Labada qodob ee ugu culus heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa shalay gaaray heshiis cusub oo ka kooban dhowr qodob, waxaana si gaar ah u dul istaagi doona labada qodob ee ugu culus heshiiskaan.

Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudiga ku jira ayaa ah; difaaca iyo amniga, ayada oo dowladda Boqortooyada Sacuudiga ay garab istaag u muujisay howl-gallada dowladda ay dalka kaga xoreynayso argagixisada.

Sacuudiga ayaa ugu baaqay beesha caalamka in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, kaasi oo ay ka soo hooyeen guulo la taaban karo.

Sidoo kale Sacuudiga waxa uu soo dhaweeyay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee cuna-qabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, kaasi oo fududaynaya dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed.

Qodobka labaad ee asna aadka muhiimka u ah ee ku jira heshiiskan ayaa ah “taageerada Sacuudiga ee madax-bannaanida Soomaaliya,” xilli ay meel xasaasiya mareyso xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sacuudiga ayaa caddeeyay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay maamulka Soomaaliland.

Heshiis beenaadka Somaliland iyo Itoobiya ayuu Sacuudiga ku tilmaamay inuu caqabad ku yahy daris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xilligaan wajaheysa waqti adag oo gudaheeda ah oo aan la inkiri karin, ayada oo ay ku furan yihiin furimo dhowr ah oo uu kamid yahay dagaalka kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa koowaad uu marayo heer geba-gebo ah.