Puntland oo go’aan kama dambeys ah gaareysa

Garowe (Caasimada Online ) – Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa maanta markale dhageysaneyso dacwadda saddex rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Saddexda ee edeysane ayaa kale Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Maxkamada ayaa dhageysiga kiiskan dib u dhigtay Sabtidii la soo dhaafay, iyadoo lagu ballamay 26 June oo maanta ku beegan.

Go’aan kama dambeys ah ayaa la filayaa in Puntland ay ka gaarto dacwaddan oo soo jiitameysay, tan iyo bishii February ee sanadkan ee 2019-ka

Waa kiis isha lagu wada hayo, kaas oo si weyn u taabtay bulshada Soomaaliyeed, kadib markii la kufsaday, si arxan darro ahna loo dilay Caaisho yar.

Maxkamadda darajada koowaad ee Garowe ayaa horay raggan ugu xukuntay dil toogasho ah, balse lama oga in maxkamadda racfaanku ay ku raaci doonto xukunkaasi iyo in kale.

Caa’isho Ilyaas Aadan ayaa iyada oo Meyd ah la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay magaalada Gaalkacyo, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com