PUNTLAND oo u jawaabtay QEYBDIID !!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay hadalka uu maanta sheegay madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kaasoo ahaa in ay ka laabteen go’aankii ay ku xayireen garoonka diyaaradaha ee weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa VOA-da u sheegay in Puntland aaney jirin wax garoon ah oo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo in ay xayireen.

Wuxuu sheegay in Puntland aaney ka gorgortami karin garoonka diyaaradaha ee waqooyiga Gaalkacyo ku yaalla iska markaana garoonkaas uu ku yaallo dhinaca Puntland.

Wuxuu sheegay Garoonka Gaalkacyo in uu la mid yahay kan ku yaalla Boosaaso iyo Garoowe oo ay maamusho dowladdaPuntland sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan eedeen uga timid madaxweynaha Galmudug taasoo ah in Puntland ay colaad ka abuureyso dadka ku dhaqan Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug aanu habooneen in loo jawaabo maadama Gaalkacyo ilaa Cadaado uu ka sheegayay dagaal isagoona intaas ku daray in marnaba Puntland aaney rabin in in colaad ka abuurto beelaha walaalaha ee deggan Gaalkacyo.

Wuxuu kaloo beeniyay wasiirka warfaafinta in aysan jirin wax garoon ah oo ay u diideen diyaaradaha in ay ka soo deggaaan Gaalkacyo isla markaana howlaha u yaalla aaney ahayn balse madaxweynaha Galmudug uu doonayo in uu colaad ka abuuro Gaalkacyo sida uu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in waxbo aanu u oggoleen Galmudug marka ay timaado sida loo maamulaayo garoonka diyaaradaha ee ku yaalla dhinaca Waqooyiga isla markaana maamulkiisa 100% uu hoos immaanayo maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com