Xildhibaan soo bandhigay arrin ay isku haystaan xukuumadda iyo BF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka guddiga ammaanka iyo fedaraalka baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in uu jirro is-maandhaaf aad u weyn kaasoo ka dhex jirra baarlamaanka iyo xukuumadda fedaraalka.

Mar uu ka hadlaayay is-maandhaafkaas iyo halka uu salka ku hayo, wuxuu tilmaamay in uu la xiriiro qaabka loo sameenaayo maamul u sameenta gobalada dalka.

Xildhibaanka ayaa daaha ka qaaday in hirgalinta nidaamka fedaraalka ay ku hor gudban yihiin caqabado waaweyn oo sabab u tahay xukuumadda sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda ay rabto in marka hore ay dhisto maamul kor laga keenay ee dadka deeganka lagala tashan halka xildhibaannadooda ay ku doodayaan halaga billaabo meel hoose.

“Inta badan hirgallinta nidaamka fedaraalka waxaa ku hor gudban caqabado waaweyn waa in wax kasta oo la dhisaayo hoos laga billaabo halka xukuumadda ay rabto in ay kor ka keento” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ku waalatay nidaamka fedaraalka ee dalka taasoo uu yiri waxay dib u dhac ku keeneysa hiigsiga 2016-ka oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso siddii ay maamul u sameenta gobalada dalka ay hirgalin lahayd.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com