Puntland oo qirtay inay Al-Shabaab ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah SANAAG

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ee gobolka Sanaag General Cabdullahi Cumar Canshuur ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay gudaha u galeen gobolkaasi.

Canshuur oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku joogaan meelo ka mid ah gobolka Sanaag, balse wuxuu tilmaamay in aysan jirin deegaano ay si toos ah ula wareegeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xittaa fariisimo ciidan aysan ku laheyn gobolkaasi, marka laga tego inay si qarsoodi ah ku teegaan meela qaar, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaaga ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in iyagu ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada Al-Shabaab ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegano dhowr ah oo hoosyimaada degmada Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.