Puntland oo muujisay in aysan DFS ka maarmin (Wafti ay u dirtay MUQDISHO)

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Garoowe tiro ka badan 20 Agaasime waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradaha maamulka Puntland, kuwaas oo lagu wado inay maanta uga qeyb galaan Muqdisho shir ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada waftiga Puntland u tageen Muqdisho ayaa salka ku haysa ka qeyb galida kulan dabo socda shirarkii hore ee DF ka qabatay Barnaamijka ” New Deal”, oo ay horey uga qeyb galee wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Gaas.

Xubnaha Muqdisho yimid waxaa ka mid ah Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada, Agaasimaha Tacliinta sarre Wasaarada Waxbarashada, Agaasimo waaxeedka Faaf reebka Warfaafinta, iyo Xubno kale oo tiradoodu ka badan tahay 20 qof oo inta badan xilal Agaasimo waaxeed ka haya Wasaaradaha iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland.

Socdaalka waftiga ayaa imaanaya xilli aysan wali wada hadalo rasmiya ka yeelan Puntland iyo Dowlada Federalka Somaliya go,aankii kasoo baxay Xukuumada Madaxweyne Gaas 20-kii bishii horre Augsto 2014 iyo Mowqifkii uu ku shaaciyey Madaxweyne Gaas 31 July 2014 inuu jaray wada shaqeyntii iyo xiriirkii Xukuumadiisu la lahayd Villa Somalia.

Waa arrin yaabkeeda leh, in Puntland ay marna sheegto inay xiriirka u jartay dowladda federaalka, marna ay ka qeyb gasho shirarka iyo tababarada ay qabaneyso, waxaase ay u muuqataa mid muujineysa sida aysan Puntland uga maarmin DF.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland u tagto Muqdisho shirar ay soo qaban qaabisay DF Somalia tan iyo markii la doortey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com