Habar-Gidir & Majeerteen oo ciidankii ugu badnaa geeyey Gaalkacyo + Qax

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo wato gawaarida dagaalka kana baxay Guriceel, Cadaado, Dhuusamareeb, Bandiiradley, Gelinsoor iyo Ceelgaras ayaa gaaray Koofurta Galkacyo halka dhinaca kalena ay Ciidan lixaadleh buux dhaafiyeen Waqooyiga Galkacyo kuwaas oo ka yimid Bosaaso, Qardho, Burtinle iyo Garowe.

Maleeshiyaadka Majeerteen iyo Habargidir ayaa laga cabsi qabaa inay isku dhacaan, kuna kala baxaan gacan ku heynta Magaaladda Galkacyo oo hore loogu wada deganaa heshiis ay kala saxiixdeen Jeneral Caydiid iyo Korneyl Cabdullahi Yusuf allaha u naxariistee labadooda.

Berimageydada ku nool Koofurta iyo Waqooyiga Galkacyo ayaa bilaabay inay ka qaxaan labada dhinac, waxaana arrintaan ka dhalatay kadib markii uu fashil ku dhamaaday kulan lagu ballansanaa inay shalay {Sabti 27 Sept 2014} isku hor fariistaan ergo kala metelaya Galmudug iyo Puntland.

Beesha Habargidir ee maamulka Galmudug waxay si rasmiya u joojiyeen isu socodka gaadiidkii Dekadda Boosaaso ka soo daabuli jiray alaabaha ee wadada gobolada dhexe isticmaali jiray, sidoo kalena waxay xireen Garoonka weyn ee Galkacyo.

Sida muuqata bulshada Puntland waxay wajahayaan colaad siyaasadeed taas oo aan la sii saadaalin karin waxay ku dhamaan doonto.
Waxaa jira kumanaan u dhashay qabiilada Majeerteen iyo Habargidir kuwaas oo aad uga soo horjeedo in dagaal sokeeye laga rido gobolka Mudug, hase yeeshee siyaasiyiinta labada dhinac waxaa ka muuqda qabweyni.

Hadii dagaal ka dhaco Mudug, oo Habargidir iyo Majeerteen fooda isdaraan waxaa hubaala inuu dagaalka ku ekaan doonin gobolkaas balse aargoosiga wuxuu noqon doonaa goob kasta iyo gobolka kasta.

Arrimaha ugu calool xumada badan colaadaha nuucaana waxaa laga tilmaami karaa in qof aan dimbi gelin loo dili doono wuxuu ka dhashay qabiil hebel.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo dagaalka ee Majeerteen iyo Habargidir inta badan caruurtooda waxay u dirteen dibadda ama ugu nool yihiin, waxaana muhiim ah inay bulshada labada beelood ee ku nool gudaha Mudug ka tashadaan aayahooda.

Si kastaba ha ahaatee, Mudug waxay labaatan sano kadib wajaheeysaa dagaal sokeeye kaas oo aan la sii saadaalin karin wuxuu ku dhamaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com