Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo shaaciyey arrin yaab leh oo ay ku adkeysanayaan Axmed Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Muqdisho, iyaga oo wada-hadallo kula leh Madaxweyne Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa qaba tabasho ay ka muujinayaan heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay ka maqnaayeen, balse waxaa haatan qorshuhu yahay in laga wada-hadlo arrimahaasi oo dhan, si xal mideysan looga gaaro.

Sidoo kale Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland ayaa ‘u adkeysan waayey’ in dowladda federaalka ay sii shaqeyso, marka uu dhammaado muddo xileedkeeda.

Sida uu BBC-da u sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka faalooda arrimaha Afrika waxay madaxda dowladda dhexe iyo Jubbaland iyo Puntland arrimaha ay ka wada-hadlayaan ka mid ah sidii loo dhisi lahaa dowlad, marka uu dhammaado muddo xileedka dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in la soo dhiso dowlad, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaada.

“In horta dowlad la soo dhiso lagama maarmaan weeye oo xitaa dowlad aan kumeel gaar aheyn in meesha ay iska joogto waa sharci darro. Waxyaabaha ay ku adkeysanayeen weeyaan Deni iyo Axmed, waana lagama maarmaan in dowladi ay jirto,” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Ugu dambeyn Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa xusay inuu rajeynayo in wada-hadalladu ay ka soo bixi doonaan heshiis dambe oo aad looga soo shaqeeyey.

“In meeshaas uu ka soo baxo heshiis dambe oo dib loo lafagurayo wixii lagu heshiiyay shirkii Dhuusamareeb ee ay ka maqnaayeen.” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo caawa ay si rasmi ah u bilaaban doonaan wada-hadallada saddex geesoodka ah ee u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.