Maamulka SSC-Khaatumo oo qofkii ugu horreeyay ku toogtay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Laascaanood ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo ay dhowaan ku ridday Mowliid Maxamed Jaamac, kaas oo lagu helay dil uu horay uga gaystay gudaha deegaanada SSC-Khaatumo.

Maxkamada ayaa ninkan ku heshay inuu 24-kii bishii hore Laascaanood ku dilay marxuum Maxamuud Cali Muuse oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka SSC Khaatumo.

Goobta lagu toogtay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda, maamulka degmada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne la’isugu geeyay halkaasi.

Maxkamadda ayaa labo maalin ka hor Mowliid ku ridday xukun dil ah, waxaana maanta Isniin ah laga oofiyay xadkii qisaasta marxuum Maxamed Cali Muuse.

Ehellada sarkaalka horay loo diray oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday maxkamadda oo ay sheegeen inay ka heleen cadaalad.

Dilkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay SSC fuliso, tan iyo markii ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Laascaanood ay kula dagaalantay Somaliland.

Tani ayaa qayb ka ah hana qaadka maamulka deegaanka oo muddo ka badan sanad dagaal adag wajahaya, kadib weeraro uga imaanayay dhinaca milariga Somaliland.