Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdiqeybdiid kaasoo ahaa in Puntland ay xayiraad ku soo rogtay garoomo ay maamusho oo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo.
Cabdinaasir Badal Khalaf oo warfaafinta u qaabilsan gobalka Mudug ayaa sheegay in Puntland aaney u diidin madaxweynaha Galmuudg, Cabdi Qeybdiid in uu ka soo dago garoonka diyaaradaha Gaalkacyo balse ay ka war heleen in halkaas ay ka soo dageen diyaarado hub sida oo ka soo duulay garoomada Baladoogle iyo Lambar 50.
Wuxuu sheegay in hubkaas lagala soo cararay magaalada Muqdisho isla markaana la rabo in colaad hor leh lagaliyo shacabka ku dhaqan goballada dhexe sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkan u hadlay maamulka Puntland ayaa ku celceliyay in la mamnuucay guud ahaan diyaarad aaney ogeyn maamulkooda in ay soo fadhiisato garoomada Gaalkacyo isla markaana Puntland ay gacanta ku heyso guud ahaan gobalka Mudug oo dhan sida uu yiri.
Mar la weydiiyay sida uu ku caddeen karo in hub sharci-darro ah laga dajiyay koonfurta Gaalkacyo wuxuu tilmaamay in ay hayaan caddeemo oo xitaa la weydiin karo AMISOM iyo xildhibaannada Puntland ee baarlamaanka ka tirsan kuwaasoo ogaaday markii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay maamulaan AMISOM laga soo qaadi waayay hubkaas in laga soo daad gureeyay garoomada Lambar 50 iyo Baladoogle.
Hadalkan sarkaalkan u hadlay Puntland ayaa jawaab u ah hadal uu xaley sheegay madaxweynaha Galmudug kaasoo ahaa in Puntland ay xayiraad ku soo rogtay garoomka ay maamusho maamulkiisa oo ay ku jirro mid dhawaan laga dhisay koonfurta Soomaaliya.
Si kastaba, Qeybdiid waxa uu sheegay in haddii arrinta aan xal looga gaarin muddo saddex cisho ah gudahood inuu tallaabo cawaaqib leh qaadi doono.
Halkan ka dhageyso
Caasimada Online
Xafiiska Warark Muqdisho