PUNTLAND ma ka garaabi doontaa gafkii uu GAAS u geystay Xaliimo Yareey?

Wuxuu ahaa hadal anfariirleh, oo bilaa sariigasho ah kaas oo kasoo yeeray qof maqaamkiisu gaaray Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed. Sida uu hadalku u dhacaayay dhaliil ma aheyn ee dhar dhigasho cad ayuu xambaarsanaa, oo dulucdiisa la wada fahmi karay.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa si bareer ah u Aflagaadeeyay Xaliimo Yareey oo hada heysa xilka gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Gaas wuxuu yiri “Xaliimo Yareey hadaad tiraahdid asbuuca dambe doorasho ma ka qaban kartaa Sacuudi Carabiya waxey leedahay haa” taas oo ka dhigan iney tahay qof aannan kala aqoonin Soomaaliya iyo Sacuudiga, qof juhalo ah, oo dhex taagan shaqo aaney waxba ka aqoonin.

Madaxweynihii hore ee Puntland ma uusan eedeyn Guddiga Doorashada oo afkiisu sooma qaban ee wuxuu toos u weeraray Xaliimo Yareey. Wuxuu ahaa beegsi fadeexadeysan oo Ina Gaas uu ku dhaawacay shaqsiyadda Xaliimo oo marka xilkeeda laga tago, hooyo Soomaaliyeed ah, taasoo mudan ixtiraam iyo qadarin.

Waxaa igu maqaallo ah inuu Cabdiweli Gaas dhowr jeer dood ka keenay sida ay hal reer u hogaamin karaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka, waxaana taas sii xoojisay hadalkiisii quuri-waaga ahaa ee uu ku aflagadeeyay Xaliimo Yareey, oo xitaa noqon kara quuri-waa qabiil.

Inkastoo uu Cabdiweli Gaas siyaasad ahaan dhowr jeer is jilaafay hadana dadka Soomaaliyeed kama sugeynin inuu sidaas ugu fogaan doono qof sida Xaliimo Yareey ah oo lagu tuhmaayo aqoon iyo waayo aragnimo shaqo.

Xaliimo Yareey magacaabis kuma imaan, waxey ka tirsantahay guddi 9 xubnood ah oo lagu qeybsaday 4.5 kaas oo uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxey ka tartantay guddiga dhexdiisa waana guuleysatay, waxey aheyd hadii uu Cabdiweli Gaas dhib ku qabo midaas inuu yiraahdo is casila labadii xubnood ee ka timid dhinaciisa.

Gaas waa madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu hadalkaan ka sheegay Garoowe oo ah caasimadda Puntland, wuxuu u gafay xubin beel kale ku matasha guddi heer Qaran ah, wuxuu si shaqsi ah u beegsaday qof dumar ah, waxaana goobta uu hadalkaan ka yiri fadhiyay madaxda Puntland.

Hadabba maamulka Puntland labo umbaa mid laga rabaa: Waa iney aflagaadaadas ka mideysanyihiin maadaama ay goobta fadhiyeen madaxda xilligaan ee Puntland iyo madaxdii hore oo ay tallaabada Gaas difaacaan ama waa iney Puntland cudur daar iyo raali galin ka bixisaa hadalka madaxweynaheedii hore.

Sidoo kale Cabdiweli Gaas isna waxaa la gudboon inuu ka laabto ijaafadaas shaqsiga ah oo uu raali galin ka bixiyo.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid