PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay hub iyo shabakad looga shakisan yahay…

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland oo maanta sameeyay howlgal culus ayaa gacanta kusoo dhigay hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah.

Howlgalkan ayaa ka dhacay xeebaha degmada Eyl, halkaas oo kamid ah meelaha laga abaabulo weerarada burcad badeedda ee lagu qafaasho maraakiibta shisheeye.

War kasoo baxay taliska ciidanka badda ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay baaris ku hayaan kooxda lasoo qabtay, sidoo kalena la wareegeen hubka sharci darrada ah.

Sawirrada ragga lasoo qabtay iyo hubka soo galay gacanta ciidamada ammaanka oo ay ku jiraan hub culusayay baahisay Puntland, kuwaas oo qabsaday baraha bulshada.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay inay ku raad joogaan burcad badeeddii dhowaan madaxa furashada ka qaatay markab laga leeyahay dalka Bangladesh oo laga qaatay lacag $5 milyan ah, kaas oo ay sii daayeen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah.

Dhanka kale ciidamada ayaa intii ay wadeen howlgalkooda waxay gacanta ku dhigeen doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen, taasoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qorshaha Puntland ayaa ah ka hortagga weerarada ay kooxaha burcad badeeddu ka abaabulayaan xeebaha maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Eyl ee Puntland.

Burcad badeedda ayaa mar kale dib isku abaabulay, waxayna todobaadyadii ugu dambeeyay ay dhowr weerar ka fuliyeen biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.