Kenya oo bilaabeysa qorshe kale oo dhabar jabin ku ah dowladda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) ― Xiriirka u dhaxeeya dowlada Somaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay aad usii xumaanayey, kaasi oo sababay in dowlada Kenya ay hore ugu dhawaaqday inay xirtay xuduudii Soomaaliya, isla markaana ay joojiso gebi ahaanba ganacsigii kaga iman jirey Soomaaliya.

Xiriirkaasi xumaaday ee u dhexeeyay Kenya iyo Somaliya ayaa waxa uu sababay in Shirkada duulimaadyada ee Kenya Airways ay waqti xaadirkan ay tix-gelin gaar ah siiso sidii ay duulimaadyo cusub ugu tagi laheyd magaalada Hargeysa, taasi oo ay qorsheynayso inay noqoto hadafkeeda xiga ee Geeska Afrika.

Talaabadan ay dowladda Kenya qaadeyso ayaa waxay sarre u qaadeysa xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland.

Kenya Airways ayaa muddo ku jirtay xog ururin buuxda oo ay ka sameynaysay Hargeysa oo ay hadda dhameystirtay, taasi oo markii dambe uu Baarlamaanku qalinka ugu duugay inay duulimaadyo ku tagi karto Hargeysa, balse ilaa hadda aan weli suurtagalin.

Muwaadiniinta Kenyanka ee ku nool gudaha Somaliland ayaa waxa lagu qiyaasaa ilaa 15,000-qof, kuwaasi oo ka shaqeeya deeganada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Agaasimaha maamulka duulimaadka iyo Madaarada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol ayaa dhawaan waxa uu booqasho ku tagey caasimada Kenya ee Nairobi, si uu wada-hadalo ula yeesho Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Kenya, midaasi oo ku saabsaneyd in Hargeysa ay ku haboon tahay in duulimaadyo ay ku tagto diyaarada Kenya Airways.

Waxa magaalada Hargeysa ilaa iyo hadda duulimaadyo caalami ah ku taga diyaarada Ethiopia Airlines oo iyadu todobaadkii labo jeer iskaga kala goosta Addis Ababa iyo Hargeysa.

Sidoo kale Fly Dubai ayaa iyaduna duulimaado ka sameysa, taasi oo ka kala gooshta magaalooyinka Dubai iyo Hargeysa, midaasi oo keenta ganacsatada Somaliland ee ka imaanaya dhamaan dunida.

Waxa isku soo beegmaya qorshaha ay Kenya qunsuliyada kaga furaneyso Hargeysa oo socda iyo daneynta Shirkada Kenya Airways oo iyadu u aragto inay Somaliland ka jirto fursado duulimaad.

Bishii lasoo dhaafay, Agaasimaha Arrimaha Dibeda Kenya, Mr Philip Mundia Githiora ayaa loo asteeyay inuu caasimada Somaliland xafiis kasoo furo, waxaana hore xafiisyo diblomaasiyadeed ugu lahaa Hargeysa dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Dowladd Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay qaadeysay talaabooyin ay ku sii xoojinayso xiriirka kala dhaxeeya Somaliland, midaasi oo loo arkayo cadaadis cusub oo Kenya ay Dowladda Somaliya ku saareyso khilaafka kala dhaxeeya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com