Puntland ma waxay noqotay Jamhuuriyadda Puntland?

9-kii Janaayo 2023, maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay inuu u dhaqmayo sida dal madax-banaan oo kale. 

Qoraalkii xilligaas kasoo baxay Garoowe, oo dad badan ka yaabiyey balse ay dhayalsadeen, wuxuu maamulka Saciid Deni ku yiri. “Sida ku cad dastuurka ku-meel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.” 

Si kastaba marna lama fileyn tallaabada uu sanad iyo saddex bil kadib ku dhaqaaqi doono maamulka Saciid Deni, iyo halka ay gaarsiin doonto carada uu u qabo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. 

5-tii April 2024, maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay taariikhda si cad ugu dhaqmay sida dal madax-banaan oo kale.

Saciid Deni waxa uu go’aansaday in carada uu qabo dowladda federaalka ee Soomaaliya darteed uu ka baxo xeendaabka Soomaalinimada, lana safto cadowga Itoobiya. 

Bayaanka ay Puntland soo saartay, wuxuu ka yaabiyey Soomaali badan, waxaana ku jira qeybo badan oo Puntland ay isugu ekeysiisay inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya. 

Puntland ayaa tiri “Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer oo ku salaysan dhaqan- dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka bulshada.” 

Hadalkaas waxa uu maamulka Saciid Deni ku caddeeyey in aanay waxba ka gelin xadgudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. 

Sababtoo ah, sidee Puntland xiriir iyo iskaashi ula yeelan kartaa dal go’aansaday inuu boobo qeybo ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, haddii aanay Puntland isku arkin inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya

Puntland waxay ku dooday in carada ay ka qaaday wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya dartiis, ay garab uga raadsatay Itoobiya, ayada oo tiri “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Su’aashu waxay tahay, isku haynta umadda Soomaaliyeed iyo difaaca qarannimada, ma waxay mas’uuliyad ka saaran yahay kaliya dowladda federaalka iyo Muqdisho?

Arrinta kale ee la-yaabka leh ayaa ah; in Puntland ay ku macnaysay go’aanka lagu eryey safiirka Itoobiya laguna xiray qunsuliyadaha Itoobiya, “in uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya.”

Haddii sababta loo eryey safiirka Itoobiya, loona xiray qunsuliyadaha, ay tahay heshiiska badda ee Abiy Ahmed uu la galay Muuse Biixi, maxay tahay cadaawadda iyo hagardaameynta ay Puntland sheegtay in lala daba-joogo shacabka Puntland?

Tallaabada Puntland ay qaaday waxay mar kale furaysaa dood ay da badan qabaan oo ah in ilaalinta midnimada iyo Soomaaliya ay noqotay mid ay mas’uuliyad ka saaran tahay oo kaliya beelaha dega Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo gobollada dhexe.

Maxay mar walba inta kale marka ay Soomaalida dhexdeeda is-qabtaan ugu ordaan Itoobiya iyo Kenya? 

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.