Puntland oo shaacisay in ciidan badan ay dileen cabtoy iyo tallaabo ay qaadeyso

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa shaacisay in ciidankii u badnaa looga dilay dagaalka maandooriyaha ee maamulkaasi ay ka wadaan ciidanka Booliska Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland General Muumin Cabdi Shire oo hadal ka jeediyay kulanka bulshada iyo booliska oo lagu qabtay Garoowe ayaa sheegay in 70 ka tirsan ciidanka Puntland ay dileen kooxaha khamriga isticmaala.

”Labadii sano ee u dambeeyay 70 xubnood oo ka mid ah ciidanka ayaa waxaa dilay cabtoy,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Puntland General Muumin Cabdi Shire.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu hadda maamulka ka shaqeynayo sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqaadka ciidanka, oo mararka qaar ku shaqeeya xaalado adag.

“Waxaan hadda ka shaqaynayna in aan wax ka beddelno mushaharaadka ciidanka,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha ciidanka booliska Puntland General Muumin Shire.

Booliska maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn iyo tayeyn lagu sameynayay, ayada oo sidoo kale hoggaanka jooga uu ka shaqeynayo sidii loogu dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman ciidanka.

Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga ee ka ganacsadana ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe, kuwaasi oo maamulka Puntland uu dagaal adag kula jiro, maadaama ay dhibaatada ku hayaan bulshada, qeybna ka yihiin falalka amni darro ee ka dhaca maamulkaasi.