirkadda, laakiin wuxuu maamulku sheegay in la ogaaday in Sim-cardka ay wateen aysan iyagu lahayn kadib markii laga shakiyay dhaq-dhaqaaqooda.

Intaas kadib labada nin ayaa baxay, waxayna keeneen gabar ay afduub ahaan usoo wateen, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhacday israsaaseyn dhex-martay raggaasi iyo ilaalada Hormuud, waxaana goobta ku dhintay mid kamid ahaa labada nin halka kan kale uu baxsaday.

Waxaa weli soconayo baaritaano dheeraad, iyada oo kiiskan ay la wareegeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Maanta oo taariikhdu tahay Talaado, 15, Aktoobar 2024, abaare 7:30 subaxnimo waxaa Xarunta shirkadda ee Hormuud Telecom yimid laba qof oo rag ah oo wata darays ciidan oo doonayay in lamber aysan lahayn ay kala baxaan lacago.

Kadib maxaa dhacay?

Labada nin mid ka mid ah wuxuu soo galay xarunta, halka kan kalena uu mooto bajaaj ay la socdeen kuna sugayeen, Hubin ka dib howlwadeenadii shirkadda Hormuud waxay ogaadeen in qofkaas uusan lahayn lamberka uu lacagta ka dirsanayey wayna ka diidan in ay howshaas u qabtaan.

Daqiiqado ka dib waxay keeneen xarunta gabadh, gabadhiina waxay sheegtay in la soo afduubay, balaayaddu halkaas beey ka billaatay, Muran kii halkaas ka dhashay ayaa wuxuu keenay in ay qoryohoodii la soo baxaan, halkaasna waxaa ka dhashay in ay rasaas isweydaarsadaan ragii hubaysnaa ee xarunta yimid iyo waardiyihii xarunta. Halkaas waxaa ku dhintay mid ka mid ah labadii nin, kii kale ee Ciidanka ahaana wuu cararay.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayay saraakiisha shirkaddu markiiba la xiriiray, wixii macluumaad ahna dowladda ayey shirkaddu ku wareejisay.

Tuugadii gabadha afduubatay Hormuud way iska celisay, gabadhii iyo Hantideediina way bad baadisay shirkaddu. Hormuud waxay shacabkeeda Macaamiisha ah ugu baaqaysaa iney ilaaliyaan shukuucda adeegga, haddii shirkadda talaabo qaldan loola yimaadana way is difaacaysa oo Dowladda Soomaaliyeed ayaa ogolaashahaas siisay Hormuud.

Muwaadin (Macmiil) Hormuud hantidaada way ilaalinaysaa, sabab kasta iyo waqti walba oo macquul ah.

Isbaheysiga Somalia, Masar iyo Eritrea oo la sheegay in uusan sii jiri doonin + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo dhinaca saartay Masar iyo Eritrea ayaa dhawaan wuxuu shir saddex geesood ah ugu soo dhamaaday magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa shirkaasi ku gaaray go’aanka isbaheysi cusub oo yeesheen saddexda dal, iyada oo marka hore la dhisayo guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyadan.

Xulafaysiga Soomaaliya ee Masar iyo Eritrea ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la gaartay Somaliland, kaasi oo dhabaha u xaaraya damaca guracan ee Itoobiya ku dooneyso bad.

Isbaheysigan ayaa waxaa durba ka dhashay su’aallo, ayada oo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad uu sheegay in uusan wax badan sii jiri doonin xiriirka xulufaysiga ah ee ay Soomaaliya la yeelatay dalalkaan.

Cawad ayaa ku tilmaameysa isbaheysigan mid ay ku deg-degtay Soomaaliya, isagoo ku dooday in aysan xilligaan jirin wax sabab ah oo Soomaaliya ku kalifaya in ay isbahaysi weyn la yeelato Masar iyo Eritrea.

“Annagu waxaanu rabnaa inaan helno maamul dimuqraadi ah oo taladu dadku leeyahay, oo dadka xuquuqda loo ilaaliyo, oo deris wanaag adduunka kula dhaqanta. Masar iyo Eritrea waa dalal ay ka taliyaan hoggaamiyayaal kali talis ah oo dadkooda cunaha ku dhegan,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiriirka Soomaaliya ee Eritrea iyo Masar uu yahay mid aan tamarin doonin, islamarkaana uu ku xiran yahay xiriirka dalalkan iyo Itoobiya sida uu noqon doono, isagoo hoosta ka xariiqay in danaha Masar iyo Eritrea kala dhaxeeya Itoobiya ay ka xooggan yihiin danaha kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Madaxweynaha Soomaaliya waa inuu xoogga saaro midnimada gudaha dalka, halkii uu dalalka aan danaha weyn ku lahayn Soomaaliya uu xiriir la sameyn lahaa,” ayuu ugu dambeyntiina Amb. Cawad usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda oo amar culus ku soo rogtay dekedaha dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.

Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha.

“Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda

Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024

Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda dekedaha ka soo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, isla markaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah.

Maalin ka hor, Afhayeenka ciidanka booliska oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la xiri doono ganacsadihii lagu arko isagoo ka ganacsanaya bacaha, waxaana xusid mudan in lasoo xiray xubno ka ganacsanayey Bacda.

“Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka sii yaraanaya isticmaalka bacda, waxaana lagu bedeshay Seledo iyo Baco kale oo maro ama suuf ka sameysan, kuwaas oo dowladdu ay ogolaatay in la isticmaalo.

Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan.

Muxuu yahay heshiiska laga gaaray biyaha webiga Niil ee Masar iyo Sudan diideen?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Heshiis caalami ah oo ku saabsan maareynta biyaha webiga Niil ayaa dhaqan galay inkastoo si xooggan ay uga soo horjeedaan dalalka Masar iyo Suudaan.

Kadib in ka badan toban sano oo wadaxaajood ah, heshiiska Iskaashiga Gobolka Webiga Niil ayaa loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah si loo hubiyo in dalalkan kor iyo hoosba ay ka faa’iideysan karaan biyaha Niil.

Kheyraadkan ayaa marar badan noqday xudunta khilaaf gobolka, gaar ahaan ka dib markii Itoobiya dhistay biyo xireenka oo ay doonayso in ay ka dhaliso koronto..

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la hubiyo in dhammaan toban dal oo ku jira dooxada Niil ay haystaan qaab sharciyeed oo maamula isticmaalka webiga. Laakiin labo dal ma saxiixan. Masar ayaa muddo dheer ku adkeysanaysay inay raacdo heshiisyadii 1929 iyo 1959 ee xaqiijinayay inay iyada iyo Suudaan heli doonaan qiyaas cayiman oo biyo ah sanad walba.

Masar sidoo kale waxay awood u leedahay inay diiddo mashaariic kasta oo ku saabsan webiga Niil ee dalalka aan soo xusnay.

Itoobiya waxay dhistay biyo xireenkeeda ballaaran si ay koronto ugu sameysato. Khilaafkan wuxuu qayb ka yahay khilaaf siyaasadeed oo halis ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo dhinac ah, iyo Itoobiya oo iayaduna ku sii adkaysanaysa tallaabooyin dalalkaan ka caraysiiyay.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka?

Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xireenka iyadoo Masar ay ka baqayso in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika.

Xarumaha korontada laga dhaliyo biyaha uma baahna biyo, balse sida degdegga ah ee ay Itoobiya u buuxineyso keydka biyo-xireenka ayaa saameyn doonaya hab u socoshada biyaha webiga.

Buuxinta keydka biyo-xireenka, oo lagu wado in qaadkiisu uu noqdo 74 bilyan kiyuubik mitir, waxaa yaraanaya saameynta heerka qulqulka webiga ay arrintaasi ku yeelanayso.

Itoobiya ayaa dooneysay in dhismaha biyo-xireenka ay ku soo afjarto lix sano gudahood sida ay sheegtay sanadkii 2020-kii.

Wasiirka Biyaha Itoobiya Seleshi Bekele ayaa bishii September ee sanadkii 2019-kii sheegay in dalkiisu uu qorsheynayo inuu dedejiyo arrinta ku saabsan biyo-xireenka.

Balse Masar ayaa soo jeedisay xilligaas in xilli dheer ay qaadato buuxinta biyo-xireenka – si aysan hoos ugu dhicin biyaha webiga, gaar ahaanna marka ay socoto wejiga hore ee buuxinta.

Wadahadallo u dhaxeeyay Masar, Suudaan iyo Itoobiya oo ku saabsanaa biyo-xireenka ayaa miro-dhali waayay in ka badan afar sano – Mareykanka ayaana soo fara geliyay oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo hase-yeeshee kuma guulaysan in xal laga gaaro

Kaddib wadahadllo dhacay 2020-kii, Mr Seleshi ayaa Masar ku eedeeyay inaysan dooneyn in heshiis la gaaro.

“Uma maleynayo markii ay Masaaridu halkan yimaadeen inay u yimaadeen in heshiis la gaaro,” Mr Seleshi ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

“Waxay haddana la yimaadeen qorshe cusub oo buuxinta biyo-xireenka ah. Waqtiga ay doonayaan inay qaadato buuxinta biyo-xireenka waa 12 ilaa 21 sano.

“Tani maaha mid la aqbali karo,” ayuu yiri.

Wasiirka Biyaha Masar Mohamed Abdel Aty, ayaa isagana sheegay in labada dhinac ay xoogaa is-afgarasho ah gaareen.

Khilaafka arrintaas ka dhashay oo weli taagan ayaa keenay in dhawaan ay Masar ka qayb ka noqoto iskaashi saddex geesood ah oo looga dhawaaqay magaalada Asmara ee caasimadda Ereteriya kaas oo u dhaxeeya madaxweynah Ereteriya Isaias Afwerki, Cabdul Fitaax- asiisi madaxweynaha iyo Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya.

Iskaashigaan ayaa ah mid ka dhan ah oo Itoobiya ay u aragto inuu khatar ku yahay, waxaana dadka falanqeeya arrimaha gobolka ay sheegayaan in xiisadda gobolka oo awalba maraysa meel adag ay sare u sii kici karto.

Isha: BBC

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo loogu abaal gudayo Suudaan – Maxay tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Suudaan ee haatan.ku nool gudah Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeenna oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada.

“Dowladda Suudaan waxa ay kamid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda XFS Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa isna maanta la kulmay ku-simaha safiirka Suudaan ee Soomaaliya Amb. Ammar Axmed Babiker.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Labada dhinac ayaa waxay adkeeyeen muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah iyo wada-shaqeynta arrimaha labada dal danaynayaan.

Sidoo kale waxaa la isla fallan-qeeyey xaaladda gobolka iyo tan caalamka, gaar ahaan xaaladda Suudaan, iyada oo wasiir Fiqi uu muujiyey taageerada buuxda ee Soomaaliya u hayso shacabka Suudaan.

Dowlada Canada oo ceyrisay diblomaasiyiin sare oo Hindi ah

0

Ottawa (Caasimada Online) – Canada ayaa Isniinti shalay ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu heyso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya ayaa ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso.

Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo.

Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iuslwasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar.

Hindiya ayaa in muddo ahba diidaneyd eedaha Canada. Iyada oo ku eedeysay ra’isulwasaare Trudeau nin ajandayaal siyaasadeed ka leh Indiya.

Israel oo duqaysay deegaan ay ku badan yihiin masiixiyiinta Lubnan + Khasaaraha

0

Beirut (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay hay’adda Laanqeerta Cas ee Lubnan, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen Isniinti guryo ku yaalla waqooyiga dalka Lubnan.

Duqeynta ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshooyinka masiixiga Lubnaan ee dhinaca waqooyi.

Wariyaasha ayaa sheegaya in aaggaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha kooxda Xisbullah. Xisbullah ayaa ku xooggan dhinacyada koofurta iyo bariga Lubnan.
Ma jirto wax faah-faahin ah oo weerarkaasi ku saabsan oo kasoo baxay Isra’il.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib, markii weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbulah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga Israa’iil ay ku dileen afar askari oo dhammaantood ahaa 19 jirro.

Weerarka oo sidoo kale lagu dhaawacay 7 kale, ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay u geystaan Isra’il, tan iyo markii ay milatariga Isra’il billaabeen duullaanka dhulka ah ee ay ka wadaan waqooyiga Lubnan.

Laftagareen oo amray in aan la’aasin sarkaalkii la dilay, kiis adagna ku furay DF

0

Afgooye (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la kulmay xubno kamid ah maamulka degmada Afgooye, wuxuuna kala hadlay kiiska askartii habeen ka hor lagu laayey degmadaas ee ka tirsanaa nabad Sugidda Soomaaliya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxweyne Laftagareen ayaa maamulka degmada ka dalbaday in aan la aasin meydka askartii lagu laayey Afgooye.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dilka askartaas ku eedeeyay ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana jira khilaaf culus u dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Laftagareen ayaa maamulkiisa u sheegay in aan lagu kalsoonaan karin dowladda dhexe, lana aasi karin askarta dhimatay.

Sidoo kale Laftagareen ayaa ehellada iyo maamulka degmada Afgooye ku qanciyey inuu socdo baaritaan, isla markaana lagu xisaabtami doono kiiskaan, inta baaritaankaasi uu socdo ayuu dalbaday in aan la aasin meydka oo isaga laga war sugo.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa habeen hore isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaas.

Gurigiisa ayaa saq-dhexe lagu weeraray, laguna dilay, weerarkaas waxaa geystay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, sida markii horaba ay sheegayeen xogaha hordhaca ah.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkaas ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan, waxaana degmada Afgooye gilgilay banaanbaxyo dadweyne.

 

Xiisadda XUDUR oo cirka isku shareertay kadib tallaabadii maamulka K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa maamulka degmada Xudur iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed uu soo saaray amar uu ku kala direyo maamulka degmada.

Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in go’aanka uu ku kala diray maamulka degmada Xudur iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmadaas u yimid kadib wada-shaqeyn la’aan maamulka ah.

Go’aanka kala dirista maamulka degmada Xudur ayaa waxaa si adag uga horyimid xubnaha la kala diray oo maanta warbaahinta la hadlay.

Xubnahan oo iska diiday amarka maamulka Koonfur Galbeed kasoo baxay ayaa waxay ku eedeeyeen wasiirka arrimaha gudaha maamulka inuu khatar ku yahay nabad-galyada ka jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ku-xigeenka 1-aad Cali Xuseen Xasan iyo kan 2-aad Raxmo Nuur Aadan oo ay wehliyaan xubnaha golaha deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah.

Xiisadda ka taagan Xudur ee gobolka Bakool ayaa imaneysa xilli ay weli go’doon ku jirto, islamarkaana ay bulshadeeda wajahayaan culeyso xooggan, maadaama ay kooxda Al-Shabaab ku hayso cadaadis horleh.

Si kastaba, arimahan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe gashay jahwareer, iyada oo ay sii kordheen isku dhacyada siyaasadda, beelaha iyo xitaa masuuliyiinta xilalka haysa dhexdooda.

Lafta-gareen ‘oo si fudud isku baray’ dadkii ku jahwareersana siyaasaddiisa kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay u sheegayay saaxiibadiisa siyaasadda inuu rabo inuu aado doorasho dadban oo aan sii daahin.

Wuxuu qaatay laba sano oo muddo kororsi ah, wuxuuna muddo xileedkiisi rasmiga ahaa ku eeka bishii December 2022. Mararka qaar waxaa afkiisa laga wariyay inuu raadinayo cid la qaadata go’aanka doorasho dadban.

Haddii uu Axmed Madoobe u bareero go’aankaas aniguna waan ku raaci doona ayaa kamid aheyd kalmadaha ka tegay Lafta-gareen. Si lamid ah madaxda Galmudug iyo Jubbaland wuxuu sheegi jiray inuu rabo in uu dagaal siyaasadeed la galo Xasan Sheekh, balse labadii uu sheegi jirayba waa soo mareen Lafta-gareen muddo 30 cisho gudahood.

Mid waa dagaal siyaasadeedkii, midna waa go’aanka doorasho dadban.

Lafta-gareen isaga iyo Xasan Sheekh fooda ayey isdareen bartamaha bishii lasoo dhaafay ee September, wuxuuna helay dad badan oo siyaasiyiin iyo shacab ah oo ku taageersan arrintaas. Laakiin waa ku adkeysan waayey dagaalkiisa, wuxuuna dadkii uu dagaalka geliyay dhaafsaday farriinti loo soo dhibay Taliye Shub.

Markale 2-dii bishaan October waxaa Muqdisho iskugu tegay madaxda maamullada iyo kuwa dowladda federaalka ah. Axmed Madoobe ayaa la yimid go’aan ah muddo kororsi iyo sharci darro kale ma rabo waxaana qabanayaa doorasho.

Lafta-gareen oo la sugayay inuu arrintaas ku raaci doono Axmed Madoobe, ayaa dhinaca kale ka wareegay, waxaana isaga iyo Qoor-Qoor ay waqtigooda u badan geliyeen in Axmed Madoobe laga fujiyo go’aankiisa doorashada oo taas bedelkeeda la qaato hal sano oo cusub oo muddo kororsi ah.

Ninkii raadinayay inay Xasan Sheekh isqabtaan, ninkii raadinayay qaab uu tareenka uga boodo, ninkii raadinayay cid u bilowda rabitaanka doorasho dadban, ayaa hal mar 1000 degree wareegay, wuxuuna hadda Qoor-Qoor la wadaaga ololaha muddo kororsi doonka ah.

Axmed Qoor-Qoor isaga waa la fahmi karaa sababta uu u raadinayo muddo kororsi oo rag culus oo xoolo iyo xoogba aan kursiga laga qaadan karin ayaa tartan kula jira.

Laakiin Lafta-gareen oo isagu sheegan jiray inay fursadiisa soo laabashadu 100% tahay inuu sidan oo dhan isku beddelo ayaa dad badan ka yaabisay.

Si fudud hada waxaa jirta laba Lafta-gareen, mid dhiifoon markii uu banaanka joogo oo u muuqda nin horey u socon kara oo iswadi kara iyo mid la jooga Xasan Sheekh oo aan dookh siyaasadeed laheyn, kuna qasban wixii ay rabto Villa Somalia.

Inkasta oo siyaasiyiinta Soomaalidu badi ku suntan yihiin mowqif la’aan, hadana dhowr qof oo jili jirey inay mowqif leeyihiin ayaa hadda dib loo baranayaa.

Aqriso: Heshiis laga gaaray khilaafkii Cabdi Xaashi iyo Saalax ee kursiga Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Sen. Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si wadajir ah heshiis uga gaaray khilaafkii shaqsiga ahaa ee u dhaxeeyay.

Khilaafka labada masuul ayaa salka ku hayay kursiga #UH50 ee guddoomiya Cabdi Xaashi uu sheegay inuu bannaan yahay, maadaama uu Senator Saalax Jaamac aanu soo xaadirin afar kalfadhi, sidaasna uu ku waayay xubinnimada Aqalka Sare.

Dadaallo loogu lala dab-qaadayay labada dhinac saacadihii u dambeeyay ayaa kusoo idlaaday isfaham, kadib markii ay soo fara-galiyeen xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafka labada nin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo saaray warqad uu uga tanaasulayk go’aankiisa maamul ee kursigaasi uu ka soo saaray, taas oo ka dhigan inuu Senator Saalax Axmed Jaamac uu sii wadanayo xilkiisa Senatarnimo.

“Markaan tixgelitay marxalada uu dalka ku sugan yahay, isla markaana garowsaday inay mudan tahay in loo turo dowladnimada cardunka ah ee ka jirta Soomaaliya, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kana laabto go’aanka maamul ee kursigan,” ayuu Cabdi Xaashi ku yiri qoraalka.

War-saxaafadeedyo ay labada mas’uul soo saareen ayay ku shaaciyeen heshiiska ay gaareen, iyada oo ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu ku sheegay in sida ugu haboon lagu dhameeyo ismaandhaafkii soo dhex-galay isaga iyo Cabdi Xaashi.

“Waxa aan degaan doorashada aan metelo UH50 iyo ummadda Soomaaliyeed ugu sii shaqeyn doonaa xubinnimada Golaha Aqalka Sare,” ayuu Saalax ku yiri qoraalkiisa.

Hoos ka aqriso qoraalada labada masuul;

Kulaylka siyaasadda dalka oo gaaray meel sare – Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilliga kulaylka ee dalku galay, waxaa ku lamaanan kulayl siyaasadeed iyo is jiid -jiid soo kala dhaxgalay dhinacyo badan oo isla haystay labadi sano ee lasoo dhaafay.

Somaliland meel kasii  fog meesheedi hore ayay gaartay. Puntland xilli hore ayay ka degtay tareenka Villa Somalia, hadana waxaa qarka u saran  Jubbaland inay ka boodo tareenka.

Koonfur Galbeed xaalkeedu ma fadhiyo, inta soo hartayna loogama baranin inay madaxtooyada kula loolamaan masiirka siyaasadda.

Markii la iskala daalay hadallada siyaasadeed ee kulal, is dhaafsiga war-saxaafadeedyada iyo is dhaliiliddii tooska ahayd, waxaa la isla aaday in qaab suugaameysan loo wareejiyo dagaal afeedka siyaasadda.

“Doraad dhiiraneydaa, Shaley diricsaneydaa, Maantana ku dabartoo, Dan baa kuu run sheegtee!” waa erayada uu Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur u xushay inuu kusoo dhaweeyo Cabdicasiis Laftagreen markuu Muqdisho kasoo degay horaantii bishaan. Wax qarsan ma ahan coaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada nin.

Aadan Cabdinaasir oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo loo qaatay inuu jawaab siinayay wasiirka ayaa Abwaan Hadraawi kasoo amaahaday “Daray waarayaan ahay, Duufaanku ima lulo, Dulin hoose ima galo, Dardaraale ina rido, Digdig beena kuma ruqo, Cirka danab ka soo dhacay, Deli igama raarrido”.

Maalin dhaweed markii ra’iisul wasaaare Xamsa Cabdi Barre sheegay inuu weli sii socdo shirkii wadatasahiga qaran, waxaa uu wasiirka warfaafinta Puntland ku tilmaamay xaalka Xamse labada hees ee tiraahda “nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee , caaway u darantee xageen baan cuskadaa” iyo “ Adigaa is lumiyoo,  Isu loogay cadawgoo, Libintaada siiyee, Waadiganse liitee, Leexadu ku sidatee, Hadba laan cuskanayee, Maxaa lulay naftaadii”.

Dhanka Somaliland waa tii fannaaniita Geesku waydiiyeen Biixi su’aal ahayd “Sool xaggeed geysay” taas oo u muuqatay hees ku dhaliileysa  madaxweynaha dagaalkii Sool iyo inuu  ku fashilmay, hogaaminta  Somaliland.

Villa Somalia waxaa barteeda Facebook ugu hardhan heesta tiraahda “ Maalmihi wacnaa way soo socdaan” waxayna dhaxtaal u ahaan jirtay qudbadaha Xasan Sheekh labadi sano ee lasoo dhaafay.

Erayadan soo socda ee  Maxamad Cumar Xuseen (Huryo), waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Cabdiraxmaan Cadbishakuur oo caan ku ah dhaliisha siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh.

“Seddax tirada guud, Gogushuu fadhiyey, Ruuxii ka guday, way soo gabtaa, garkaan iyo garkaa, Midna gaari waaye, Sow inuu gadaal, Labo guri dhexdood, Gabbal ugu dam yahay, Maan gorfaynin waa, Qalbi guran miyaa, Qosol lagu godlaa”

Si kastaba ha ahaatee suugaanta ayaa loo arkaa inay gaari karto cabbir ka fog hadalka caadiga ah, waana sababta keeneysa inay siyaasiyiintu adeegsadaan iyaga oo la eeganaya xilliga ugu habboon.

Soomaalidu waxay isagu jiraan dad wax tiriya ama dad xafidsan qaybo badan oo ka mid ah qaybaha suugaanta, waana sababta kale ee loo aanaynayo inay badato iswaaydaarsiga eradaya suugaanta ee micnaha badan abuuri kara.

Dawan

Muxuu yahay shirka uu maanta R/W Xamza ka furay Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.

Shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.

Shirkan ayaa wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa dhawaan sare u kac sameeyay, kadib markii dakhliga gudaha uu kordhay sida lagu sheegay warbixin ay dawladda Soomaaliya soo saartay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa 13-kii December ee sanadkii hore laga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh.

Daahir Jeesow oo weeraray Xasan Sheekh: Badbaado Qaran 2 ayaa u diyaarsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka Soomaali Cable.

Jeesow ayaa si adag uga hadlay arrinta doorashada, gaar ahaan qorshaha madaxweynaha ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xilligan Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, culeysyada jiro darteed, laakiin madaxweynaha uu rabo inuu iska sii joogo xafiiska.

“Caqliga shacabka Soomaaliyeed yaan lagu ciyaarin, doorasho hal qof iyo hal cod ah waddankan kama socoto, umana dhawo, madaxweynaha ha yiraahdo waa sii joogaa” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay diidan yihiin muddo kororsi ay sameystaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada, arrintaasina ay ka hortagi doonaan, isaga oo ku goodiyay inay diyaar tahay Badbaado Qaran 2, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagama yeelayo inuu iska joogo xukunka, Badbaado Qaran 2 ayaa u diyaarsan,” ayuu mar kale yiri xildhibaan Jeesow.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu rabo inuu ku deydo madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea oo uu todobaadkan lasoo kulmay, kuwaas oo uu tilmaamay in muddo dheer ay ku fadhiyaan xukunka dalalkooda.

“Haddii uu wax kasoo aqristay madaxwenayaasha Masar iyo Eritrea yaa doortay dadkaasi oo role model ay u yihiin?” ayuu hadalkiisa sii raaciyay”

Xaaladda degmada Luuq oo faraha ka baxday iyo wararkii ugu dambeeyay maanta

0

Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Luuq, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u cuslaa ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan gudaha degmadaas oo ay in muddo ah ay u dhexeysay colaad xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday kadib markii ay is fara saareen maleeshiyaadka labada beelood.

Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadkii xalay dagaalamay, ayada oo mar kasta la filan karo inay mar kale ku dagaalamaan halkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Si kastaba, mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.