FARTAAG oo la sheegay inuu si sir ah dhaqaale ugu bixinaayo shirka GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya mid kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gedo, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba Gen. Fartaag uu xiligaani dhaqaale ku bixinaayo shirka ka furmaya Gedo ee looga soo horjeedo kan ka socda Kismaayo.

Mas’uulkaasi oo magaciisa kusoo gaabshay C/llahi, ayaa waxa uu Cadeeyay in fakirka qabsoomida shirka Gedo uu leeyahay Fartaag, waxa uuna Tilmaamay in shirka dadaalkiisa uu bilowday xiligii ay kala irdhooben Fartaag iyo Axmed Madoobe, islamarkaana fartaag uu ku sugnaa Magaalada Gedo.

Waxa uu sidoo kale, Mas’uulkaasi xaqiijiyay in dhaqaalaha shirka ku baxaayo %30 uu bixinaayo Gen.Fartaag oo uu ku sheegay inuusan aheyn ruux weli ku qanacsan Axmed Madoobe, balse ay dantu ku qasbeeso.

Dhanka kale, Waxa uu mas’uulkaasi Fartaag ku eedeeyay inuu hanjabaado u diro Odayaasha iyo Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa shirka, hadana uu dhaqaalo ku bixiyo qabsoomida shirka, taasi uu ku sheegay mid aan wanaageeda wadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com