Puntland oo qaadeyso tallaabo la mid ahn midda lagu haysto Somaliland

Garowe (Caasimada Online) Dowlad goboleedka Puntland ayaa qorsheyneysa, sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis ku eedeysan Burcadbadeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garowe, iyadoo tallaabadaasi oo kale ay dhowaan qaaday Somaliland oo ay hadda ku heysato Seychelles sababta ay u sii deysay maxaabiis burcabadeednimo ugu xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in 48 eedeysanayaal ah oo loo heysto Burcadbadeednimo ay haatan si xaq darro ah ugu xiran yihiin xabsiyada maamulkaasi.

Aw Cismaan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay u doodo xuquuqda maxaabiistaasi.

“Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u doodo maxaabiistaan, Puntland inta tabarteeda ah waa dadaashay, baarlamaanku ha u doodeen dadkaan.” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka koowaad aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Senator Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo kormeer ku tegay xabsiga Garowe ayaa sheegay in ujeedka booqashadooda  uu ahaa ogaanshaha xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku xukuman Burcadbadeednimada ee ku xiran xabsiga weyn ee magaaladaasi.

Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay in arrinta maxaabiistaan ay la wadaagi doonaan madaxda sare ee dalka, islamarkaana ay jawaab ku soo celin doonaan Puntland.

“Waa dadaalaynaa dowladdana waa ku war celineynaa, jawaab ayaana idinku soo celineynaa, markii hore rajadaydu waxay aheyd inaa diyaaradda ila raacdaan, laakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”. ayuu yiri Senator Bukhaari.

Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii Somaliland ay xabisga ka sii deysay illaa 19 maxaabiis ah oo ku eedeysnaa falal la xariira Burcadbadeednimo, hayeeshee dowladda Seychelles ayaa maamulkaasi ku dhaliishay sii deyntooda, kuwaas oo ku xukunaa 30, 36, ilaa 43 sano oo xabsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com