Prof. Xuseen Warsame oo xog dheeri ah ka bixiyey dhaqaalaha laga jartay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa dhawaan xaqiijiyey in dowladda federaalka ay soo food-saartay dhaqaale yari baahsan, kadib markii laga jartay dhaqaalihii ay ka heli jirtay deeq bixiyayaasha.

“Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato. 

Haddaba, Maxaa keenay in dhaqaalaha laga jarto dowladda federaalka?

Professor Xuseen Warsame oo dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Calgary ee dalka Canada oo u waramay idaacada VOA-da ayaa sheegay in dhaqaalaha la jartay ay keentay xaalada cakiran ee dalka ka taagan iyo tallaabooyinka ay qaaday dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Prof. Xuseen ayaa dhaqaalaha la jartay ku macneeyay “mid gadaal loogu riixayo sidii doorasho u qaban lahaayeen madaxda waqtigeedu dhamaaday,” islamarkaana culeys lagu saarayo ka laabashada go’aankii Golaha Shacabka.

“Lacagtii kabta aheyd ee dowladda ayaa istaagtay, markaa si dowladaha sameysamaya ama kuwa markaas jooga si dabada looga yara riixo (ayaa looga jartay dhaqaalaha), si ay u qabtaan doorashada, oo si muuqata ah, marka ay dhamaato ayaa dib loo bilaaba,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagta ay jarteen dalalka caalamka ee ay ku taageeri jireen Soomaaliya ay saameyn xoogan ku yeelaneyso miisaaniyada dowladda waqtigeedu dhamaaday ee sanaadkaan, “Markii hore haddii ay ku dareen miisaaniyada lacagtaas, dabcan meeshii ay buuxineysay waa banaan tahay”.

Professor-ka ayaa carabka ku adkeeyay in dhaqaalaha la jartay uu soo laabanayo marka ay dalka ka dhacda doorasho oo ay arrintaas aqbalaan madaxda dalka, midaasi oo ilaa hadda aysan jirin ifafaalo muujineysa arrintaas.

Si kastaba, dowladda federaalka ee waqtigeedu dhamaaday ayaa wajaheysa culeys dhaqaale oo baahsan, tan iyo markii ay waayeen taageeradii dhaqaale ee beesha caalamka oo balaayiin doollar ku bixin jirtay Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga Prof. Xuseen Warsame