Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Yamamoto oo ka wada-hadlay qodob xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay safiirka dowladda Mareykanka u jooga gudaha Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto, iyagoo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socday lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka 2020/2021-la, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka.

“Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa kulan goor dhow soo idlaaday uga wadahadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya, ayagoo kulankooda diirada ku saaray doorashada 2021,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xisbiga UPD.

Donald Yamamoto ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday kulamo gooni-gooni ah, isagoona shalay kulan gaar ah la qaatay, marka ay magaalada Muqdisho yimaadeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Deni.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu jiro xilli xasaasi ah, islamarkaana laga wada-hadlyo arrimaha doorashada 2020 illaa 2021 oo nooceeda lagu go’aamiyey wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeyey dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamullada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.