Cabdi QEYBDIID oo hub farabadan ka rartay magaalada Cadaado (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in hub farabadan oo laga daadgureeyay Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb la geeyay Galmudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hubkaasi uu ahaa mid u socday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale ‘’Qeybdiid’’, iyadoona Ujeedka hubka lagu sheegay mid Qeybdiid uu isaga caabinaayo Maamulka Puntland oo uu kala dhexeeyo Khilaaf adag.

Hubka laga qaaday Magaalada Cadaado ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu u badnaa kuwa Fud-fudud iyo kuwa culus.

Dhanka kale, Hub dajintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo inta badan laga barakacaayo Magaalada Gaalkacyo, mana cada sida ay ka yeeli doonaan Maamulka Puntland Colaadaha cusub ee kaga imaanaya dhanka Galmudug.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka digtay in Labada Maamul ay isku adeegsadaan dagaal uu dhiig ku daato, iyadoona ku talisay  in Khilaafka lagu  dhameeyo Wadahadal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada:@live.com