Qeybdiid oo shir ku qabtay Gaalkacyo, shacaiyeyna war ka farxiyey Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu goor dhaw Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Shirkiisa ku shaaciyay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya Galmudug ay fasaxday Xanibaadii ay ku soo rogtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in sababta uu u fasaxa ay tahay Codsiyo qoraal ah oo kaga imaaday dhanka Madaxda Dowlada Federaalka Somalia, waxa uuna Tilmaamay inuu diyaar u yahay wax waliba oo ay DFS xal u aragto.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay jabisay Amarkii Galmudug ee ahaa in Garoonka uu xiran yahay islamarkaana Galmudug ay garawsatay in Garoonka Xanimaada laga qaado.

Dhanka kale, shirka Jaraa’id ee Cabdi Qeybdiid, ayaa kusoo beegmaya xili la shaaciyay inuu Hub kasoo daabulay Magaalada Cadaado, islamarkaana uu kasoo degsaday Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com