Xog: Xasan oo dhaafi la’ xildhibaanada Hawiye (Cadaadiska oo sii kordhaya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, ayaa weli diidan in ay taageeraan Dowladda, iyagoona ku goodiyay in horey u sii amba qaadi doonaan qorshaha xilka looga qaadayo Xasan Sheekh.

Madaxweynaha iyo wasiiro ku xulufo ah, ayaa dhowaanahan kullamo gooni gooni ah la qaadanayey xildhibaannada beelaha Hawiye, si ay ugacan siiyaan madaxweynaha ugana laabtaan dalabka is-casilaadda.

Sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, dhammaan dadaalladaas waa ay guul darreysteen waxaana inta badan xildhibaannada Hawiye ay doonayaan in Xasan Sheekh meesha ka baxo.

Arrintan ayaa cadaadiska kusii kordhineyso madaxweynaha oo markii horeba ay diidanayeen xildhibaannada beelaha Daarood iyo Digil iy Mirifle badankood.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu codsanayo in mar un cadaadiskan laga gaabiyo, uuna sameyn doono is-beddel weyn
Waxaa laga soo xigtay inuu sheegay in Dowladda ay ka fogaan doonto waxyaabaha keeni kara culeys markale kaga yimaada Xildhibaannada Baarlamanka.

Saraakiisha ka hawlgasha Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliya uu diyaariyay qorshayaal dhowr ah, oo uu ku muujinaayo isbedelka Dowladdiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com