Puntland oo ku dhawaaqday dagaal dib u xoreyn & Xuduudaha maamulka oo la xiraayo

Garoowe (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Cabdullaahi Timacade, oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay qaadeyso dagaal kama danbeyn ah.

Waxa uu Wasiirka sheegay in dagaalka uu yahay mid ay ku qaadi doonaan Gobolka Sool, kaa oo la doonaayo in lagu xoreeyo gabi ahaan Gobolka oo intiisa badan xiligan ku jira gacanta Somaliland.

Shir degdeg ah oo ay isugu yimaaden Guddiga difaaca Puntland ayaa waxaa lagu iclaamiyay dagaalka ay qaadeyso Puntland.

Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe ayaa shaaciyey in maalmaha fooda nagu soo haya ay qaadi doonaan dagaal loogu magac daray (Xoreynta Sool) oo lagu qaadayo deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Guddiga waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in dagaalka ka hor la xiro dhammaan xuduudaha uu leeyahay maamulka iyadoo laga hortagaayo dhaqdhaqaaqa xuduudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Timacade oo ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa ugu baaqay Hoggaamiyaha maamulka C/weli Gaas in uu amar ku bixiyo dagaalka lagu xureynayo Gobolka Sool, isla markaana dhammaan xuduudaha Puntland lasoo xiro.

Timacade, waxa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Beesha Caalamka ay u sheegayaan in xalka kaliya ee Puntland heyso uu yahay xoreynta deegaanada ka maqan Puntland ee ku yaalla Gobolka Sool.

Sidoo kale, Guddiga ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada faray inay u diyaar garooban dagaalka (Xoreynta Sool) oo qaadan doono inta ay Puntland ka maamuleyso Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, iclaaminta dagaal ee  Guddiga ayaa kusoo beegmeysa xili Somaliland ay cadeysay inaysan ka bixi doonin Gobolka Sool, isla markaana uu yahay Gobol ay iyaga leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com