Puntland oo war cusub kasoo saartay xiriirka go’an ee ayada iyo DF Somalia

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Cameey) oo wareysi gaar ah siiyay Talafishanka Somali Chenel ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid tahay xiriirka iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe uu weli uu go’an yahay siddii uu go’ay markii uu xilka hayay Faroole sidda uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in dowladda dhexe ay isbadal ku sameesay qoddobo dhowr ah oo ku yaallay dastuurka KMG ee dalka, taasna waxa xiriirka ay goosaday dowladii horre ayuu yiri.

“Mowqifka Puntaland isbadalay ma jirto, waxaama meesha ka baxay Faroole iyo Cabdisamad, waxaana yimid Cabdiweli Gaas iyo annigoo ah madaxweyne ku-xigeenka, balse dowladii kale waa ay dhisan tahay Puntland waa siddii, waa in la ogaadaa siddii uu go’ay xiriirka annaga iyo dowladda dhexe uu yahay siddii, waayo waxa ay waxay qoddobo badan ka badalayn dasuurka wax kalena waa ay ku soo darayn”ayuu yiri En Cameey.

Mar uu ka hadlaayay wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo dowladda dhexe, wuxuu sheegay in Puntland aaney marnaba aqoonsan doonin wax kasta oo ka soo baxa ilaa inta laga qaybgalinaayo shirarkaas.

Si kastaba, hadalka ka soo yeeray madaxweyne ku-xigeenka Puntand ayaa ku soo aadaya iyadoo la islahaa xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe wuu ka wanaagsan siddii maamulkii horre, maadama Gaas uu ahaa ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ilaa hadda kama hadlin hadalka ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com