Puntland oo la shaaciyay tirada ururada siyaasadda ee ka jira

Garoowe (Caasimada Online) Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa shaaciyay tirade ururaada siyaasada ee ka dhisan deegannada Puntland, iyadoo xilliga doorashada maamulkaas uu dhacaayo 8-bisha January 2013-ka.

Guddoomiyaha guddigaas oo saxaafadda kula hadlaayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in wajiga koobaad ee diiwangalinta ururada siyaasadda ay gaarayaan illaa lix urur kuwaasoo kala ah:

1–HORSEED

2-MIDNIMO

3-PDP

4-UDAD

5-HOR-CAD

6-WADAJIR

Si kastaba, ururada qaar badan waxa ay taageero u yihiin maamulka Madaxweyne Faroole, oo hadda raba in hal sano oo kale ay xafiiska siihayaan, arrintaasna waa laga digay.

Ururadan ayaa loo qaban doonaa doorasho, waxana laga rabaa seddax urur kuwaasoo noqon doona kuwa ugu codka badan.

Madaxweyne Faroole wuxuu lee yahay in aan xilka siihayo halsano oo kale, waxa ii fasaxay sharciga.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku eedeenaya mudda korar siga ay lee yihiin dano ka baxsan Puntland.

Isagoo la hadlaaya BBC-da ayuu yiri “Annaga haba yaraatee wax muddo korarsi aan sameenay ma jiraan, mana weydiisan maalin xittaa maanan weydiisan, in kastoo aan ka xumahay dood aad siiseen rag wasiiro iyo dad buuqa magaalada wada, marka waan ka xumaaday”

“Waana in hal eray lagu soo celiyo waayo dastuurka wuxuu dhigayaa in madaxweynaha uu heyn karo muddo shan sano ah, dastuurkan ma ahan mid hadda bilowday ee waxa bilaabay maamulkii annaga naga horeeyay waxana uu ahaa bishii Febraayo 14-keedii 2007-da”