Xildhibaan ka tirsan BFS oo is casilay & Kursiga Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida oo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto deegaanada maamulka Galmudug  ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay kursigiisa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay tahay mid isaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka uu u gudbiyay is casilaadiisa.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud uu iska casilay xubinimadiisa baarlamaan oo muddo sanad iyo bar ah uu hayay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismail ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranayo Beydhabo iyo Dhuusamareeb.

Xaliima Ismail, waxa ay carab dhawday in kuraasta loo tartami doono ay baneeyen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Somalia Xuseen Cusmaan, Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi.

Ex Xildhibaan C/qaadir ayaa la dhashay Taliyihii hore ee Nabadsugida C/llaahi Gaafoow, waxana doorashadiisa ka dhashay muran badan oo ugu dambeyn sababtay in Cadaado laga soo wareejiyo oo lagu doorto Muqdisho horaanta sanadkii 2017.

Sidoo kale, kursiga uu iska casilay Ex Xildhibaan C/qaadir, ayaa la soo sheegayaa inuu u tartami doono C/llaahi Gaafoow oo ah Taliyihii hore ee Nabadsugida.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilalka usii haya kuwo ay isku heeb yihiin oo u muuqda inay dhaxal ka dhigteen kuraasta leysku bedbedelaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com