Guddoomiyaba Bankiga Dhexe: Puntland waxay sameysatay lacag faalso ah, kamana yeeleyno.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya  Bashiir Ciise Cali  ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland lacago faalso ah oo maalmihii ugu danbeeyay lagu arkayay suuqyada Muqdisho.

Gudooomiyaha wuxuu carabka ku dhuftay shanka Puntland laga keeno lacagaha faalsada ah ee kunka shilin ah taasoo bilahaan danbe lagu arkayay Magaalada Muqdisho.

“Puntland ayaa lagu farsameeyaa Lacagta faalsada ah ee sicir bararka ku keentay suuqyada Muqdisho, lacagtaasi waxaa hadda lagu arkay Gobolada dhexe , xiitaa Muqdisho wey soo gaartay.”ayuu yiri Bashiir Ciise Cali

Gudoomiyaha wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha Puntland iyo tan guud ee dalka ay dhaawaceyso lacagta faalsada ah ee laga keenayo dhanka Puntland.

“waa ayaan daro soo korortay in Puntland ay ku dhiirato farsameynta lacag faalso ah xili Puntland ka mid tahay Tiirarka Nidaamka Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Bashiir Ciise

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney waddo qorshe dalka oo idil looga saarayo lacagaha faalsada ah si aysan u dhicin sicir barar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com