Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa heshiis cusub la gashay dalka Masar, kaas oo la xariira dhinaca waxbarashada ee maamulkaasi.
Heshiiskan ayaa waxaa Puntland uu saxiixay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo isaga iyo wafdi la socda ay booqasho ku joogaan dalkaasi.
Wasiirka oo Qaahira kula kulmay, Dr. Daariq Showqi oo ah wasiirka waxbarashada dalka Masar ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan horumarinta waxbarashada ee deegaanada maamul goboleedka Punland.
Sidoo kale heshiiskan cusub ayaa dhigaya in illaa lix iskuul ay dowladda Masar ka furato Puntland, kuwaas oo ay dhigi doonaan macalimiin Masaari ah oo ka howlgali doono qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.
Cabdullaahi Maxamed Xasan wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn dowladda Masar iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo ah Hooyada federaalka.
Masar ayaa ka mid ah dalalka, sida dhow u taageero dowladda dhexe, lamana sababta hadda ku soo beegtay heshiiskan, maadaama Puntland uu khilaaf xoogan uu kala dheexeeyo xukuumaadda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com