Sawirro: Odayaal beeleed la shiray R/W Kheyre oo usoo bandhigay qorshooyin

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaannada ay Galmudug ka koobantahay.

Odayaasha dhaqanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay ku leeyihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug.

Wax-garadka iyo odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay aragtidooda ku aadan hannaanka ugu habboon ee loo sameyn karo dib-u-heshiisiin loona dhisi karo Galmudug Midaysan laguna wada qanacsanyahay oo ka shaqaysa danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in wax-garadku ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimada iyo wadajirka Bulshada, ayaa odayaasha u sheegay in isaga iyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka go’antahay in reer Gal-mudug ay ku caawiyaan qabsoomiadda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha maamul dhamaystiran, sal adag, oo ka fakara horumarinta deegaanka iyo mustaqbalka fog.

Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayay bulshada Dhuusareeb ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka, iyo madaxda fulinta Dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com