Kulan albaabada ay u xiran yihiin oo ka socda Villa Somalia (Yuu u dhaxeeya?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu kusoo waramaayo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowlada oo ku sugan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xassan Sheekh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay uu Madaxtooyada ku qaabilaayo Xubno ka kala tirsan BF iyo Wasiiro dhowr ah.

Mudanaha ayaa sheegay in shirka uu yahay mid albaabada uu u xiran yahay, islamarkaana looga arrinsanaayo Khilaafyo Xassan Sheekh kala dhexeeya Ra’isulwasaaraha Dalka.

Mudanaha ma uusan bixin faah-faahino dheeri ah, balse waxa uu inoo xaqiijiyay in Kullanka uu yahay mid looga tashanaayo Mooshino ka yaalla Ra’isulwasaare C/weli Xassan.

Waxaa weli socda kullanka, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay, inkastoo shirka uu yahay mid aan loo Ogoleyn Saxaafada.

Dhanka kale, Kullanka ayaa ka danbeeyay kadib markii Madaxweynaha DF xasan sheikh uu shaaciyay inuu jiro Khilaaf kala dhaxeeya Ra’isulwasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com