DF oo soo saartay digniin ku socota maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed ku qoran Luqadda Engilishka ayaa digniin culus oo kama dambeys ah u dirtay maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ku haya khayraadka dhex ceegaaga baddeenna.

Warqaddan oo kasoo baxay wasaaradda kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa toos loogu socod siiyay dhammaan shirkada kalluumeysiga iyo milkiilayaasha maraakiibta, iyada oo lagu amaray in ay u hoggaansamaan shuruucda ku xusan sharciga kalluumeysiga dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in tallaabo adag ay ka qaadi doonto ciddii u hoggaansami weyda sharciga kalluumeysiga federaalka Soomaaliya ee soo xadgdubta,

Jebinta xeerkan ayaa keenaya ganaax, xarig iyo la wareegidda kalluunka ay xeebaha dalka ka qabsadaan maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo qodobka 31-aad, jebinta xeerkan waxay keeni kartaa ganaax, xarig, la wareegida kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego qalabka loo isticmaalo jariimada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka dalka.

Waxaa kale oo ay wasaaradda ku boorisay shirkadaha kalluumaysiga iyo mulkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku xusan sharciga kalluumaysiga.

Tallaabadan ay qaaday dowladda, gaar ahaan digniinta kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga ayaa kusoo aadeyso, xilli dhaq-dhaqaaq aad u wayn laga dareemay xeebaha dalka oo ay mar kale kasoo cusboonaaday burcad badeeda oo bilaabay weeraro horleh.