Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreyay ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.
Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Cabdishakuur Mire Aadam oo la hadlayIdaacadaha gudaha Puntland ayaa sheegay in khilaafkaas ay ka xun yihiin balse wuxuu dhaliilay Madaxweynaha oo uu sheegay in ku fashilay ballan qaadkii uu sheegay.
Cabdishakuur ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu ku qaldan yahay in uu hadda ra’iisal wasaaraha ka codsado is-casilaad.
Ugu dambeen wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo kooxda Jam-dadiid aysan wax dan ah u heynin dadka Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba, Xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ma fiicneen waayahan dambe, waxaana Maamulka Puntland uu horrey u sheegay in uu xiriirka u gooyay dowladda dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe

