Puntland oo amartay in la xero Puntlandtimes.com

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland Col, Cali Sabareey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay amar kusiiyeen shirkadaha Isgaarsiinta ee ka jira deegaanadaas in ay hawada ka saaraan oo ay khadkooda internetka ka mamnuucaan mareegta-ta Puntlandtimes.com oo kamid ah websiyada wax ka qora arrimaha Puntland.

Wasiirka ayaa sheegin sababta rasmiga ah ee ay talaabadan u qaadeen, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu maamulkaas dhibsaday warbixin la xariirta wasaaradda warfaafinta oo ah inay gadood sameyeen shaqaalaha wasaaradda.

Ma jirto wax wado sharci ah oo loo maray talaabada ay qaadayso Puntland ee ku wajahan xanibaadda website-kan, taas oo ka dhigan in xoriyada hadalka la diidan yahay, sida ay sheegeen maamulka website-ka.

Tifaftiraha guud ee warbaahinta Puntlandtimes.com Faarax Cabdulqaadir oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan jirin wax war ah oo ay ka hayeen arrimahan, wuxuuna sheegay in wararka maalinlaha ee latabiyaa ay yihiin kuwa la hubiyey, isagoo ku tilmaamay talaabadan mid ka soo horjeeda sharciga Saxaafadda iyo xoriyadda hadalka.

“Talaabada Puntland ay qaadayso waxay sharaf darro iyo jabin cad ku tahay dastuurka iyo xeerarka Xoriyada hadalka, waxaanu marnay wadada sharciga ah oo aanu maxkamad rasmi ah ka dacweynay maamulka Puntland, taas oo aan rajeynayo in ay u hogaansami doonaan” ayuu yiri Tifaftiraha.

Wararka qaar ayaa sheegay in mareegtan ay qortay xog la xariirta diyaarad waday saanad ciidan oo ka dagtay magaalada Qardho, taas oo ay beenisay Puntland ayna sheegtay in ay tahay mid aan waxba ka jirin.