C/Weli Gaas oo ku wajahan Gaalkacyo iyo xog cusub oo laga helaayo xiisada

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku wajahan yahay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Tegi taanka madaxweynaha Puntland ee Gaalkacyo ayaa la xiriirta xiisadda ka dhalatay xayiraad lagu soo rogay garoomada diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Wariyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu kula kulmi doono Gaalkacyo dhiggiisa Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Magaalada Gaalkacyo waxaa shaley gaaray wasiiro iyo saraakiil ciidan oo hordhac u ahaa socdaalka madaxweynaha Puntland uu ku tagayo Gaalkacyo.

Sidoo kale, waxaa magaalada Gaalkacyo la filayaa in ay gaaraan xubno wasiiro iyo xildhibaanno ah oo ka socda dowladda fedaraalka kuwaasoo uu soo diray ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo shaley ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka u dhexeeya labada maamul isl markaana la fasaxo adeegyada duulimaadyada ee garoomada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, cabsi aad u ballaaran ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha ku dhow garoomada diyaaradaha ee magaaladaas maadama laga cabsi qabo in la weerarro diyaaradaha ku soo dagaya halkaas.
Dadkii sugnaa dadkaas ayaa isaga qaxay goobahaas waxaana ay aadeen meelo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com