Jen. Caanood & afartameeyo gaadiid dagaal uu watay oo gudaha u galay magalada Marka & Rasaas goosgoosa oo la maqlaayo

Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo garay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ay galeen Ciidamo uu wato Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood.

Ciidamadan ayaa la sheegay in gaadiidka qaar ay ku wateen sahay iyo fuustooyin shidaal kuwaa oo markii ay galeen magaalada la wareegay dhufeysyo badan oo ay ku sugnaan jireen ciidamo ka tirsan dowlada.

Ciidamada ayaa goortii ay galeen magaalada waxa ay bilaabeen rasaas, waxaana ilaa iyo hadda la maqlayaa rasaas goos goosa oo ay ridayaan ciidamada uu wato Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood.

Dadka deeganka waxa ay soo sheegayaan in dhammaan jidadka magaalada ay maanta yihiin kuwo xirxiran isla markaana ay waddooyinka intooda badan ay ku sugan yihiin ciidamada Caanood.

Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood iyo ku dhawaad afartan seddex gaadiid dagaal uu wato ayaa shalay ku nastay degmada Shalaalbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo xalay halkaasi ku hoyday,isla markaana saakey ay galeen degmada Marka.

Ciidamada ayaa fariisin waxa ay ka sameysteen xaafado ka tirsan Marka,sida Ayuub,Beytu-raas, Owbaale iyo Xarunta Maamulka degmada Marka oo bilihii u dambeysay aheyd mid aan Shaqeyn.

Sidoo kale, Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa laga soo xigtay inay ku nagaan doonaan magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana shaki xoogan laga muujinayaa qorshaha dhaqdhaqaaq Jeneraal Caanood iyo ciidamadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ina soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in abaanduule Caanood uu ka careysan yahay xilka qaadistii uu kala kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com