Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo xariga Mas’uuliyiin ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho ee loo xiray musuqa

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ka tirsan Dekadda Muqdisho kuwaa oo loo heysto arrimo la xiriira musuq-maasuq.

Xubnaha loo xiray musuqa oo ku dhow 10 xubnood ayaa waxaa ku jira Madaxii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed Samow oo saacadihii ugu danbeysay isku dhiibay ciidamada xarunta CID-da.

Xariga iyo baaritaanka lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha kale ayaa waxaa ka hadlay ku-simaha Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in xeerilaainta ay amartay in lasoo xiro 10 ruux oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen Xoolo dadweyne, sidaana lagu xiray.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in ciidamada CID-da oo fulinaaya amarka Xeer ilaalinta ay xireen xubnaha oo uu sheegay in lagu hayo kiisas cadcad oo musuq ah.

Bishaar waxaa uu sheegay in ay yihiin dadkaasi eedeysanayaal, islamarkaana hadda ay ku socoto Baaris lagu kala saarayo sida ay u kala danbi badan yihiin.

“Xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha waxa uu qeyb ka yahay qorshaha lagula dagaalamaayo musuqa oo ay wado xukuumada Somalia, ma jirto cid la maagayo qofkii lagu helaa musuqa ciqaabteeda ayuu qaadan doonaa”

Waxa uu Bishaar Abshir Geedi, tilmaamay in dowlada Somalia aysan khalad ku maagi doonin qof wanaagsan hase yeeshee ay wado keliya baaritaan lagu kala saarayo danbiilayasha iyo kan danbi la’aanta ah.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada CID-da ay habbeenimadii xalay qabteen Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow, kaddib markii shalay Ciidamada Booliska ay xireen ku-xigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo xubno kale ayaa xalay ku hoyday Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan.

Waxaa sidoo kale la xiray xubno lagu eedeeyay Musuq maasuq oo ka tirsanaa Ciidamada Ilaaladda degaanka Xamar.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili dowlada Somalia ay dhawaan ku dhawaaqday ciribtirka shaqsiyaadka musuqa ku bahoobay ee cuuryaamiyay horumarka ka jira dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com