PUNTLAND oo jawaab ka bixisay qoraalkii FARMAAJO

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo war qoraal ah soo saaray ayaa jawaab ka bixiyay qoraalka madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay doorashooyinka maamulkaasi.

Jibriil ayaa marka hore qoraalkiisa ugu mahadceliyay Farmaajo oo si weyn u boggaadiyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee beri ka bilbaaneysa deegaanada Puntland.

“Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku boggaadiyay teegeerada uu u muujiyay doorashooyinka qof iyo codka ah iyo dimuquraadiyadda Puntland.

“Waxaan lee yahay Madaxweyne Waan kugu bogaadinaynaa inaad taageertay barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland , Mahadsanid Mudane Madaxweyne guulayso adiguna markale.” ayuu mar kale qoraalka ku yiri guddoomiyihi

Farmaajo oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer Federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, maadaama ay tahay dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu yiri.

Puntland ayaa waxaa la filayaa in beri ay ka bilaabato codeynta doorashada qof iyo codka ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka taas oo ay ku tartamayaan ururada.