Abshir Huruuse oo saddex qodob kasoo saaray magacaabista Axmed Macallin FIQI

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay magacaabista Axmed Macalin Fiqi oo uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

Huruuse ayaa ugu horreyntii farriin hambalyo ah u diray wasiir Fiqi oo ay iskula jireen golaha wasiirada ee xukuumadda haatan jirta ee DanQaran.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyaynayaa wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta loo magacaabay Mudane Wasiir Axmed Macallin Fiqi” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Intaasi kadib wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa saddex qodob kasoo saaray magacaabista wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo in loo dhiibo wasaaradda arrimaha dibadda.

Qodobka koowaad wuxuu ku sheegay inuu kalsoonyahay, uuna halkeeda kasii wadi karo shaqada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Waxaan ku kalsoonahay in uu halkoodii ka sii wadi doono kana mira dhalin doono dadaaladii horey u socdey iyo dhammaan hawlaha Wasaaradda ee u qareemidda siyaasadda arrimaha dibedda dalkeenna ee ku dhisan is ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo diblomaasiyadda isu dheelitiran” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa.

Abshir Huruuse ayaa arrinta labaad ku sheegay inuu u rajeynayo guul, isaga oo ballan-qaaday inuu ula shaqeyn doono, si hagar la’aa ah.

“Waxaan wasiirka cusub u rajeynayaa guul, waxaanna ula shaqayn doonaa si hagar la’aan ah. Insha Allah” ayuu kusii daray qoraalkiisa

Ugu dambeyn wuxuu qabta saddexaad ee qoraalkiisa ugu duceeyay wasiir Fiqi, wuxuuna alle uga baryay inuu ku asturo xilka loo magacaabay, uuna fududeeyo shaqada hortaallo.

Huruuse ayaa horay xilkan isaga casilay, wuxuuna kadib Garoowe uga qayb-galay doorashadii Puntland oo uu kusoo guul darreystay, maadaama mar kale xilka madaxweynaha ee maamul goboleedkaas dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.