Puntland ‘oo fulisay mid ka mid ah yoolasheeda sifeynta’ Al-Shabaab

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay toogasho ay Puntland saaka ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay horey u xukuntay maxkamadda ciidamada maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa marka hore soo dhoweeyey toogashadan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo, laguna fuliyey illaa 18 xubnood oo ahaa shabakad isku xiran oo Shabaab ah, laguna eedeeyey inay dad badan ku dileen gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan hada ku fulinay Xukunkii Maxkamadeed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu waynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee mudada 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan darida ah ku laynayey Bulshada Magaalada Gaalkacyo. Xukunkan Maxkamadeed waxaan ka fulinay Magaalada Gaalkacyo, 18-kii Xukumane Waxaana marinay dariiqii ay mariyeen haldoorka-yagii oo ahayd inaan ka gudno Qisaasta,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay fuliyeen mid ka mid ah yoolashooda ka sifeynta deegaanada Puntland ee kooxda Al-Shaaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Ka maamul ahaan waxaa fulay mid kamida yoolashii aan ka lahayn inaan kaga sifayno Ururka Argagixisada Alshabaab guud ahaan Gobolka Mudug, intaan ka xasuusano waa tiradii ugu badnayd abid ee soomaaliya oo halmar goob fagaaraa lagu toogto, waa maalin taariikhiya maanta oo  dhaxal wanaagsan oo ay ku faani karto unoqon doonta Magaalada Gaalkacyo,” ayuu markale yiri guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo rag gaaraya 21 ruux gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.